Cali-Dhuux Aadan Goroyo: Laf-Dhuun-Gashay Daraawiishta
Cali-Dhuux Aadan Goroyo wuxuu ahaa abwaan weyn oo u muuqday inuu noqday laf-dhuun-gashay (caqabad weyn) halgankii gobonnimo-doonka ahaa ee Sayid Maxamed Cabdulle Xasan kaga soo horjeeday Ingiriiska, Amxaarada, iyo Talyaaniga.
Cali-Dhuux wuxuu caadaystay inuu diradireeyo oo uu collaad ka dhex abuuro Soomaalidii Sayidka gacansaarka la lahayd ama kuwii Daraawiishta taageeri jiray iyo qabaa’iladdii kale ee Soomaaliyeed. Waxa kale oo uu mar walba isku dayi jiray inuu tolkii, Dhulbahante, ka hor keeno Sayidka.
Xeeladdii Sayidka
Laakiin sida Soomaalidu ka warqabto, Sayid Maxamed wuxuu ahaa nin aan geesinnimo, garasho, gabay, cilmi diini ah, deeqsinimo, iyo aftahannimo cidna ku haysan. Sidaas darteed, Cali-Dhuux iyo kuwii Ingiriiska dabadhilifka u ahaa wuxuu meel iska mariyey karti iyo xikmad.
Sayidku wuxuu sidoo kale ahaa hoggaamiye gacan adag oo qofkii cadowga u soo raaca uu abaalkii ka waraabiyo markii uu u gacan galo.
Sidaa awgeed, waxaa la sheegay in Cali-Dhuux uu aad uga baqi jiray Sayidka dakanada uu ka qabo Daraawiishta iyo halganka oo dhan darteed. Waxaa la wariyey in Cali-Dhuux maalin maalmaha ka mid ah aflagaadeeyay Sayidka iyo ciidamadiisaba. Dabadeed, markii qadafkii Cali la gaadhsiiyey Sayidka, wuxuu u faray fariin kooban oo aan hadda ka hayno.
Rabboo ku caynshiyo annoo, ku cafa mooyaane
Wallee caafimaad uma fadhidid, Caliyoow Buuhoodle
Oo caadhkii weynaa hablihii, ku catirayn maysid.
Saamaynta Fariinta Sayidka iyo Qaxitaankii Cali-Dhuux
Waxaa la xaqiijiyey in markii Cali-Dhuux la gaadhsiiyey fariintii koobnayd ee Sayidka, uu isla markiiba u qaxay Burco, oo xilligaas ku jirtay gacanta gumaysigii Ingiriiska. Wuxuu ka xammaal uruursaday Buuhoodle, oo uu markaas Ingiriiska miciin biday (magan galay).
Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa, “Ilmo-adeero waa intii is taqaanna.” Cali-Dhuux wuxuu aad u laab-ogaa Sayidka, wuxuuna hubay in Daraawiishi ay qisaasi doonto haddii ay Buuhoodle ku soo gaadho.
In kasta oo ay Sayidka iyo Cali-Dhuux meelo badan oo suugaaneed isku weerareen, Cali wuxuu mar walba ku dadaali jiray inuu ka warwareego Sayidka iyo aagga lagu sheegaba, isagoo aan doonayn in ay fool ka fool isaga hor yimaaddaan dagaal dhab ah.
Is-Dhaafsiga Labada Gabay
Hoos waxaan ku soo qaadanaynaa laba gabay oo ay Sayid Maxamed iyo Cali-Dhuux is dhaafsadeen, kuwaas oo muujinaya heerka tartankooda.
Cali-Dhuux ayaa ku horreeyey, isagoo Sayidka qadfaya (xumeeynaya) oo Dhulbahantena doonaya inuu Daraawiish ku diro.
Wuxuu yidhi Cali-Dhuux:
Abtiyaalladaa iyo ku nece, ururtii Reer Khayre
Arboow Jaamac iyo Aadaniyo, Oogle kaa tage e
Waxaan uubateeyaba tolkey, oodda soo jebiye
Axmaqyahow kuwaad ku amranayd, idinka ma ahayne
Waa uur gaslow Aadan-dhagax, odayadaadiiye
Abtirsiinadaa waxay gashaa, eyda Reer Xamare
Arxan nimaan u gelihaynin, oo ina Ogaadeena
Aabowda uun bay hayaan, kii arsaa’ilaye.
Jawaabtii Sayidka ee Cali-Dhuux
Markii uu Sayidku maqlay gabaygii digashada iyo diradireynta ahaa ee uu tiriyey Cali-Dhuux, wuxuu tusay inuu yahay maanso ruug aan hadalka loo qarin karin, isla markaana uu yahay hoggaamiye aan jilicsanayn.
Wuxuu yidhi Sayidku, isagoo Cali-Dhuux tub cidla ah qaadsiinaya:
Aw Yuusufow eray yar baan, ku erginaayaaye
Hadduu Eebbaheey kuu idmood, ururta weyn gaadho
Ikhwaanow adkee xaajadaan, kugu ammaaneystey
Ku ansixi halkii aan ku idhi, aadna ugu fiirso
Gurraasiyo Iljeex iyo u sheeg, nimanka Iidoora
Ogaadeen haddaan ahay dad, wow amar sareeyaaye
Oo ubaxa baarkaan ihiyo, awrta Haashimiye
Abtirsiimadey waxay gashaa, odayo waaweyne
Halkaan ugu arooraana waa, odayga Daaroode
Rasuulkii udgoonaana waa, ina-adeerkay e (csws)
Sayidkii Axmed ahaana, way awow runna ahee
Ibraahiin Rashiid aabbahay, odaygii weeyaane
Asaxaabihii oo dhan baan, ehel wadaagnaaye
Hadba anigu qoyskaan ahaa, loo irkanaayaye
Nin Amxaara mooyee intii, edeg adduun joogta
Islaameedku wuxuu ii yaqaan, ehelu kharykiiye
Aakhiro albaabbada jannaan, agabsanaayaaye
Adiguna Abbaanow midgaan, uraya sow ma ihid?
War sow kii Illaahay nacee, eyga qalay ma ihid?
Allaahu akbar eedaanku waa kaa af iyo beene
Kaydintii: Akadimiyadda Afka iyo Suugaanta ee Murti
Qalinkii & Tafatirkii: Mr: Cumar Ismaaciil Digeed