Qeexidda Maansada

Magaca Maansadu waa Baante-maan, oo haddii aan sii micneeyo waxay noqonaysaa ‘Kii Maanka-quudinayay’, sida ka muuqata dulucda magaca Maansada. Magacani wuxuu tilmaamayaa qof koriya, kobciya, ama dhisa Maanka (Maskaxda). Qofkaas magaca kale ee aan ku tilmaami karo waa Bare (Macallin).

Macallinku, sida xaqiiqada ah, waa ruuxa koriya garashada qof kasta oo garaad leh bilowga noloshiisa. Macallinku wuxuu noqon karaa kow Waalidkaa, Walaal kaa wayn, ama qof kale oo aad agtiisa ku soo barbaartay. Macallinka dhabta ah se waa kan khadka iyo qalinka kuu darra, cilmigiisa si uu ugu quudiyo garashada yar ee curdin ka ah.

Run ahaan, macallinku wuxuu inagu leeyahay qiimo aad u sarreeya, waayo bal qiyaas sida aad kaligaa noqon lahayd Macallin la’aan!

Ujeedada Curinta Maansada

Aniga oo aan aad ugu raagayn qeexista macnaha, mugga, miisaanka, iyo maqaamka uu macallinku leeyahay, waxaan orod ugu geli doonaa Maansadii aan maaganayn in aan adiga iyo anigu wadaagno.

Maansadan waxaa igu dhaliyay aragti ballaadhan oo aan ka helay qiimaha macallinku ku leeyahay nolosha (ahaanshaha maanta iyo noqoshada berriba). Maansadan waxaan curiyay hillaadii miilaadiga sanadkii 2014-kii. Sanadkaasi wuxuu ahaa sanad aan fursad (wakhti) u helay inaan Suugaan badan oo gudahayga ku hilawnayd inaan qalin-geliyo (qoro).

Maansadanina waxay ka mid ahayd kuwa ugu mugga waynaa Suugaantaa kala jaadka ahayd ee aan diiwaan-geliyay.

Hal-qabsiga iyo Fariinta Hal-abuurka

Bilowga Maansadan, waxaan ku soo hal-qabsanayaa Abwaanno badan oo aanu Suugaan wadaag dhow iyo mid dheerba lahayn. Abwaanadu way tiro badan yihiin, laakiin waxaan u kala hormeeyay qayb waliba nooca halabuurkii ay caanka ku ahayd, sida:

  1. Kuwii waddaniyadda u badnaa.
  2. Qaar iyaguna ku suntanaa arrimaha bulshada toosinteeda iyo wacyi-gelintooda.
  3. Kuwii maaweelada ugu hagar baxay Suugaantooda (sida haasaawinta lamaanayaasha iyo arrimaha dhex mara, kalgacal iyo kurbaba).

Isla bilowga Maansada, waxaan aad ula hadlayaa dhalinyarada hibadoodii suugaaneed ku koobay inay ku faaleeyaan arrimaha Jacaylka oo keliya. Waxaan aad ugu boorinayaa inay gabayaan qodobo badan oo ay ummaddu u baahan tahay, iyo in ay joojiyaan suugaanta jacaylka ah ee lagu madadaalinayo bulshadan dhaawacan ee u baahan dhaymaha iyo tilmaamida.

Waayo, waa bulsho burbur xooggani ku yimi oo u baahan kasoo kabasho iyo baxnaanin in loogu tixoodo, haddiiba wax la tirinayo. Suugaantuna waxay qiimo ku leedahay marka ay wax hagaajinayso oo keliya sidaan qabo. Sidoo kale, waxaan hal-abuurka ku guubaabiyaa inay wax ummadda u fiican Suugaantooda ku xambaaraan wakhtiyada adag ee talada iyo wax isku sheeggu qiimaha leeyihiin.

Maqaamka Macallinka iyo Cilmiga

Intaa dabadeed, waxaan u galayaa saafidii iyo sife-sheegistii macallinka, anigoo ku soo kooobaya xattaa Waxyiga Ilaahay (Eebbe Weyne) inuu macallin leeyahay. Cid macallin la’aan wax barataana ayan jirin, ama cilmigaasi uu noqonayo mid aan wax dheefin oo dhanka xun wax u jiheeya.

Waxaan si baaxad leh u dhex maquurayaa hirarka cilmiga, noocyadiisa kala duwan, iyo aroorkiisa ugu dambeeya ee ay ashyaada dunida taallaa ku kala ururto (abtirsato). Ujeedkaygu waa in cilmiyadaas badbaas ah ay macallin la’aan aanay faa’iido lahayn.

Ma suurtowdo inaan hadalkan (tiraabtan) kuugu soo koobo macnaha macallinka iyo sidka meerisyada Maansadan. Waan ku arkaa oo waxaad aad ii dhaafsan tahay dhanka Maansada; bal aan isku kiin daayo adiga iyo meerisyada, intaan idiin kala dab qaadayay.

Bislayn ereyada wax-tara
Buruud nuxur iyo sir wada
Barbaartii qeexaysiyo
Balwada ehel keediyoow

Bilaahi warkaan sidiyo
Baaqeygiyo sey mutidu
Basharka sad u siin lahayd
Bishaariyo faallo sugan
Bulshada ku dhayoo u fura

Hadaan baarbaar u tubo
Hadaan baho dhuux u horo
Bar kale jaan bogid u qiro
Barbaariyayaal in kale
Hadaan been li’I manqaxo
Bilaash tiriyaha jacayl
Hadaan ma burqade ka dhigo
Cod buuxa anoo u diri
Bilaabaye kee ib furay.

Ismaaciil buux samoow
Jiheeye barbaar hagoow

Bayaan guntimaha murtida
Badqabid gabayada farshaxan
Bidhaanshe ku xeel-fogoow

Bahdii kalgacalka iyo
Bisiyo Laab-saalaxoow
Bilane bile jira Waloow

Biqliye xaraf jaamac iyo
Barjiyo Nuur Eetaroow

Bukhaariyo xaajiyoow
Kobciye billi lagu sidkoo
Tix-dooc baar sare degoow

Bugtadda caashaqu barkaday
Kuwii birmad uga diroow
Kuwii nabarada bahdilay
Odhaah ku bogsiin jiroow

Bulaaliyo weedhsamiyo
Khaliifkii badaha erey
Baraha sirahooda dedden
Xisaab bixisiyo tustaa
Siraha ku bur-jimin jiroow

Barbaarshaha dhalinyartiyo
Abwaan xirsi loo bogoo
Fan baaba’ay kabahayoow

Bootaan iyo shuuriyo
Buureed iyo Aadanoow
Awtaad bilad loo gartoow

Baylaha kal nadiif hadliyo
Kuwaan baqan ee tirshiyo
Shinbiraleys baahiyoow

Bogaadinta xiisihiyo
Bilkhayrta afkaaro wacan
Badheedhiyo weedh dahsoon
Kuwii bacad iyo alayl
Baqooliyo guure adag

Barbaar tegey iyo mid iman
Bahweyn wadar iyo kalkali
Waxay berri iyo wax-dh iman
Waxay beryo mudan la tegi
Waxay beryo mari xisaab
Kuwii barakadda u danna
Waxay ku badbaadayeen-
Kuwii barayee baroow

Baxnaano dadkiyo dalkaba
Kuwii badka erey sad-wada
Bilaash u huri jirooow

Bilaahi warkaan sidiyo
Baaqeygiyo sey ahayd
Bishaariyo faalo sugan
Bulshada ku dhaqoo u fura

Dunida baal iyo ka baal
Bujiga hal-abuurku yahay
Bursiino sadkaad hesheen
Ma baaba’o waa dhigaal

Jacayl barakiyo dux lihi
Boqorku Nabi uu dirtoo
Baahiye khayr loo idmiyo
Awliyo baqdin murugo li’i
Ilaah u baxshaa iska leh

Bar kale waa waalidkiyo
Kas buuxshaha nuur cilmiga
Barbaar isku uur gasheen
Bog hooyo ku seexateen
Badhxanetire wada jaqdeen
Baryiyo billo iyo guyaal
Baydh kaa weyn dhalashadaa.
Ayaa baari caashaq mudan .

Amaba ruux bashar ahoo
Akhlaaq badan iyo tacliin
Ilaah bed ka siiyayoo
Aqoon soo biiriyoo
Wax bixin wax binayn wax bilid
Aakhiro tabaceed bogtoo
Yeedhmiyo baaq magac u hadho

Bilaahi warkaan sidiyo
Baaqeygiyo sey ahayd
Bishaariyo faalo sugan
Bulshada ku dhaqoo u fura

Buugii caashaqa xidh-xidha
Ku baajiya dhiilo maqan
Balaayo ku tira sharkeed
Ku beera dan aan dhamaan.
Ku buuxiya boos la tabo
Ku baadha sirtii cilmiga.

Ba’deyda tixdaan il-furay
Bu’deeda hadaan sar-saro
Waxaan ku bilaabayaa
Afkii bare helay tacliin
Afkii boqor dhalay tilmaan
Afkii badde faray wanaag

Baraan ahay aadmi bara
Bineeya aqoon u dhiga
Barbaar garashada u hura
Billoo dhaqankeena sida

Waxaan ahay billi wax-tara
Baahida suuliya tir-tira
Waxaan ahay buug dhux-dhala
Waxaan ahay Baante-maan
Bukaanka jahliga massaxa

Runtii beeraha cilmiga
Baxriga godan baaca qodan
Barriga noocyada dul-yaal
Badkoodiyo jaadadkaan
Baraa ummadaan baraa

Bataax iyo dhoobo bilan
Batrool biyo iyo saliid

Hawoo baraf iyo madoow
Hawoo baaxaa gedigga
U qaybasan banbaanin tamar

Bidhiiq iyo nuur if-weyn
Ilays bixin iyo dhaqaaq
Ilays bilig iyo kul dhalla

Arwaax boqor weyne faray
Inay bogashada wax-qabad
Inay burji iyo ahhaan
Ku biirin sir roon ku tari

Biyaha shaafiya caqliga
Bisleeya garaad curdina
U yeela qalbiga bed-weyn
Ayaan bulshadiyo u ahay
Bey’ada noolaha lammaan

Biloow sida loo hamiyo
Biloow sida loo hir-gallo
Biloow sida loo hal-karo
Biloow sida loo hor-maro

Biloow hadaf jira, wax-iman
Biloow himiliyo wax-qabad
Biloow hilinnada lidkaa
Biloowga biloow biloow
Biloowgu bartuu ka yimi
Bilaabuhu waa Allee

Intuu baray Aadam baray
Awoowe intii la baray
Intii baxriyada wax-iman
Intii bogag dhiman mar-iman
Asmaa’ boqol jiray la tiray
Asmaa’ badan oon la-arag
Asmaa’ Bulshadiyo In- jirra
Bayaan u ah ooy taqaan

Intaan bartay baan baraa
Bartuu na-faraan maraa
Waxaan buriyaa mugdiga
Waxaan bud-dhigaa jahliga
Waxaan badiyaa kas-hela.

Bayaan cilmiyada la-hubo
Bayaan faham gala caqliga
Bayaan fikirada wax-tara
Bayaanba annaa dad bara

Bidhaanta humaag sir-laa
Bidhaanta iftiin sam-jarra
Bidhaanta ilays sid-sida
Bidhaanta samayn sar-go’an
Bidhaanta ku soorta maan
Inuu barashada sax-wado

Bidhaan ku sal xidhan si-hore
Bidhaan ku sad maran wax-sare

Bidhaan bilig dheer hir-dheer
Bidhaan la arkoo qurxoon
Bidhaanta waxaa unkama
Waxaa baray Aadmi bara
Bartiyo waa bare la baray

Beentaan loogaa jaraa
Runtaan baaqaa badshaa
Balaan ka digaa dhibkeed
Buuqaan dajiyaa danshaa

Baraagaha daawadiyo
Bangiga maankaan furaa
Bogii nacfilaan shadaa

Dareen boqol soorayaan
Baxnaano ku sii kabaa

Bishaaro sal laan diraa
Bilkhayr ficil laan helaa

Mudaan baajaa nacaa
Mudaan beegsiga jaraa
Beryaan joojaa murtida

Hadanna waan baabnahoo
Annoo burqadaan arkaa
Hankii burburaan kabaa

Banaan baan taag taraa
Buurraan jabiyaa qodaa
Bacaad siman iyo jidbaan
Ka soo saaraa badoo
Dhulkaan toban baac gala

Ban’baan beeraa bad-weyn
Biyaan dhaanshaa dhuraa
Samaantaan baahiyaa

Basaas caqliyada jiljilan
Ayaan burcad iyo dux mudan
Bilaash ugu dhaashiyaa

Bigeys garashada madoow
Ayaan bafto iyo cadays
Bilaash ugu dooriyaa

Baaruud noolaha jarjari
Ayaan birmad iyo aqoon
Bilaash uga deyr noqdaa

Runtii baqashada xumaha
Runtii barakada ducada
Runtii beegashada samaha
Runtii barashada quraan
Cilmiga bar’ri dhiga qofkaan
Bilaash amar u dhigaa

B’deydan u dhuux si taban
Bu’deeda u quus si togan

Cilmigu barashada ka weyn
Cilmigu buug qudha ka weyn
Cilmigu bare-dhiga ka weyn

Qalbiga maankaa burqada
Caqliga badqabaa bar-dhala
Hankii baadhaa sir-hela

Bilaash uma tiriyo hees
Bilaash uma tabo wax-sare
Bilaash uma tummo wax-adag
Bilaash tamar iyo aqoon
Bilaash uma tuuro weedh

Bilaash uma tago mir-dhexe
Badweyn ka qarsoon kas-yare
Waxaan baadhaa dayaa
Si aan bulshadiyo dalkaba
Si aan ugu beero heer
Si aan bandhigo han-sare

Balaadhan bineysan buux
Baxnaaniyo weedh-san kayd
Biloow arar iyo dhamaad
Ku soortay bahdeeda daw’
Bayaanshe bidhaanshe sees
Bineeye xuruuf digeed
Bal hoo iga hoo bulshooy
Bal hoo baaq iyo dhanbaal.


Kaydintii: Akadimiyadda Afka iyo Suugaanta ee Murti

Curtintii & Tafatirkii: Abwaan Cumar Ismaaciil Digeed

By

"Abwaan Digeed waa Curiye Suugaaneed oo shaqadiisa ku saleeyay waayo-aragnimo qoto dheer oo uu u leeyahay Afka iyo Dhaqanka Soomaaliyeed. Waa Haystaha Shahaadada Labaad ee Jaamacadda (Master's Degree), taasoo u sahashay inuu suugaanta u dhex galo cilmi iyo falanqayn sare. Gabayadiisa waxaa lagu yaqaannaa xigmad, falsafad, iyo qaab-dhismeed aan caadi ahayn, taasoo ka dhigaysa mid ka mid ah abwaanada ugu tayada sarreeya ee isku daray dhaqan iyo aqoon casri ah."

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

error: Halkan kaga boggo