Nin la odhan jiray Ducaale Cali Fagaase oo ka dhashay Reer Hagar, Hagar Aadan, Aadan Axmed, (Ararsame) Dhulbahante, ayaa Sayid Maxamed iyo Daraawiishta u soo diray gabay digasho ah.
Gabaygaas wuxuu ahaa tartan adag, isagoo ku lahaa Sayidka: “Car haddii aad rag tihiin geelanaga foofay agtiisa qori ka jabiya.” Tani waxay ahayd mid si cad loogu caraysanayo Sayid Maxamed, waxaana la filayay inuu si adag uga jawaabo.
Sayid Maxamed Cabdulle Xasan wuxuu u jawaabay si ka duwan mid la filan karo! Wuxuu Guuto hubaysan oo wada duub cad ah ku soo bixiyey Reer Hagar, oo xilligaas ahaa fallaago Ingiriiska xulufo la ah.
Natiijada waxay noqotay: Geelii wixii gacantooda ku jiray ayay Daraawiish soo hantiday (dhacday), rag badanna goobtaas ayay Daraawiish guddirada ugu loogtay (ku dishay).
Markaas ayuu Sayidku u tiriyey geeraar uu kaga jawaabayo tartankii Ducaale Fagaase.
Fagaase wuxuu yidhi:
- Sayidkuba ka fiig geelayaga inuu faduushaaye
- Fagaase iyo summaddaa nafluhu kaga fogaadaaye
- Waa fiil nin lihi foofsadoon feleg ka yaabayne
- Hadba mesha loo filo dal buu farow ka laacaaye
- Farowga iyo baruurtiisu way kaa fajicisaaye
- Faalaha iyo dhalankuu yahaa gobi ku faydaaye
- Fiidkiyo aroortuu durduro ganafka fiiqaaye
- Ma facaysta laangaabka iyo tuugga fiirsada e
- Nimaan fuulin guutada hadhkii faal ka bixi waaye
- Faataxa wadaad iyo burduhu fanax ma beerane
- Faras xoog leh baa lagu dhaqay iyo geesi fool adage
- Fulayada Daraawiish ah iyo Maxamed faankiisa
- Hadduu faral jahaad iyo Islaam faro ku doonaayo
- Ararsamaha faaray ee arlada culus ku soo foofshay
- Muu foos la xulay iyo dagaal foore kaga qaado
- Fiqiyada ku lumay xarunta muu fiixa ka hibaadsho
- Oo foodhi laasimo sidii Ferenji Reer Loora.
Geeraarkii Jawaabta ee Sayid Maxamed
Markii Daraawiishi ay kasoo noqotay dagaalkii, oo ay geelii iyo dhulkaba la soo wareegtay, ayay xaruntii timid. Wuxuu yidhi Sayid Maxamed Cabdulle Xasan isagoo ka jawaabaya digashadii Fagaase iyo guushii la soo hooyay:
- Ararsame futo argeeg,           feleg baas ma ku dhacay
- Fishtii ina gumeednimo,         faydo maad ka qaadeen
- Ma fallayd kolkaad tidhi,       car ee foos usoo dira
- Sow Fagaase nama odhan,         foofshaye car weerara
- Anna faraska inaan qaban,       soo layma filahayn
- Fulayahow nin kaa adag,         ma wax laysku fiiqaa
- Adigoo farraadho leh,            futo xume ma dhacan tahay
- Geelii farowga weynaa,          soo kaama fara bixin
- Fululleyda gaalaad,             yaa kaa firfiirsaday
- Faalkiyo ayuubkii,               farrihii ma eeddeen
- Fuxshigaad ku faanteen,         ma anaaba kuu furay
- Ileen Ferenji nimuu kuday,      waa faasuq dooro leh.Â
Kaydintii: Akadimiyadda Afka iyo Suugaanta ee Murti
Qalinkii & Tafatirkii: Mr: Cumar Ismaaciil Digeed