Gabayga Difaaca iyo Dhaliisha: Majeerteen iyo Boqor Cismaan

Sayid Maxamed Cabdulle Xasan wuxuu gabaygan u tiriyey si uu uga jawaabo iska caabbintii iyo dagaalladii uga yimid dhinaca Boqortooyadii Majeerteen, isagoo difaacaya Daraawiishta iyo halgankooda.

Wuxuu yidhi Sayidku, isagoo difaacaya Darawiish:

 

1. Majeerteen majnuun inuu yahaan, marag u haystaaye     

2. Waa niman masakhan oon ahayn, midhaha Daaroode

3. Waa niman siddii Moolaadhabe, miciya dheerdheere

4. Waa niman maddada oo cir weyn, oo masiiba ahe

5. Waa niman lafaha mudhuxsadoon, muruqna reebayne

6. Waa niman haddad min u furtoo, malab durduursiiso

7. Ama aad maqaarreyda geel, xero u meegaarto

8. Waa niman inay mahad naqaan, laga malaynayne

9.    Cir milshiyey dhulkoo malaf ka baxay, maalka oo dararay

10.  Waa niman martidu eeyan tegin, madal ay joogaane

11.  Waa niman madaal inay baxshaan, loogu muhanayne

12.  Waa niman haddaad gabadh markab ah, maqaasiinka u geyso

13.  Wuxuu fiidka horre mayracoo, marakabeeyaaba

14.  Waa niman masaladood jabtoo, hooyadood mira e

15.  Waa niman misciliisha ugu jira, sina u meerkeede

16.  waa niman candhada laga maraa, milil ka dhiiqaaye

17.  Waa niman maruubada la’oo, minidu dhaaftaaye

18.  Waa niman siddiii mowle bahal, laga mareertaaye

19.  Waa niman mareeg lagu dabraa, sida maliid awre

20.  Waa niman madhuushoodu tahay, mooye qaab darane

21.  Waa niman margigu siiban yahay, iyo mataanuhuye

22.  Waa niman macaankii jannada, meel aan ku lahayne

23.  Waa niman futadu maastahoo, duud maloogna ahe

24.  Waa niman miskaha lagala dhacay, qaare madax weyne

25.  Waa niman minjuhu ay yihiin, miiqan taag darane

26.  Gabaygaa ha laguu maadsadee, mariya oo geeya

27.  Markab nagaga sii qaada oo, meel walba u dhoofsha

28.  Nimankii makhaayadaha fadhiyey, naga mihiibsiiya


Kaydintii: Akadimiyadda Afka iyo Suugaanta ee Murti

Qalinkii & Tafatirkii: Mr: Cumar Ismaaciil Digeed

By

"Abwaan Digeed waa Curiye Suugaaneed oo shaqadiisa ku saleeyay waayo-aragnimo qoto dheer oo uu u leeyahay Afka iyo Dhaqanka Soomaaliyeed. Waa Haystaha Shahaadada Labaad ee Jaamacadda (Master's Degree), taasoo u sahashay inuu suugaanta u dhex galo cilmi iyo falanqayn sare. Gabayadiisa waxaa lagu yaqaannaa xigmad, falsafad, iyo qaab-dhismeed aan caadi ahayn, taasoo ka dhigaysa mid ka mid ah abwaanada ugu tayada sarreeya ee isku daray dhaqan iyo aqoon casri ah."

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

error: Halkan kaga boggo