Bilawga iyo Qiimaha Afka

Waxaan ku bilaabayaa Magaca Eebbe ee naxariistiisa guud u simay mid rumeeyay iyo mid aan raacinba. Naxariistiisa gaarka ahna u kali yeelay rumeeyihiisa iyo raacihiisa suuban.

Intaanan guda-gelin sidka Maansada, waxaan wax yar ka odhanayaa Afka (dareenka dhigis, dhihid, ama dhawaaq ee laba addoon isku fahmaan). Sidaan wada ogsoonahay, Afku waa hibooyinka ugu qaalisan ee Ilaahay ku mannaystay addoomihiisa, gaar ahaan Insaanka (Jinka iyo Insiga).

Bal ka deymo Kalaamka Eebbe (Suurat Ar-Raxmaan, Aayadda 4aad): Wuxuu Eebbe Korreeye ku leeyahay: “1. (Eebaha) Raxmaan ah. 2. Wuxuu baray (Nabiga iyo dadka kalaba) Quraanka. 3. Dadkana wuu abuuray. 4. Wuxuuna baray dadka (Hadal).”

Waxaa hubaal ah, haddii Afku jiri waayo, nolol kayd leh oo wax hindisid iyo horumarid lihiba ma jirteen. Waxay Aaddimuhu isku raacsan yihiin inuu Afku yahay qalabka lagu fikirro, hoy lagu kaydiyo dhacdooyinka faa’iidada leh, iyo waliba garashada garaadka qofka oo ku xidhan hadba inta weedhood ee ku kaydsan kasmadiisa.

Haddaan intaa kaga gudbo taabashadaa gaaban, waxaan u gudbayaa hoos u gelidda sidka Maansada.

Ujeeddada iyo Taariikhda Maansada

Maansadan waxaan curiyay maalin Axad ah, 16-kii November 2014-kii, tirsiga Miilaadiga. Maansadan waxaan ugu wan-qalay (waqlaley) “Afka Hooyo”.

Afka Hooyo waa maanso xambaarsan duluc iyo dhacdo fac-weyn. Dhacdadaas oo qeexaysa asal ahaan abuurta Afkeena Hooyo (Af Soomaaliga), dhalashadiisii, iyo intii uu jiray fil ahaan.

Mugga tixdu waa araar badan tahay waana muuqaalo taban tahay. Ugu horayn waxay ka hadlaysaa Afkeena Hooyo oo badhaxla, anigoo ku soo qaadan doona qodobo muhiim u ah jiritaanka Afka iyo faa’iidooyinka uu u leeyahay bulshada isticmaasha.

Kaltirsiga Soomaaliyeed

Hormada hore waxaan ku iba-furanayaa kal-tirsigeena Soomaaliyeed, bilaha iyo maalmaha ayaamo ka mida magacyadooda. Anigoo ujeedadaydu tahay “xusuusin waayeel iyo barid dhalinyaro”. Markaa waxaa ila habboonaatay inaan wax ka taabto Kal-tirsigeena.

Si aad akhriste ugu gudubto Maansada, adigoo ka dharagsan dulucda hormada hore ee micnaynaysa xilliyada, sanadka, bilaha, maalmaha, iyo gelinnada dhaqankeenu lahaa magacyadooda. Si aad u fahanto tilmaamaha soo socda ee Maansada.

Soomaalidu waxay leedahay kal-tiris soo jireen ah sida kal-tirsiga sanadeed ee Miilaadiga ama Hijriyada. Inaguna waxaan leenahay mid la mida oo kaba fac-weyn, kaas oo loo yaqaanay DABSHID, NAYRUUSH ama Nayruusba.

Waxa la xusi jiray sanadkiiba hal mar sida Ciidaha oo kale. Waxa taas inoo cadaynaysa heestan caanka ah meerisyadeedan qeexaya sumadda kal-tirsigeena Soomaaliyeed waa Nayruuskee: “NAYRUUSKU WAA CIID, WAA NEGI ADDUUNYADU”.

Haddii aan madow bixiyo (qeexo ama sharaxo) eray suugaaneedkan xambaarsan taariikhda facaweyn: Waa labo meeris oo xambaarsan labo magac iyo labo sifo:

  • NAYRUUSKU WAA CIID: Nayruusku waa yeedhmada magaca kal-tirsigeena, WAA CIID-na waxay tilmaamaysaa inuu leeyahay dabaaldeg farxadeed.
  • WAA NEGI ADDUUNYADU: WAA NEGI waxay tilmaamaysaa inay tahay maalin laga nagaado (nasto) howlaha ama shaqada si loo guto dabaaldegyada sanadka cusub iyo kii tegey. ADDUUNYADU micna ahaan waxay ugu jirtaa jumladan in dadku ama adduunkuba ay yihiin negi (nasanayaan) maalintaas.

Haddaba, habeenkani wuxuu dhici jiray ama uu ku beegnaa habeenka ay bisha ugu horraysa ee Xagaaga (SAMALAHO) ay tahay 20-ka. Aragti kale waxay odhanaysaa habeenkani wuxuu dhacaa dabayaaqada bisha JULAAY 21-keeda.

Habeenkan, beelaha ama reeraha Soomaalida ah ee meel wada degganu way isusoo bixi jireen iyagoo faraxsan, waxaanay shidi jireen DAB kadibna samada ayay u tuuri jireen. Waxa habkaas loo yaqaanay DAB-TUUR.

Isla habeenkan, Soomaalidu waxay dhigan jireen ALLA-BARI, waxaanay qali jireen Neef lab ah oo Adhi ah (ORGI). Dabadeed intay haragiisa jeexaan ayay sudhi jireen GURIGA ama qoorta u sudhi jireen QAALINTA ugu quruxda badan geela. Habkaasna waxaa loo yaqaanay “SABBUUX”.

Isla habeenka dabshidku waa habeenka ay Soomaaliddu IDDAHA ka gudhiyaan Maqasha (wanaagga). Marka ay habeenkan kasoo wareegto 100-120 habeen waxa SUMALKA lagu daraa iddaha.

Iskudarka Habeennada Sanadka:

  • 200 HABEEN JIILAAL: Laga bilaabo 20-ka bisha Xagaaga ugu horraysa, illaa 60-ka habeen ee ku jira labada bilood ee xagaaga ugu dambeeya, iyo 90-ka habeen ee saddexda bilood ee dayrta ku jira, oo lagu daray 40-ka habeen ee jiilaalka ugu horreeya.
  • 50-ka HABEEN EE IS-YEEL YEEL: Laga soo bilaabo 20-ka habeen ee bisha labaad ee jiilaalka ugu dambeeya, ilaa 30-ka habeen ee ku jira bisha jiilaalka ugu dambaysa.
  • SIDEETANLAHA (80-LAHA): Laga bilaabo 50-ka habeen ee IS-YEEL YEEL ilaa 30-ka ku jira bisha ugu horraysa ee gu’ga haddii uu roobku di’i waayo.

Guud ahaan sanadka Soomaalidu wuxuu ka kooban yahay 365 habeen. Waxa jira bilo 29 ku dhamaada, waxa kale oo jira bilo 31 ku dhamaada sanadka Soomaalida.

Soomaalidu sidoo kale waxay dhaqan xeel dheer la wadaagaan Carabta, waayo waxay u adeegsadaan hal-beeg ahaan dhacdada wakhtigaas dhacday. Tusaale ahaan, sida Nabigeenna Muxamed (SCW), sanadkii uu dhashay loo odhan jiray CAAMUL FIIL, iyana sanadkii ay dhasheen rag Soomaalida aad uga caan ah sida SAYID MAXAMED, CALI DHUUX iyo barbaarkale, waxaa loo yaqaanaa sanadkii GOBAYSANE.


Xilliyada Roobka Soomaalida (Ayaamaha Bilaha)

GU’

BishaSifaynteeda
Seerma-waydoWaa bisha ugu horreysa ee roobka gu’ga dhibicdiisa la arko. Mararka qaar, haddii uu roobku soo hormaro, waxa loo yaqaanaa GU’ SOOR.
CawlWaa bisha labaad ee gu’ga. Waxaa loogu bixiyay in Cawsha ay aad u dhali jirtay. Dadka qaarkeed waxay u yaqaanaan CANDHO-QOYS waayo waa bisha loogu ladan yahay reer miyiga (badhtanka gu’ga). Waa xilliga guurka iyo ciyaaraha caweysinka dhalinyarada.
Dirir Sagaala / Dirir SakaaroWaa bisha saddexaad. Waxaa iyadana la sheegay in ay Sakaaradu dhali jirtay. Waxaa kaloo loo yaqaannaa SED-BUUX waayo waa bil aad loogu ladan yahay (badanku sakada la bixiyo).

Xagaa

BishaSifaynteeda
SamalahoWaa bisha ugu horraysa Xagaaga. Waxaa da’a roob shuux-shuux ah oo loo yaqaano CADAR-XAGAA. Waxa Koonfur kasoo kaca daruuro guulaamaya oo leh onkod, laakiin inta badan ma biyo dhigaan.
KaranWaa bisha labaad ee Xagaaga. Waxaa da’a roobka loo yaqaano XAYSKA oo aan soo dhaafin dhulka gubanka ah ee xeebta u dhaw iyo Koonfurta Soomaaliya dhanka xeebta. Waxaa deegaanada qaarkood looga yaqaanaa DIXILE. Bishan waxaa aad u dhala Riyaha (Dar-Dhiga).
Waran-weerWaa bisha saddexaad ee Xagaaga. Bishan dhirtu waxa ay bixisaa ubax udgoon, kadibna waxa ka dhasha cayayaan loo yaqaano DHUUG (xayawaan badanka geela cuna). Waxaa kale oo bishan la dareemaa kulayl badan. Deegaanada qaar waxa looga yaqaanaa Maal-madoone.

DAYR

BishaSifaynteeda
Dayr HalaloodWaa bisha ugu horreysa ee Dayrta. Soomaalidii hore waxay odhan jireen, “Dayrtu waa Innan (Gabadh) oo way xishootaa oo maalintii ma timaaddo ee habeenkiibay da’daa”. (Magaca Halalood wuxuu markii hore ahaa Hablood).
Dayr HabisWaa bisha labaad ee Dayrta. Deegaanada qaar looga yaqaano DAAF.
Dambarsame (Gudban)Waa bisha saddexaad ee Dayrta. Waa bil aad u dhaxan badan oo deegaanada qaar looga yaqaano DAYRO-DHAAF. Waxaa kale oo la yidhaahdaa GABADDANO (Dhaxan badan oo dabayl wadata).

JIILAAL

BishaSifaynteeda
DaalaloWaa bisha koowaad ee Jiilaalka ugu horraysa. Xooluhu (Adhi iyo Ishineba) way oomaan.
ToddobWaa bisha labaad ee Jiilaalka. Bishan waxa da’a roob aan la mahadin oo loo yaqaano NAYLO-JALIYE. Waa roob dhulku liqo maadaama uu muddo afartan cisho ah qalalnaa.
DAYDO/DIRAACWaa bisha saddexaad ee Jiilaalka. Deegaanada Galbeed waxay u yaqaanaan GU’. Deegaanada qaar kale waxaa haysata abaar aad u daran iyo kulayl xad dhaaf ah (dhamaadka Jiilaalka ka dib waxa bilaabma roobkii Gu’ga).

Caddaynta Iskhilaafka Jiilaal/Gu’:

  • GU’: “Sida DIRAACDOO, dalkeena haysa, ama dhul dooglaad, qalbiga deeqdee.”
  • JIILAAL: “Inanyahay DIRAAC iyo, Dirir hooray kala wacan.”

Magacyada Maalmaha Soomaalida

Sida uu xaqiijiyay Qoraa sare BOOBE YUUSUF DUCAALE, waxaan lahayn Magacyo Inoo gaar ah, balse magacyadan Carbeed waxay inoo soo gaadheen amintii Diinta Islaamku timi Dalkeena. Waxaa la hubaa in Af-Soomaaliga la isticmaalayay Nabi Muuse ka hor (CS), wuxuuna ahaa Af hodan ah oo aan amaahasho ku tilmaanayn.

Waxaa jira saddex nooc oo magacyo ah oo la adeegsan jiray:

Qaybta 1aad: Ku Salaysan XIDIGISKA

MaalintaMagaca
SabtiAgaali
AxadCase
IsniinLamme
SalaasaSade
ArbacaCarte
KhamiisUguux
JimceAgaax

Qaybta 2aad: Ku Salaysan Dhacdo Farxadeed

MaalintaMagaca
SabtiNagaad
AxadSunni
IsniinSanni
SalaasaKoodaar
ArbacaGoonyaad
KhamiisUgbaad
JimceHoyaad

Qaybta 3aad: Ku Salaysan Ciyaar (BIITOOY LAABO)

MaalintaMagaca
SabtiSooroga
AxadKoobin/Koowin
IsniinLaammin
SalaasaLamatoka
ArbacaKoodaar
KhamiisHakisa
JimceHakis-Bila

Labada qaybood ee hore waa kuwo da’weyn, halka ka saddexaad lagasoo wariyay ABWAAN XASAN SH. MUUMIN (AHN).

Magacyada Gudba-dhigan (Turjuman)

1. Midda Carabtu Adeegsato: Magacyadan waxaa gudba-dhigay Siciid. (“Mal” waxaa loo soo gaabiyey “maalin,” sidaa darteed Malkow waa “maalinta koowaad.”)

MaalintaMagaca
SabtiManayso
AxadMalkow
IsniinMallabo
SalaasaMalsed
ArbacaMalafar
KhamiisMalshan
JimceMalkulan

2. Midda Ingiriisku Adeegsato:

MaalintaMagaca Soomaaliyeed (Turjun)
SundayMalqor (Maalinta Qorraxda)
MondayMalday (Maalinta Dayaxa)
TuesdayMaldus (Maalinta Tiw, Dusaaga)
WednesdayMalwod (Maalinta Woden, Waxar-Xidhka)
ThursdayMalthor (Maalinta Thor, Farraaraha)
FridayMalfrig (Maalinta Frigg, Cirjeex)
SaturdayMalsat (Maalinta Saturn, Raagaha)

Wakhti-Beegga Soomaalida

  • Caano maal: Waa 12 saacadood oo ay Qorraxdu soo jeedo ama ay dhacday (HABEEN, MAALIN).
  • Maalin: Waa inta Qorraxdu soo jeedo.
  • Habeen: Waa inta Qorraxdu Samada ka maqan tahay.

Maalin Galin Hore

WakhtigaSaacadda
ArooryoSaacad badhkeed ka dib markay Cadceeddu soo baxdo (6:00 – 6:30).
Barqo-yarArooryo ilaa 8:30.
Xiksin8:30 – 9:30.
Barqo-kulul9:30 – 10:30.
Hadh-soo-kor10:30 – 11:30.
Hadh11:30 – 12:30.

Maalin Galin Dambe

WakhtigaSaacadda
Duhur12:30 – 14:00.
Duhur dabadii14:00 – 15:00.
Casar dheer15:00 – 15:30.
Casar15:30 – 16:30.
Casar gaaban16:30 – 18:00.
Maqrib18:00 – 18:30.

Habeen Galin Hore

WakhtigaSaacadda
Fiid18:30 – 19:30.
Caweys19:30 – 21:30.
Saq dhexe21:30 – 02:00.

Habeen Galin Dambe

WakhtigaSifaynteeda
Jiidh / Doomay / HiraabXilliga suxuurta (3:00 am).
Arooryo HoreCadceed soo-baxa ka hor (4:00 am).
WaaberiSagalka Cadceed soo-baxa ka soo horreeya (5:00 am).

Socdaalka iyo Wakhtiga:

Afkeena Soomaaliga, socdaalladooda waxay ku saleeyaan hadba wakhtiga ay ku suganyihiin:

  1. Waa-bari β†’ Jarmaado
  2. Hadh β†’ Boqoole
  3. Galab β†’ Carraabo
  4. Fiid β†’ Hoyasho
  5. Caweys β†’ Dheelmasho
  6. Saqdhaxe β†’ Guure
  7. Jiidh β†’ Kallahaad

Gabagabada Hordhaca

Maansadani waxay dhaleecaynaysaa wax ku barashada cilmiyeed ee luuqadaha shisheeye, iyadoo muujinaysa inaanay jirin Adduunka cid ku horumartay luuqad aysan u dhalan. Waxay u caqli celinaysaa cid kasta oo aqoon u taqaana luuqad Shisheeye.

Akhriste, wax ku qoran luuqad shisheeye Cilmi wey noqon karaan, laakiin Ogow luuqadaasi maaha Cilmi.

Maansadan micnaha ugu weyn ee ay siddo waa Faa’iidada ku jirta Afkeena Hooyo haddii si dhab ah loo maalo.

Maansadii: Afka Hooyo:

Uguuxda agaaxda
Agaalida yoomka
Iidaalaha dhaafa
Abraarta arfoonta

Hadaan afka hooyo
Alfaadiyo sooha
Hadaan isirkiisa
Odhaahda xuruufta
Isleega dhawaaqa
Hadaan arinkiisa

Asteeyo abaaro
Ishiisa ibtiisa
Halkuu isirkiisu
Halkuu awalkiisa
Halkuu asal raaca
Halkuu ka abuurmay

Halkuu ka abqaalo
Halkuu ka arooro
Halkuu ku arooro
Halkuu udubkiisu
Halkuu illinkiisa
Halkuu iridkoodu
Albaabku ku yaalo

Hadaanan ilaawin
Hadaanan il’ duufin
Hadaanan asqoobin
Hadaanan agmeerin

Ableynta ubleynta
Ishayda dhagtayda
Ogaalka xiskayga
Hadaan ifafaalo
Abuursan ku eego

Anoon agabkayga
Itaalkiyo weedha
Anoon alif reebin

Irmaanta tixdeyda
Hadaan ereygeeda
Hadaan ararteeda
Hadaan afku maalo

Hadaan ula-jeedka
Iftiinsho mucdeyda

Afkeena faciisu
Intuu ifka joogay
Ayaamo usbuucyo
Runtii ka abweyne
Asaaska duntiisu
Siduu u ahaaday
had-muuse ahaaday ?

Hadaad ayideyso
Hadaad inkireyso
Adoon anfariirrin
Adoon asaraarrin
Odhaahdan dhageyso

Aduunka badkiisa
Intaan oogadiisa
Ugbaad iyo geedo
Abuur lagu beeran

Awoowe udgoone
Intaan lagu uummin
Intaan ilma Aadan
Runtii la abuurrin

Ayeeyo qudheeda
Intaan ajasheeda
Arwaaxda nafteeda
Ilaah u hibaynin

Ibliis qudhidiisu
Intuun ibtiloobin
Adeeciyo yeelka
Intuusan ilaawin
Intuu amar Eebe
Isdiido samaynin

Afkeena muggiisu
Runtii ereygiisu
Ogow u ogow
Inuu ifka joogay

Adoo umaddaasa
Adoo ubaxaasa
Adoo isirkaagu
Aduun u sarreeyo

Hadaad ilbax moodo
Aqoon u nisbeyso
Odhaahda shisheeye

Idleysay idleysay
Ilowday dalkaaga
Aafaad u horseeday
Ogow errey doolla
Amaah lama yeesho

Ogtoober novenber
Apriil iyo juunta
Ogostiyo meyda
Intaad ku qarweyso

Afkaaga, abkaaga
Hadaad isticmaasho
Miyaa lagu aasi
Miyaa lagu oodi
Miyaad anfac waayi

Il-raaca fogaaday
Hankaagan ilaaway
Amaanta dirkiisa
Ahaan lagu waaro
Siduu u abaari ?

U fiirso, u fiirso
Dhigaaga u fiirso
Ilwaadka tilmaanta
Siday ambaqaadka
Hayaanka asteysan
Itaalkiyo maalka
Iskaashiga guusha
Siday idilkoodu
Sidii ulyo diirka
Siday isku duubni
Ahaan u yihiin

Ogow, u ogowna
Abuurtiyo muuqa
Ishaa kuma dheera
Waxaa dhalay Aadan

Uurkii laggu qaaday
Sidkii laggu uumay
Runtii amintooda
Bal eeg tiradooda

Usbuucyo tobnaada
Shanley Afar laabba
Ugee eber raaca
Intaa wadartooda
Ayey ku dhasheene
Ayaan kuma dheera

Ogow una fiirso
Aqoon iyo xeelad
Awood kuma dheera

Abaabul, abaabul
Abaabul dantaada
Iskaa’ is abaabul
Abuuro hanaanka
Agaasim dadaalka
Israaca midaynta
Albaabka tisqaadka
Adkaysi u yeelo
Kashaada u’ oofi
Si’ ay u abaarto

Iftiinka hormuudka
Ilayskiyo nuurka
Aduunku ku taammo

Intaad garab eegi
Midaad ehel dhaanto
Midaan alif haysan
Itaal ka sugeyso
Walee ma ahaatid
Mid oonku ka suulo

Addoon kuma siiyo
Waxaan la ogayne
Ilaah talo saaro

Bal eega, bal eega
Bal eega aboorka9
Bal eeg amakaagga
Siduu uffo dhoobo
Siduu u aluubbey
Siduu ilkihiisa
Andhuufta jidhkiisa
Afkiisiyo xeesha
U’ maalo bal eega
Siduu u abaaray
Oolkiisiyo Yoolka !

Astaanta aboorku
Iskii, ugu taammay
Haduu aqligaagu
Intaa garran waayo
Amaanta ka quuso

Ortayda dhawaaqa
Araarta tixdayda
Waxaan u aloosay
Waxaan arkay weeye

Waxaan u abuuray
Asloon u jimeeyay
Inaan indha ooddan
Inaan dhago awdan
U sheego dantooda
Inaan arligeena
Iniin-san ku beerro

Dhaaxaan ilma hoorta
Ishayda u diiday
U’ ooyay u’ooyay
Qarsoodi u’ ooyay

Dhaaxaan umadeena
Amnuunkiyo qaabka
Dhaaxaan utintooda
Inaan afku ku sheego
Asteeyo tilmaano
Uurkayga ka dhowray

Arkeysa arkeysa
Arkeysa maqlaysa
Ishayda arkaysa
Eeddeeniyo iinta
Adkeysi u diiday
Inaan afka duubo

Inaan amakaaga
Inaan Alifleyda
Tix’ aan ku asiibo
Ayey igu siisay
Si’ aan u idhaahdo

Ogaada, ogaada
Ogaada diintiina
Ogaada dalkiina
Ogaada dadkiina
Ogaada dantiina
Ogaada dalaal-san
Ogaada, Ogaada
Ogaada Intaaba

Afeefan afeefa
Hal eef laba eefa
Araar kala jaadda
Digeed aftidii dheh…


Kaydintii: Akadimiyadda Afka iyo Suugaanta ee Murti

Curtintii & Tafatirkii: Abwaan Cumar Ismaaciil Digeed

By

"Abwaan Digeed waa Curiye Suugaaneed oo shaqadiisa ku saleeyay waayo-aragnimo qoto dheer oo uu u leeyahay Afka iyo Dhaqanka Soomaaliyeed. Waa Haystaha Shahaadada Labaad ee Jaamacadda (Master's Degree), taasoo u sahashay inuu suugaanta u dhex galo cilmi iyo falanqayn sare. Gabayadiisa waxaa lagu yaqaannaa xigmad, falsafad, iyo qaab-dhismeed aan caadi ahayn, taasoo ka dhigaysa mid ka mid ah abwaanada ugu tayada sarreeya ee isku daray dhaqan iyo aqoon casri ah."

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

error: Halkan kaga boggo