Cali-Dhuux Aadan Gorayo wuxuu ahaa abwaan weyn oo si cad uga hor yimid halgankii Daraawiishta. Aragtidaas kala duwan darteed, Sayid Maxamed Cabdulle Xasan iyo Cali-Dhuux waxay yeesheen dhawr is-weydaarsi suugaaneed oo taariikhi ah.
Abwaanka (Sayidka) wuxuu gabaygan u mariyey Cali-Dhuux isagoo ka jawaabaya tix faan ah oo dhinaca Cali-Dhuux laga keenay, kana hadlaysa geesinimo iyo nasab. Gabaygan hoose wuxuu Sayidku ku tixraacayaa (ama kaga falcelinayaa) tixdaas, isagoo difaacaya dacwaddiisa iyo halganka Daraawiishta.
- Wiilyahow shareecadu midkay, shuuftay baad tahaye
- Shiqiyahow waxaa lagugu nacay, sheeka xumadiiye
- Shaqfad li’idu waa waxaad u tidhi, shuun saraan ahaye
- Adoon shaato kaa foofahayn, sharaf ma laacdeene
- Iidoorka kaa sheexayana, uma sharaaddeene
- Soomaali waa midaan shidiyo midaan shiddeeyaaye
- Adiguna Shirshooraad u tahay, shirada maantaaye
- Shiil baan wadnaha kuugu ridi, shuuqda weligeede
- Inaan sheemo weerarana waa, shuqul falaadkay e
- Inkastoo shareer lagu wadiyo, shucubadii Hawdka
- Shaanshaanka buuraha haddii, sheedda laga saaro
- Shifa ma laha geelaan nin lihi, ila shaqaynayne
- Maxaa haatan laga sheelayaa, saadambaan shabine
Kaydintii: Akadimiyadda Afka iyo Suugaanta ee Murti
Qalinkii & Tafatirkii: Mr: Cumar Ismaaciil Digeed