“Gabaygan uu tiriyey Qamaan Bulxan wuxuu ku saabsan yahay xilli ay Xabashidu ku xidhay magaalada Harar xilliggii loo yaqaanay Giri-Giri (waqtigii ay dagaalladu badnaayeen).
Qamaan xabsiga isagoo ku jira ayuu fariin u diray Maxamuud Ciye, oo ahaa nin ka soo jeeda reer Ciideed oo ay isku raas ahaayeen Qamaan.
Ujeeddada fariintu waxay ahayd inuu tolkii u sheego inay si degdeg ah isu soo urursadaan, sababtuna ay tahay cadaawad baahsan oo jirta awgeed.
In kasta oo gabaygan uu wada dhan naga maqan yahay, inta naga soo gaadhay waxay tidhi:
1. Maxamuud Ciyow talo adduun, miririg weeyaane
2. Waa waxaan masuubana la’ayn, laguna maanshoone
3. Hadba adiga oo moog unbuu, mahayin aaraaye
4. Oo soo mudh odhan duul madow, milaygi Dayreede
5. Ma moodaynin middanaa kuugu xigi, maalintii Sirow e
6. Waxse aad mari halkii Eebahey, kugu manaystaaye
8. Rag aan miidhnay madaxdoo faqday, buu mala khasaarshaaye
9. Mudaahano masalo been ah, baa madhisay Daroode
10. Naftanu waxay u maxaboon, halkaan lagu manaabayne
12. Maaneed raggii degi jiray iyo, madhay Ogaadeene
13. Madheedhkii ku yiil Dhirindhir iyo, Xoddayo waa mowede
14. Marta Faaf maldada Ceel Bakool, madhan ciddeediiye
15. Waa meyti aakhiro Wardheer, maqadinkeediiye
16. Maxaad Roobna Mandooyiyo ka samir, mududkii Caadoode
17. Waa marag waxaa ay inagu fureen, dhalad mudkiisiiye
18. Magacood ba’ayoow waxaad tihiin, dibada mayd yaale
19. Mashaqowde maatida hadaad, midigta jiidaane
20. Soo miilo gaabsada haddaad, qaban kartaan meele
21. Ama maala caanaha Bankay, Murug ku dhiiqdaaye.
Kaydintii: Akadimiyadda Afka iyo Suugaanta ee Murti
Qalinkii: Mr. Cumar Ismaaciil Digeed