Guubaabada Waddaniyadda iyo Go’aanka Jihaadka

Gabayadan Sayid Maxamed Cabdulle Xasan wuxuu ka mid yahay kuwa ugu xamaasadda badan, isagoo si toos ah ula hadlaya ummadda Soomaaliyeed, kuna dareensiinaya inay lama huraan tahay inay Gumaysiga iska kiciyaan.

Sidii isagoo aan hurdo u seexan karin oo kolkii uu indhaha isa saaraba uu gabay la soo booday, ayuu Sayidku dareensiiyey Soomaalida in dhulkii Soomaaliyeed uu Gumaysi qaybsaday oo uu isku ballaadhiyey. Waxa uu si cad u sharraxay in Gumaysiga dalkoodii hantiyey uu yahay mid aan gudnayn (najis ah), bakhtiga hiiga, iyo khamrada ka laaca.

Dhaliil iyo Dardaaran

Sayidku wuxuu dhaliilay tolalkii iyo shaqsiyaadkii Soomaaliyeed ee cawaamka u ahaa Ingiriiska, isagoo su’aalay: Gumaysiga noocaas ah oo abaalkiisu yahay xarbo iyo dagaal, sideebaad guno uga qaadataan oo aad garab u siisaan?

Ugu dambayn, wuxuu ku caraabiyey (ku dardaarmay) in haddii ay doonayaan:

  • Guul (xagga dunida).
  • Maal iyo hanti adduun.
  • Iyo haddii ay doonayaan Janno (xagga aakhiro).

Intaba ay tahay inay xarunta Daraawiishta tagaan oo ay Jihaadka galaan. Allow Janatul-Fardowsa ku gee.

Wuxuu yidhi Sayidku:

  • Xalay gelin dhexaadkii  miyaan, gudub usoo booday
  • Sida nimanka gaadhka ah miyaan, gabay ku soojeeday
  • Garaad laawe aadmiga miyaan, gees walba u eegay
  • Goonyaha miyaan dayey kufriga, ina gabraaraaya
  • Gaalkaan gudnayn ee cirradu, guudka ka caddaaday
  • Asaad gudaha geedaha ka baxay, guri cidla’a moodo
  • Oo uu gasiinkiisu yahay neef, aan biri gaadhin
  • Oo guuldarraystow khamriga, gacan togleynaaya
  • Gini-gini haddaad qaadataan, naari garab taalo
  • Guushiyo hadday doonayaan, geelal iyo xoolo
  • Garaadkood ba’yow may tagaan, goonyihii Xarunta
  • May nala garaacaan kufriga, gocorka laalaadshay
  • May goobtan joogaan jannaa, loo gembiyayaaye

Asxaabta ku taxan Akadimiyadda Murti Soo dhammaystira gabayga haddii aad heli karto inta maqan hadaad helaysaan.


Kaydintii: Akadimiyadda Afka iyo Suugaanta ee Murti

Qalinkii & Tafatirkii: Mr: Cumar Ismaaciil Digeed

By

"Abwaan Digeed waa Curiye Suugaaneed oo shaqadiisa ku saleeyay waayo-aragnimo qoto dheer oo uu u leeyahay Afka iyo Dhaqanka Soomaaliyeed. Waa Haystaha Shahaadada Labaad ee Jaamacadda (Master's Degree), taasoo u sahashay inuu suugaanta u dhex galo cilmi iyo falanqayn sare. Gabayadiisa waxaa lagu yaqaannaa xigmad, falsafad, iyo qaab-dhismeed aan caadi ahayn, taasoo ka dhigaysa mid ka mid ah abwaanada ugu tayada sarreeya ee isku daray dhaqan iyo aqoon casri ah."

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

error: Halkan kaga boggo