Xeeladdii Sayidka: Waftigii Xasan-Gaaruf iyo Heshiiskii Abraahiin

Xilligii Daraawiishtu ay gaylanka ku jirtay, Xukuumaddii Mililik ee Itoobiya ka talinaysay waxay col u soo dirtay degaanka Abraahiin si colkaasi canshuur uga soo uruuriyo, qofkii bixin waayana uu u ciqaabo. Xogtii colkaas kusoo aaddan ayuu Abraahiin helay, kolkaas ayay tabaabusho iyo talo galeen.

Waxgaradkii tolkaasi waxay isla qaateen in aanay Gaal iyo Islaam midna nabad fiicani dhex oolin. Waxaa dhinac walba ka gudbanaa colaad xiiraxiira ah:

  • Rayad: Ingiriis iyo wixii raacsanaa.
  • Dhabayaco: Talyaani iyo kuwii raacsanaa.
  • Huwan: Amxaaro iyo wixii la halmaala.

Xitaa Daraawiish oo qudheedu xoog fiican lahayd, col iyo nabad midna ma aysan ahayn. Mid ka mid ah odayaasha la qaddariyo oo la odhan jiray Tuurtuur ayaa Saaxil iyo Ingiriis aaday si uu heshiis ula soo galo, taasoo ujeeddadiisu ahayd inuu ka helo cudud uu Xabashida kaga hortago.

Go’aankii Siyaasiga ahaa

Sayid Maxamed oo ahaa Siyaasi xirribo dheer, wuxuu maqlay warkii colkii Xabashida iyo socdaalkii Tuurtuur. Wuxuu go’aan ku gaadhay inuu arrintaa ka faa’iidaysto, Abraahiinna xagga xarunta usoo dumo oo uu Daraawiisheeyo, isagoo Ingiriisna uga hormaraya heshiiskii uu Tuurtuur waday.

Si uu kaartadaas siyaasadeed u fuliyo, Sayidku wuxuu soo diray wafti balaadhan oo uu hoggaaminayey nin ka mid ahaa golaha Qusuusiga oo isla Abraahiinka ahaa, kaasoo lagu magacaabi jiray Xasan-gaaruf Qaloonbi Cabdi. Waxaa kale oo wafdiga ka mid ahaa Abshir Dhoore, oo ahaa Ammaanduulihii koowaad ee Daraawiishta.

Wuxuu Sayidku wafdiga ka dalbay inay Doollo iyo Haro Xagarreey gaadhaan oo ay la soo xaajoodaan odayaasha Abraahiin, isla markaana ay ka dalbaan gaashaanbuursi siyaasadeed iyo mid ciidanba.

Gabay cajiib ah oo dood nin weyn, garnaqsi, hogotus, iyo canaanba isugu jira ayuu Sayidku soo faray oo uu Xasan-gaaruf u soo dhiibay.

Wuxuu yidhi Sayidku:

     Xasanow hubqaaddaye haddaad, naga hagaageyso
     Hiyigaad ka sarejoogsatey, hibatay laabtiiye
     Haddaad hiirta waaberi sengaha, halabsatoo fuusho

     Habaas idinku duula iyo boodh, hiriba mooyaane
     Hilinkaad ku dhici waa midaan, laga habaabayne
     Waa tuu haloosiga ahaa, tan iyo Hiiraane

     Hayeeshee wax Hawd lagu yaqaan, hawkar iyo oone
     Hadda aynu joognaana waa,  hoga kaliileede
     Allihiii harada noo buuxin jiray, kuma harraadsiiyo

     Hinni awdan xagar huuraloo, hirif ka soo duulo
     Hanfigiyo kulaylkoo sidii, halac ku leefaaya
     Hagoog laydh ah hadhac kaa astura, lagugu hoosaasye

     Hurgun gocondho hiil qodax lehiyo,  hiije iyo qaare
     Huurmood gubada dogob huuroloo, hadowgu naafeeyey
     Hirrigaad mareysiyo jirduhu, kuma halaakeeyo

     Wiyil hadafa aar soo handadi, hiijoqabe reemi
     Hardi madax hankoobsiga ciddida, mici haliilaysa
     Hurduf geri haraatida lugeed,  qalanje heeraaya

     Hunnufaa dhurwaa iyo dugaag, so’ u halaaqaaya
     Shabeel horor ah haariban dawaco, haramcad guuxaaya
     Dhidir halable halowyaalo weer, haalufada yey ah

     Bahal hoose halaq baas intii, had iyo waabaay leh
     Haaweyda meertiyo colkiyo, haayirkiyo tuugga
     Galow hiririfleeyiyo jugley, wadane hawhaw leh

     Weliyada hanuunaan beryiyo, hodanka Yaasiine
     Habheebaha jidaashiyo daal, hanaqyadii dawga
     Habeen iyo dharaar Eebbahay, hadimmo kaa baaji

     Hor iyo gees hareer iyo gadaal, halal nabaadiino
     Hoygaagu heeraar Watiin, hoyosho Li’iilaaf dheh
     Hayaakiil ducaan kuu akhriyee, hibada aamiinso

     Afartaasi waa heega roob, hababacdeesiiye
     Sidii hogol daruur hiifabaan, hibitiqaayaaye
     Harawaatigii igama iman, hoorista ahaaye

     Waxaan sana hamuuraba adaan, kuu hawalayaaye
     Haddaan kugu hanqadho mowjadaad, ku hafan doontaaye
     Hillaacaa indhaha kaala tegi, halalacdiisiiye

     Hungurigiyo hoygaa qalbigu, kaa hadfahayaane

     Hawadaa waxay kula ahaan, hirar madow weyne
     Hinfidhka iga soo bixi naftaad, kala harbeysaaye

     Heli meysid gabaygaan hayiyo, hooyo-waalaha e

     Xuseen baan haguug ugu dhintiyo, haq iyo looyaane[1]
     Isaguba higgaadaan u qoray, heli aqoon waaye

     Hal yar iiga gee reer tolkaa, hagidii aad gaadho
     Hebelkii walbeetaba u sheeg, hagari waa ceebe
     Haweenka iyo carruurtiyo nin weyn, harawada u naadi
 

     Abraahiinku haybtaannu nahay, wuusan hadihayne
     Waa wada qaraabiyo hilbiyo, habar-wadaaggeeye
     Jinnaa igu hudbeeyee malaha, ima halleeyeene

     Hannaankiyo wanaagaan u galay, haa ku odhan waaye
     Hafriin been ah ceeb igu habdaran, iguma hoorsheene
     Goortay habluhu boodayaa, iguma heeseene
[2]

     Hiddaayada ma diideen intay, Nebiga hiifaane
     Uma hiilliyeen gaaladaan, heerga ahayne
     Haawiyadda naareed jannada, kagama hoobteene

     Iima soo humeen guutadii, haayirka ahayde
     Goortaan hambooriyey kufriga, iguma hiileene
     Hardi iguma toogteen intuu,  hiisha ii galo e

     Habaryoonis iyo Ciidagale, lama hableeyeene

     Hiraab naago kama guursadeen, Habar-magaadleye
     Intay hii yiraahdaan af baas, kuma hadaaqeene

     Herar
[3] kuma fureen reer intay, Haro[4] ka guuraane

     Ninkii halala beesaa tabcaday, ma hungureeyeene
     Ma hadaadumeen wiilashii, heel ka buuxsamaye

     Halqigii arlaa’iga fadhiyey, ma hargawaaxeene

     Hayaag iyo Hulqiyo Khaalidyadu, ma hungureeyeene
     Sidii halal ugaadhoo fakaday, lama horeeyeene

     Haaruun ma laayeen raggii, ugu han weynaaye

     Waatuu waraabuhu harqaday, hanaddadoodiiye

     Horintii lahayd Faaqidbay, haniyo gooyeene[5]

     Hindise aan jirin waa wixii, hoday Makaahiile
     Hog wuxuu ku dhacay kolkuu, huray Daraawiishe
     Haddii aanay haad faranji gelin, lama halaajeene

     Hoor wuxuu i soo dhaafay markaan, helay warkoodiiye

     Hilaaboodayey ma aan jeclayn, hadalka qaarkiise
     Waxaan la hamiyaayee raggay, haddur ka yeeleene
 

     Hanti baanu diinka u lahayn, tan iyo Haabiile

     Hoodada karaamada Allaan, igu hungeyneyne
     Goortaan habaaraa Illaah, heeray boqontiiye

     Culimada habowga ah sidii, haatuf uga jeesta

     Sharcigay hasaayaane yey, idin habowsiine

     Shaydaanka soo wada humbucan, nadi ku haylhayla

      Haadaan waxaa idinku guray, had iyo Tuurtuure[6]

     Hagag iyo qalleyf miidhan waa, lagu habuudaaye

     Hawd iyo inkaar waa waxaad, hore u eeddeene

     Ka hakada habkiinii shalaad, ka hawo raacdeene

     Hubsadaay tashiga kheyrka waad, ka hanfariitaane 

     Halmaan iyo ninkii hadur yaqaan, honono’iis diida

     Cadaawuhu hilaabowga wuu, kugu hodaayaaye

     Hidyuu uga danleeyahay markuu, kuu halaahaliye

     Hoygiina yuu iman iblays, idin huduudaaya[7]

     Hanadyahow Ogaadeenku wuu, ku hawiraayaaye

     Isagoo hog kuu qodahayuu, kuu hawaaltamiye

     Inay haybad kula doonayaan, kuma hamsaantaane

     Anigaa idiin huba waxaad, ku himbilyootaane

     Kuman heegma kuman haawiyoo, hadi ku dooyeeya

     Kumanyaal hanqaaraha kabtiga, samada heehaaba

     Kun haloosi kuman hayrafoo, dabada hoogaansha

     Kun halqooqa wada taagayoo, haadda la ciyaara
     Heensaan idiin saarayaa, xamaro heeg dheere

     Horweynaan kusoo shubi xeryaha, haawadee madhane

     Caanaha haleelada dhashaad, habacsan doontaane

     Haamaha karuurkaa sidii, heeshiguu dhiciye

     Nin raggaa hammiyee caalle, waa hogashadiisiiye

     Hiirtaanyo meeshii leh waa, laga huleelaaye

     Waa lagu hirtaa meel haddii, halabe kuu yaalle

     Hub iyo maal hanti iyo xoolo, hoo aan dami haynin

     Waxaad iga haweysaanba waad, iga helaysaane

     Soo haldhowdaay deeq Allaad, ka hirqan doontaane


[1] Wuxuu ujeedaa Xuseen Maxamuud Faarax, Xuseen-dhiqle, oo Golaha Qusuusiga ka mid ahaa, Xoghayaha Warfaafinta ee Daraawiishtana ahaa

[2] Meerisyadaa kore waxay u noqonayaa hees uu mariyey nin la odhan jiray Xasan-dhudi Maxamuud-bidhiidh Axmed Cali oo dhalinyaro ahaa oo uu aabihii ku jiray ragga Daraawiish diidan.  Ninkaasi  isagoo Sayidka wax ka sheegaya ayuu ku heesay:

Ma shanbaan u weynahay

Oo geelanagaa shan xero gala

Aabahay baa shirkii tagay

Hooyaday baa shabaabo ah

Ma kheylibaan shulaha dhigay

Oo sacabbaan shable u tumay

Ninkii shaashka weynaa

Ee sheekh weeye nala yidhi

Sheegatada indhaha rogan

Hees dheer noocaa ahayd oo aanu intaa uun ka helnay weeye halka meerisyada Sayidku u noqonayaan  

[3] Herar: waa caasimadii hore ee Soomaaliya, waxayna wali gacanta ugu jirtaa Itoobiya

[4] Haro: wuxuu ujeedaa Haro Xagarreey oo ah todoba kala ah: Daratoole, Dannood, Ilig, Masaare, Siraw, Caado iyo Dhagaxyo-ca

[7] Iblays idin haduudaaya: wuxuu ujeedaa Tuurtuurkii Ingiriis lasoo heshiiyey


Kaydintii: Akadimiyadda Afka iyo Suugaanta ee Murti

Qalinkii & Tafatirkii: Mr: Cumar Ismaaciil Digeed

By

"Abwaan Digeed waa Curiye Suugaaneed oo shaqadiisa ku saleeyay waayo-aragnimo qoto dheer oo uu u leeyahay Afka iyo Dhaqanka Soomaaliyeed. Waa Haystaha Shahaadada Labaad ee Jaamacadda (Master's Degree), taasoo u sahashay inuu suugaanta u dhex galo cilmi iyo falanqayn sare. Gabayadiisa waxaa lagu yaqaannaa xigmad, falsafad, iyo qaab-dhismeed aan caadi ahayn, taasoo ka dhigaysa mid ka mid ah abwaanada ugu tayada sarreeya ee isku daray dhaqan iyo aqoon casri ah."

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

error: Halkan kaga boggo