Masfadii Sayidka ee Dhaliisha Cali-Dhuux

Sayid Maxamed wuxuu masfadan u mariyey Cali-Dhuux Aadan Goroyo, isagoo ku sheegaya calaamado badan oo aad u liita oo ay ka mid yihiin: diin-darro, been, fulaynimo, gaal-la-joognimo, abaal-dhac, iyo kuwo kale oo badan.

Wuxuu kaloo Sayidku Cali-Dhuux ku dhaleeceeyey inuusan gabayga aad maahir ugu ahayn, ee uu afka uun ka sheegto inuu bad yahay oo laabtiisa xikmad badani jiifto.

Wuxuu yidhi Sayidku:

  • Nimaan sharaxa diimeed,
  • Sheynaba ka suurayn
  • Hadii aad u sheegtana
  • Shaqfadloo aan gararayn
  • Adiguna aad sheekh tahay,
  • Isaguna sharmuud yahay
  • Oo kula shikaayoon,
  • Illeen waa shiddiyo hoog
  • Nimaad gabadh la shaaximay,
  • Shuqduf ilaxidh ugu gelin
  • Oo shuqul gobaadeed,
  • Shararraaxin ugu dari
  • Oo sheemadii geel,
  • Boqol xerada ugu shubi
  • Oo shaharka jiilaal,
  • Shabcanaaya caanaha
  • Oo sheelka gurigaa,
  • Shirka talada loo wici
  • Oo kuu shisheeyaa,
  • Isna waa shiddiyo hoog
  • Bal nin adiga kuu shara,
  • Adna adan shaxeexayn
  • Shuqulkii yimaadana,
  • Shiqiyoo aan yeelayn
  • Oo aan shaqaaqiyo,
  • Shuushuuda deyneyn
  • Oo shiranka madashaa,
  • Sheeddoo isaga bixi
  • Oo shalay wuxuu dhigay,
  • Maanta kuu shirtirinayn
  • Shareecadiyo khayrkana,
  • Shifta aan ka dhiganayn
  • Shaata haddaad ka baridana,
  • Shanshada kuugu dhigahayn
  • Oo shuuqiyoo kari,
  • Ibleys baa shidaayee
  • Shanfac oday Alluu-naar,
  • Isna waa shidiyo hoog
  • Bal nimuu shakaashoo,
  • U shaqeeya Ferenjiga
  • Oo shan iyo toban beri,
  • Shaabuuga lala dhici
  • Shafshafana la siinayn,
  • Kolay shaata mida tahay
  • Oo shaaca waaberi Cadan,
  • Shacabka ugu kici
  • Aan shuuna oranayn,
  • Isna waa shiddiyo hoog
  • Bal nin gaal la shaarugay,
  • Shaabbaddiina lagu dhigay
  • Oo shurugga fuudoo,
  • Shaarubbada aan xiirayn
  • Oo ama shukaan wada,
  • Ama shuqul kaluu qaban
  • Muslinkana shabbihid kule,
  • Isna waa shiddiyo hoog
  • Bakhayl shaacug weynloo,
  • Shiila duxa aan lagu qorin
  • Oo kuu shumbucullayn,
  • Intuu maro shullaha dhigo
  • Oo sheegiyoo been,
  • Shaadir barale kugu wadhi
  • Oo kuu shafeecayn,
  • Isna waa shiddiyo hoog
  • Nin shaaficidu reebtee,
  • Ku shuhroobay fulannimo
  • Shimbirahana aan hubin,
  • Hadday shababaxleeyaan
  • Oo aan shahiidkiyo,
  • Shiishkiyo xarbada tegin
  • Sharaarna aan deyneyn,
  • Isna waa shiddiyo hoog
  • Gabay niman shib ka ahayn,
  • Misna shaacir ku ahayn
  • Aan shaqalka ugu dhigin,
  • Madka iyo khifiyo shalaq
  • Oo xarafka sheegiyo,
  • Xuduuddana shirrabihayn
  • Oo shooliyoo odhan,
  • Shafkaygaa wax jiifaan
  • Sheegaye midkaasuna,
  • Isna waa shiddiyo hoog

Kaydintii: Akadimiyadda Afka iyo Suugaanta ee Murti

Qalinkii & Tafatirkii: Mr: Cumar Ismaaciil Digeed

By

"Abwaan Digeed waa Curiye Suugaaneed oo shaqadiisa ku saleeyay waayo-aragnimo qoto dheer oo uu u leeyahay Afka iyo Dhaqanka Soomaaliyeed. Waa Haystaha Shahaadada Labaad ee Jaamacadda (Master's Degree), taasoo u sahashay inuu suugaanta u dhex galo cilmi iyo falanqayn sare. Gabayadiisa waxaa lagu yaqaannaa xigmad, falsafad, iyo qaab-dhismeed aan caadi ahayn, taasoo ka dhigaysa mid ka mid ah abwaanada ugu tayada sarreeya ee isku daray dhaqan iyo aqoon casri ah."

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

error: Halkan kaga boggo