“Qoyska Qamaan Bulxan oo ku noolaa deegaankooda, ayaa waxaa habeen magaalada soo galay rag safar ah oo u muuqday kuwo reerka ku hoyaan doona.
Qamaan ayaa raggaas oo meel dheer ka muuqda arkay. Isagoo degdegsan ayuu horay u galay aqalkiisa, wuxuuna xaaskiisa ku yiri: “Nimankaa safarka ahi, haddii ay ku yiraahdaan ‘Qamaan ma joogaa?’, ‘maya’ dheh. Haddiise ay ku yiraahdaan ‘Qamaan Bulxan ma joogaa?’, ‘haa’ dheh.”
Nimankii safarka ahaa, iyagoo u muuqday kuwo hadalkii Qamaan hore u ogaa, ayay xaaskiisa ku weydaarsadeen oo ku yiraahdeen: “Qamaan Bulxan ma joogaa?”
Haweenayda in ay hadalkii Qamaan hilmaantay iyo in ay iyada naf ahaan ujeedo kale lahayd, Ilaahay baa og. Hase yeeshee, waxay nimankii ugu jawaabtay: “Mayee Qamaan Bulxan ma joogo.”
Jawaabtaasi ma ahayn sidii uu Qamaan kula dardaarmay.
Hadaba, markii uu kor u soo kacay ayuu tixdan tiriyey:”
- Naagyahay horyaalnimo ninkaa, loo huraan ahaye
- Waxaa ahay nin lagu soo hirtoo, heelan abidkiiye
- Ma huluulan karo buul anooy, timihii haarmeene
- Waa kaa raggaan ka hambas idhi, galayo haybtiiye
- Waxaan heli waxaan haaban karo, iyo waxaan haysto
- Hiyiguba wuxuu doonayaa, inaan hibeeyaaye
- Iyagaa intay hiish baxshaan, heesi dabataale
- Oo ku hilbo qaybsada waxay, hor Alla gaysteene
- Ma Hartaynu nahay soorta maad, hadal la’aan dhiibtid?
Hiisku waa wax yar oo aan dhamaystirayn; Heerkaan ku moodaayey baa, hiishash kaa go’aye waa kii ninkii kale lahaa
Inaysan dhanayn baa la arkaa tixdani.
Kaydintii: Akadimiyadda Afka iyo Suugaanta ee Murti
Qalinkii: Mr. Cumar Ismaaciil Digeed