Sayid Maxamed: Calool-Xumo ku Saabsan Saamaynta Colaadda

Sayid Maxamed Cabdulle Xasan wuxuu si weyn uga calool-xumaa sida ay colaaddu u gashay geyiga Soomaaliyeed, gaar ahaan degaannadii Ciid, Hawd, iyo Nugaalba. Gabaygan wuxuu ku muujinayaa dareenkiisa xanuunka badan iyo dhibaatada ay halganka iyo iska-horimaadyadu ku hayaan dalka iyo dadka.

Wuxuu yidhi Sayidku:

  • Afka bari ishaa bogox intii, arar Nugaaleeda
  • Illiilaha banaan iyo intii, edegga Ciideeda
  • Axad kagama sii hadhin wixii, uduba oo yiile
  • Caligeri aboodiga ku lalay, abax ka sooryooye
  • Iqliil weeye madhan qayradii, oomanta ahayde
  • Afar iyo afqaaqlaa ku dhacay, adhaxya weyntiiye
  • Ifku kama belbelo tuurihii, oolinka ahaaye
  • Meeshuu abuurnimo fadhiyey, laga alaab qaadye
  • Hawdkii ugbaadsaday, horweyn kuma ilaashaane
  • Uma oohogeeyaan markii, aarankii lumo e
  • Shisheeyaha araarimaha yaal, kuma ugaayaane
  • Eegida korjooguhu cishaha, sooma oriyaane
  • Xerya gaallo laysaga ag dhigay, uma adkeeyaane
  • Irridaha markii aasku dumo, kuma afuufaane
  • Ibdarka iyo dhawrtada ratiban, ugar ma siiyaane
  • Ardaayada golaha kala rogrogan,uma asteeyaane
  • Uleexida haleelada tircayn, il uma gooyaane
  • Aar saydha oonyaha gudgude, ubac dugaag jeexa
  • Ilkaha horor abeesada qallici, halaq uraa leeb ah
  • Ulbistuug anaaniga dayaca, alabas jeeraanta
  • Eynaafka baadida tagtow, adadac buubaalka
  • Abid maqan intaha raadiskey, axal ka duugowday
  • Akhbaar raadis urur naadinteed, idan ku yaahaynta
  • Ambaqaadka taa uma ekayn, aniga hay saarin
  • Sumad awdka sowraca ankira, eedda iyo dhaarta
  • Asaraarka eexada denbiga, shiru aguugyenta
  • Guudaan amnaca shiil armaca, luqun inaatowga
  • Inqiis naas ah iin cararjidow, dhicis amuurrayska
  • Ubad jala abaah baaqatiyo,dhicis amuurrayska
  • Amaankow gondood eel ragaad, arami naafowga
  • Amaanguud anaashiga dhukaan, axadh xaraarowga
  • Uhda dhugato roor ababa’leyn or iyo geergaarka
  • Allaqabe kud eertaa qadhqadhi, shilin aseebaaga
  • Aafaa samaawiga allow, naga ammaneynso
  • Aamiin ma buuraan intay, duco alliifaane
  • Kuma adurdhabaan baarqabbadu, abasaxeediiye
  • Shinbiruhu markuu doob onkodo, ma awanayaane
  • Abeerrada tifrimay goojadii lama amaaraane
  • Qorraxdoo abbaar le’eg markii oodda laga jiido
  • Kolkii kuraygu eyrada hayeey, kala aqoolmeyso
  • Ulaha uma boobaan intay, tira abyoodaane
  • Kobtii shalay irmaanku ugu baxay, alaladii fooca
  • Arbaxaale goortey tagtoo aayaddeed dheregto
  • Amminkii la baraq-maali jirey, ma arrumayaane
  • Eydaarteeda oo fool la dhici, ma antaweershaane
  • Goortay ummuliyaan murkaha, kama abeeyaane
  • Abur xoor leh kama soo lisaan, ibagaleenkiiye
  • Masaakiinta agaheeda tuban, ma ajareystaane
  • Unuun uma jaraan qaalmihii, eydinka ahaaye
  • Cayuuntaan ilmaha loo dhigayn,kama umbulleyaane
  • Waxay abaxa goysaba markey, ohin carraabeyso
  • Afdhuubyaalaheedii durduro, ma ambaqaadaane
  • Sidii ay iblays tahay xuruun, ma umbulleeyaane
  • Jilaal aleel ka cad hadday, acabtin dooneyso
  • Markey uudka kore laasatiyo, abaqa baarkiisa
  • Iyadoo idiin ka cas markey, oo la soo degato
  • Intay yeel aslaan ceelashii, uma aroorshaane
  • Awaliinka kama soo shubaan, ilaha Caymeede
  • Alalaaska heestii darkii, kuma olkeeyaane
  • Awr qaada iyo gool ahmiya, ma aldaxaayaane
  • Abidkoodba kama sooryadaan, alaxa caanoode
  • Niman baa uquun kagala tegey, ilindidoodiiye
  • Eebyaha ma soo rogan markii, ibilku tuuraaye
  • Anaa eegiyey dhicin lahaa, idam Ilaahaye
  • Wax arsaa’iilkood galay markay, Ferenji aadaane

Kaydintii: Akadimiyadda Afka iyo Suugaanta ee Murti

Qalinkii & Tafatirkii: Mr: Cumar Ismaaciil Digeed

By

"Abwaan Digeed waa Curiye Suugaaneed oo shaqadiisa ku saleeyay waayo-aragnimo qoto dheer oo uu u leeyahay Afka iyo Dhaqanka Soomaaliyeed. Waa Haystaha Shahaadada Labaad ee Jaamacadda (Master's Degree), taasoo u sahashay inuu suugaanta u dhex galo cilmi iyo falanqayn sare. Gabayadiisa waxaa lagu yaqaannaa xigmad, falsafad, iyo qaab-dhismeed aan caadi ahayn, taasoo ka dhigaysa mid ka mid ah abwaanada ugu tayada sarreeya ee isku daray dhaqan iyo aqoon casri ah."

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

error: Halkan kaga boggo