Saddex Dhibaato oo Isbiirsaday: Abaarta, Budhcadda & Wadadii Wadaaddada
Sebenku wuxuu ahaa mid loo yaqaanno Xaaraama-cune. Abaar gaag-mareeba ah ayaa geyiga Soomaaliyeed ku baahday. Roobkii, gu’ iyo deyrba, waa la waayey. Dadku macaluul ayuu la ildarnaa.
Inkasta oo uu dhibaatadaasi jirtay, haddana Dagaallo isdaba-joog ah ayaa dhexmaray Daraawiish iyo Ingiriis. Kolkuu u adkaysan waayey xabbadda Daraawiisheed, Ingiriis Caga-weyne oogada oo dhan wuu ka guuray, wuxuuna isku uruursaday Xeeb iyo meel aan ka sokeyn.
Dhibaatadii Sayidka Ashqaraarisay
Saddex arrimood oo culus ayaa Sayid Maxamed la kulmay:
- Dhibaatada Koowaad: Budhcadda Fadhatada ah. Dhulkii uu Ingiriis ka cararay, waxaa ka soo baxay budhcad fadhato ah oo safar iyo saakinba boobtay. Jidgooyadii iyo dhuljiifkii ayaa batay. Sayidku aad ayuu ula yaabay tahluukadaas taagnayd.
- Dhibaatada Labaad: Talladii Heshiiska Ingiriiska. Wax yar ka dib, waxaa dhacay mid taa ka daran. Ingiriis ayaa waxaa laga keenay fariin ah inuu doonayo inuu Daraawiish la heshiiyo.
- Dhibaatada Ugu Adag: Wadaaddadii Heshiiska Taageeray. Arrintaasi waxay dhakafaarisay Sayidka markii wadaaddo dhawr ah ay arintaa u riyaaqeen kuna doodeen inay bannaan tahay in Ingiriiska gumaystaha ah dawo lala yeesho, iyagoo wax daliil u eg Diinta ka keenay.
Haddaba, wuxuu tiriyey gabaygan qaaliga ah oo uu kaga warramayo arrimahaa iyo xaalado kale oo badan.
Wuxuu yidhi, godka Allaha u nuuriyee:
- Xuseenow Allaha noo sahlee, saancaddaa timide
- Maandhow siqiir iyo kabiir, sida la yeelaayo
- Hadba suufiyey qaban intaan, soogsadoo kaco e
- Surinkii aan joogaba dhulkaan, samay ku jeexaaye
- Salaadiyo sunniyo waajibkii, waan sahwiyaaye
- Subucii quraankiyo wardigii, seegay waayahane
- Ma siraadna dhaayuhu haddaan, meel ka sowlaxe e
- Ban saliid la moodiyo waddadu, surin ma dhaamaane
- Sogsogtaan maraa sida indhuhu, nimay saruureene
- Maandhow nin cadho suursanoo, saaqsan baan ahaye
- Sarduubkaa i joogee qalbigu, way saddamayaaye
- Suukaanyo ciil baan arlada, sulugle meeraaye
- Suxullada unbaan labada low, sudhan alleylkiiye
- Surmadaan ku kuududay tan iyo, saaca waaberiye
- Surkii baygu jabay foorarkaan, seben u yeellaaye
- Sidii soocan bayda ah ma hado, saakin iyo jiife
- Sardhadaan laamadoodsado hurdada, waan ka selelaaye
- Goortay Suhuuradu[1] dhacdaan, suluf idhaahdaaye
- Saqda dhexe allaylkii markii, sahalka loo jiifay
- Saxalkiyo[2] Mariikhii[3] haddii, la igu soo suurshay
- Sawaxa iga soo baxay miyaa, Suurkii[4] la i mooday
- Sidii saxal nujuumeed markaan, saxaha eegaayey
- Ma Samuuladkaan sida ayaxa, samada uugaanshay
- Ma saxaabka duuliyo cirkaan, sare u weydaartay
- Sahal roob daruuraha salliban, saymo curanaaya
- Sarkadhabanta fiidkii markay, samadu ceegaagtay
- Goortay suxuurtii ahayd, sarab miyaa fuulay
- Goortii sawaaxiga gugude, dunida saameeyey
- Unkadkiyo sowdkii markay, samadu xiimaysay
- Hillaacii saraaraha ka baxay, Sibi[5] miyuu muujay
- Ma sagaashankii baa go’oo, sagal ku gaylaamay
- Dirirkoo sideed maray miyuu, badh u siyaadeeyey
- Surmaddiyo kulaylkii miyaa, saxansax loo dhaafshay
- Saaq xamasha sooniyo canbuul, saani iyo waadi
- Arligii sabaanigu ka dhacay, sarac miyaa fuulay
- Sanqaraara uduggii miyaa, lala sumbaaxooday
- Afartaa sifeeyoo ka dhigay, suufka oo kale e
- Waa mawjad seylaamiyo, saacad gaw tidhiye
- Sawd kalena waa dunidateer, si aan ka faalleeyey
- Waa dunida uu kala sunsumi, salowlaheediiye
- Waa dunida subaxii beryaba, saro timaaddaaye
- Waa duni samaan iyo xumaan, sooran ay tahaye
- Waa duni sir iyo tuugo iyo, saanji loo kiciye
- Waa dunida saami ugu dhacay, saabir iyo cayre
- Waa dunida siirkeedu yahay, siifad iyo hooge
- Waa duni ninkaad saxarsataa, seedda kaa jariye
- Waa dunida uu kugu sabbixi, seedigaa dhabahe
- Waa duni aan saxariir cadow, laga siqoonayne
- Waa duni sowraca kufriga, la isku saaweyne
- Waa duni siqiirkii lahaa, laga sabaayaaye
- Waa duni sagaal Tolomogge ah, samanka taageene
- Waa dunida gaal lagu salliday, sanac la’aaneede
- Waa duni sarwaan lagaga guri, sedo ammaaneede
- Waa duni sabaan aakhiroo, silic ka joogaaye
- Waa duni ninkii sadar bartaa, sababi diintiiye
- Waa duni siyaarada la siin, xaaf sarkaaliye
- Waa duni sarkaalkiyo ardadu, wada sinjiidhaane
- Waa dunida Soomaalidii, laga santaagaaye
- Waa dunida sareedada la qubi, suluxa caanoode
- Waa dunida saaq lagu gataa, salaba guud dheere
- Waa dunida loo suudalaa, sakhara naareede
- Waa dunida soon laga tegiyo, sadaqo iideede
- Waa duni safkii laga baxoo, gaal la saacidiye
- Waa duni simaadhii jannada, suus aan ku lahayne
- Waa dunida saab ferenji iyo, Saaxil loo kiciye
- Waa duni la saacidi kufriga, saaxir kuu colehe
- Waa duni aan lagu soorahayn, seera kuu timide
- Waa duni sokeeyiyo xidid, kala sawaaleene
- Waa duni abaal laga samroo, samo la diidaaye
- Waa subeydaarradii, lagu salaamaaye
- Waa duni subbeyhiyiiintu tahay, saadadoo kale e
- Waa duni sifaalaha la fali, laga sujuudaaye
- Waa duni ninkaaad boqol sidka ah, seeri uga yeesho
- Waa duni inuu kuu sallimo, laga sugaaleyne
- Waa duni sun loo shubi ninkii, kuu saddiiq noqone
- Waa duni sunbulaheeda dhici, laga suruuraaye
- Waa duni sirgaxanoo iblays, saababkaw rogaye
- Allahayow subxaan qaadirow, naga salaamayso
- Afartaa intaan saxay miyaan, siinka ka higaadshay
- Surmadiisa lama seejiyee, surin ma qaadsiiyey
- Meeshaan ku kala sooci jiray, soohdin mow mariyey
- Nimanbaa suxuurta u kallaha, sabaq cadaadeede
- Oo suudi kulul meerayiyo, sool abaar badane
- Surmi iyo harraad bay ku tegi, Sibi dushiisiiye
- Waxay sudhan sintaaraha xashimad, qaara siiqa ahe
- Dhirta ay saloolanahayaan, suumankaa go’iye
- Sogsogta iyo qodaxdaa ku jabi, suxulladoodiiye
- Sebaan iyo sebaan bay maqnaan, saayid weshaaye
- Sukukuun Allow bay ku iman, soonfur dabadeede
- Salka intayan meel dhiginna, waa saafurahayaane
- Awrkii sadaadaha lahaa, saaddambay rariye
- Sabaankaa waxaa loo kaxayn, Saaxil iyo Ceege
- Saddex iyo sagaal bay u dhixi, suuqyadii belede
- Siirkii muxuu joogay bay, kugu salaamaane
- Subaxay galaan bay ku gadan, sicirka maantaaye
- Saddex hadday hoyaadaan ritiga, saare qalabkiiye
- Sunbulaha xaggaasay ka mari, siisihii Gubane
- Sumaac iyo libaax iyo dugaag, saaruq iyo haayir
- Abidkood sursuur bay galaan, surin cidhiidhyoone
- Hadalkaa sagtaa aan ku xidhay, sadarka laabtayda
- Intii gabay su’aashiis qabtaay, saxa kalaamkayga
- Sowdkaasna duulkaan u wado, siinka ka higaadsha
- Nimanbaa shareecada siroo, gaalka saacidiye
- Oo shalay safkii nagaga baxay, saymihii dhacaye
- Oo saarashada ferenjigiyo, saanjigaw xilanne
- Awgii siyaarada lahaa, salal hadduu qaaday
- Oo ay sahwiday culimadii, saxal mariikhowday
- Saxariirka aakhiro hadday, sax u ogaan weyday
- Siqiir iyo kabiir waxaa la geyn, saqara naareede
- Soon iyo salaad iyo sakiyo, sadaqadii iidda
- Sawaab kama helaayaan waxay, camal samaysteene
- Saasna waxaa ugu wacan kufriga, seer la leeyahaye
- Saaxiibkaa wuxuu kugu furaa, soohdintuu dego e
- Iyagoon ka saahidin wallee, saamax baan jirine
- Sunihii jidkii Eebbe waa, laga sawaalaaye
- Sallallaahu Nebigii rag baa, saaxirow yidhiye
- Oo saalixiintii la dhacay, sulubkii dheeraaye
- Hadalkaa sagtaa aan ku xidhay, sadarka laabtayda
- Intii gabay su’aashiis qabtaay, saxa kalaamkayga
- Sowdkaana duulkaan u wado, siinka ka higaadsha
- Nimanbaa cilmiga saakubaye, oo diinta saaciday
- Oo aan sidii Eebbe yidhi, sadarna moogeyne
- Subuca iyo wardiga kama tagaan, saacadaha leyle
- Waa wada sijaac geesiyaan, sabab ka laabmayne
- Waa sakhi kurtood deeqsiyoon, soof hadday bixine
- Suuraddooda iyo nuurku waa, saaca waaberiye
- Sargaalka iyo Hindiga way dilaan, uma sujuudaane
- Surkana way ka gooyaan dadkii, saaxirka ahaaye
- Soomaalidii uma turaan, saaruqa ahayde
- Hadalkaa sagtaa aan ku xidhay, sadarka laabtayda
- Intii gabay su’aashiis qabtaay, saxa kalaamkayga
- Sowdkaana duulkaan u wado, siinka ka higaadsha
[1] Suhra waa xiddig nuur badan oo Soomaalidu u taqaan waxara-xidh
[2] Saxal: waa xiddig magacii
[3] Mariikh waa xiddig guududan oo nuur badan
[4] Suur: waa buunka qiyaamaha la afuufi doono
[5] Sibi waa dhul magacii
Kaydintii: Akadimiyadda Afka iyo Suugaanta ee Murti
Qalinkii & Tafatirkii: Mr: Cumar Ismaaciil Digeed