Dib-u-soo-noqoshadii Nugaal: Jawaabtii Sayidka

Daraawiishi waxay mar walba degi jirtay meeshii ay doonto ee tabta dagaalka ku habboon ama xoolaha u roon, haddii aan colaadi u diidin. Ka dib shaqaaqooyin waaweyn, waxay isaga guurtay Nugaal iyadoo degtay Ayl iyo degaanka ku hareeraysan.

Markaa dambe ee ay Daraawiishi Nugaal ka guurtay, dad badan oo kasoo horjeeday waxay baafiyeen in cabsiyi kaxaysay, Nugaalna aanay Daraawiishi kusoo noqonaynin.

Dib u soo laabashada Awoodda

Muddo gaaban ka dib, ayey Daraawiishi dib u soo noqotay, Nugaal oo dhanna isku balaadhisay. Tani waxay ahayd jawaab cad oo beenisay eedeymihii cabsida. Ninkii afxumo horey Daraawiish u taartay, kii dakano ka qabay, iyo dabadhilif oo dhan ayaa Nugaal ka baynuunay (ka guuray ama la qabtay).

Markaa ayuu Sayidku gabay culus tiriyey, isagoo guusha faaninaya, isla markaana ugu goodinaya cadowga.

Wuxuu yidhi:

·        Ararsame dalkiisii ka carar, door ahaan jiraye

·        Deexdi Nugaaleed ka baqay, doora weynuhuye

·        Duuflaale goortii colaad, loola daaljiraye

·        Dul jooggii badnaa baa eryiyo, dooyadii farase

·        Diide oo fakade waa waxay, dir u lahaayeene

·        Kala dide finiinkii sidii, deero iyo cawle

·        Durdurka iyo darantii ma galo, deebluhuu dhaqaye

·        Daaraan ka siman ceelashii, darayda weynaaye

·        Derbi baan ka riday Ferenjigii, dooraduu dhigaye

·        Dabcigayga uun baan aqoon, duunka uu yahaye

·        Sidii dowra mudaha waxaan, dibedda meeraayey

·        Dabaqaan la helay gaalo waan, damacsanaa show e

·        Dabool igama saarnayn inaan, degayo Ceelgaabe

·        Dib wuxuu ahaan lama ogayn, deeqa Eebbahaye

·        Daliilkaa nin ragi wuu ogaa, doqonna moogaaye

·        Dan u guurka maantaan arlada, shalay dawaafaayey

·        Dacwaddoodu waatay ahayd, durug wadaadkiiye

·        Dadow maqal waxaan soo dul furay, dararkii Caymeede


Kaydintii: Akadimiyadda Afka iyo Suugaanta ee Murti

Qalinkii & Tafatirkii: Mr: Cumar Ismaaciil Digeed

By

"Abwaan Digeed waa Curiye Suugaaneed oo shaqadiisa ku saleeyay waayo-aragnimo qoto dheer oo uu u leeyahay Afka iyo Dhaqanka Soomaaliyeed. Waa Haystaha Shahaadada Labaad ee Jaamacadda (Master's Degree), taasoo u sahashay inuu suugaanta u dhex galo cilmi iyo falanqayn sare. Gabayadiisa waxaa lagu yaqaannaa xigmad, falsafad, iyo qaab-dhismeed aan caadi ahayn, taasoo ka dhigaysa mid ka mid ah abwaanada ugu tayada sarreeya ee isku daray dhaqan iyo aqoon casri ah."

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

error: Halkan kaga boggo