“Dhamays Dumar” waa maanso xusuus gaar ah ii leh, bilawgii curinteeda, dulucdeeda, iyo falcelintii ay dhalisayba waxay lahaayeen saamayn weyn.

Hummaagii Maansada

Maansadu waxay si gaar ah uga hadlaysaa hummaag qeexaya gabadh Soomaaliyeed oo ku labisan hiddeheenii iyo dhaqankeenii suubanaa. Waa gabadh isticmaalaysa agabkii dhaqanka, kuna nool dhammaan wixii aynu lahayn ee ahaa dhaxalkeenii Hooyo iyo Aabe. Dhab ahaan, hummaaga maansadan wuxuu iigu dhashay habeen aan keligay lugaynayay goob cidlo ah.

Xusuustii Jigjiga (2014)

Aan dib u milicsado sanadkii 2014-kii. Waxaan joogay deegaan u dhow Jigjiga, waxaana si heer sare ah ii casuumay nin dhalinyaro ah oo saaxiibkay ah. Casuumad dhalinyaro waad garan kartaa inay tahay jawi farxadeed oo wakhti lagu lumiyo. Waxa aan xasuustaa in maalintaas si wayn naloogu tumay Cuud (Kaban). Aad baan u xiisayn jiray inaan hortayda lagu tumo Cuudka, waxaana muddo iga maqnayd goob uu yaal. Anigoo qabay jeel dhegeysi ayaan maalintaa ka jibo keenay.

Goobtii waxaa ka buuxay dhalinyaro qurxoon oo aan ku milmin waayaha adag iyo marxaladaha adduunyo. Farxad, damaashaad, iyo maamuus ka dib, waxaan goobtaas ka soo baxay xilli dambe oo habeen ah. Anigoo keligay ah ayaan soo lugeeyay waddo dheer oo u dhexaysay hoygii aan degenaa iyo goobtii xafladda.

Dhalashada Fikrada

Jawigu wuxuu ahaa mid roobaad oo aan dhulka biyo oollin, laakiin uu cirku riman yahay, oo la sugayo in Alle (Weyne Kor ahaaye) soo fasaxo raxmaddeeda. Cimiladu waxay ahayd tii ugu qaboobayd ee aan garashadayda ku noolaado. Waxaa dhacaysay dabayl yar oo ceeryaamo wadata; dhibcaha ceeryaamadu waxay garaacayeen koodhka aan sitay, waanse ku raaxaysanayay, waayo meel diiran baan ka imid.

Amintii aan lugaynayay wadada, ayay igu dhalatay inaan baaro Quruxda Dumar. Waxaa ii soo baxday in dumarku ay ugu qurux badan yihiin marka ay ku labisan yihiin hu’ ay aftaqaanaan xidhashadiisa. Taasi waxay dhalisaa kalsooni ruuxi ah oo qofku si dadban u dareemo.

Tusaale ahaan, adiga laftaada maalintaad xidhato dhar kugu cusub (sida suud cusub ama sad cusub) waxaad moodaa in dadku ku eegayo – mana aha! Waa dareen ruuxi ah oo adiga kugu kooban. Taasina waxay sababi kartaa inaad qajisho, taasina waxay dhalisaa hoos u dhac kalsooni. Laakiin hu’ aad aftaqaantid, wuxuu dhalisaa isku kalsoonaan aadan adigu ogayn, se kaa muuqata, oo waxaad u soconaysaa/u howlo gudaneysaa si baraad leh.

Si kale haddii loo eego, gabadhu waxay ku qurux badan tahay dookhii Ayeeyadeed iyo Hooyadeed ee lagu ababay, taasoo u sahlaysa inay iftiinto markay ku jirto marxaladdaas. Tusaale gaaban: haddii gabadh Soomaaliyeed loo xidho surwaal jiinis ah, maku socon kartaa suuqyadeena dhexdiisa? Jawaabtu waa Maya. Falcelinta indhaha dadka ayaa ku filan inay maskaxdeeda baahiyaan oo socodku ka lumo. Se haddii ay soo xidhato shay ay hore u isticmaali jirtay oo dadku la qabo, waxay laafyaha xaragada u tuurtaa sidii boqorad oo kale.

Hu’ga dhaqankeenu waa dookh soo jireen ah, inkastoo waayadan uu u dhow yahay in sida jiiniska looga sasabo in loogu dhaygago. Muhiimaddaydu waa in gabadhu markay ku labisato dookhaas soo jireenka ah, quruxdeedu ay sii bilaamayso uun.

Dulucda Maansada iyo Farriinteeda

Aan u soo noqono xambaarkii maansada. Maansadu waxay si wayn u qaadaa dhigaysaa amaanta hanka gabadhaas oo ka fogaatay wax kasta oo aan qiimo u soo kordhinayn, kuna dhegenaatay tabacii faca-weynaa ee soo jireenka ahaa muddo qarniyaal badan ah.

Maansadu waxay tilmaamaysaa sida ay uga dhex muuqatay dhalinyarada. Waxaan ku mutaystay inaan ugu abaalgudo gabadhaas amaan iyo suugaan noqonaysa dhigaal, si ay laabo fara badan oo Soomaaliyeed ugu ahaato rukun iftiimiya qiimaha weyn ee dhaxalkeena, dhalinyaraduna ku dayato.

Sidoo kale, Maansadu waxay ka hadlaysaa quruxda nimcooyinka Ilaahay (Eebe Weyne) ku mannaystay dalkeena: Quruxda dhirta kala jaadka ah, buuraha, laagaha, togagga, ciidaha, iyo nimcooleeyda kala dheefta ah ee ku nool oogada dhulkeena iyo intifaacooda. Waxay xustaa neecawda xilliyada, gobanimada Aadanaha ku nool, iyo la-noolaanshihiisa qiimaha badan. Waxay kaloo ka hadlaysaa ku taranka badqabka leh (meel aad 20 carruur ah ku dhali karto oo aan lagugula xisaabtamayn deeqda Ilaah ku siiyay waa dhulkeena uun) iyo wanaag tirro badan oo Eebe dhigay dalkeena, inagoon u gudbin waxa gudihiisa inoogu jira.

Maansadu inta ay sii socoto, waxay dardaaran u diraysaa dhalinyarada wakhtigan iyo hawooyinkooda lumiyay dhaqankoodii iyo dhaxalkoodii, inay is dabaqabtaan. Dadka waxaa ugu khayr badan kuwa waxay isticmaalayaan samaysta, waxay cunayaanna beerata. Waxay dardaaraysa inay dib u baaraan kuna dhaqmaan cilmigii qiimaha lahaa ee laga dhaxlay awoowayaashii.

Sumadda Gaarka Ah (Shaanbad)

Sida ii caadada ah, suugaantaydu waxay leedahay shaanbad u gooni ah oo tilmaamta qofkii tiriyay, ujeedada uu u tiriyay, iyo halbeegga ay suugaanta ka tahay. Muhiimadu waxay tahay inaan yeesho shay aan kaga duwanahay halabuurayaasha kale iyo muujinta inaan anigu tiriyay.

Waxaa taas igu kalifay, anigoo dayar baan suugaanta tirinteeda bilaabay, oo markaan tirinayo waxaa la moodi jiray inaan soo qaybay oo keliya (ma aha inaan anigu curiyay). Falcelin ballaadhan oo halkaas igaga timid ayaa igu kaliftay inaan suugaantayda u yeelo sumad baadi-sooc u ah.

Maansada Dhamays Dumar cadad ahaan waa ku dhawaad 250 meeris. Waxaan jecelahay inaad tuddac kasta ka hesho malab iyo wanaag.

Hadda, aan idiin kala baneeyo adiga iyo weedhaha maansada.

Dhiskeeda odhaahda weedha
Dhawaaqa alfaada sooha
Dhigtiyo shaqalada xuruufta
Dhabaha dulucdiyo u jeedka
Dhalaal maansada duxdeeda
Waxaa igu dhaliyay dooca
Ogoow waa dhaqanka maanta

Dhamooy dheehiyo ilwaadka
Dhamayska jidhkaaga muuqa
Tilmaan dhidib sami hubqaadka
Ilaah u dhameeyay jooga
Waxaad dheer tahay haweenka
Ogoow waa dhaqanka suuban

Adaan dhaxalkaaga tuurin
Adaan dhaladkaaga xoorin
Adaan dhumin sowracaaga
Adaan dhigin saanaddaada

Adaa dhidibada u taaga
Adaa dhisa oo ilaasha
Adaa dhimashada u diida
Wuxuu dhaqay Aabahaa

Adaa dhigta iyo aloolka
Dhiskeeniyo agabka reerka
Dhabtii adigaa u hoyda

Adaa dharigiyo fandhaalka
Adaa dhiishiyo sibraarka
Dhamaan agabkeeni hoyga
Adaan dhoobada ku doorsan

Adaa dhaclihiyo garayska
Si aan dheerayn xishoodka
Dharkeena ku faana maanta

Adaan nicin dhalashadaada
Adaan dhalan rogin jidhkaaga
Adaan dhajis xidhan khafiifa

Adaa midabkiyo dhalaalka
Maariin dhuuxiyo korkaaga
Adaan dheehaaga doorin

Adaan dheeraadka yeelin
Adaan dhicisnimo ku faanin
Adaan dhalanteed run moodin
Adaan dhaldhalaal dan moodin

Qofkii dhaqankiisa doorshay
Midkii dhaxalkiisa tuuray
Adaa dhoohane ka fiican

Hankaagu inuu dhamaado
Amase dhuubtoo yaraado
Sidii dheehii idlaado
Adaa dhimashada ka doortay

Dhabtii kuma arag aduunka
Dhigaaga qof aan ku sheego
Waxaa tahay ruux dhameysa
Dhabeel same lagu tilmaamo

Dhaliilaha maanta yaala
Markaan dhalinyarada eego
Dhaayaha adigaa ku beera
In ay dheehdaan ilayska
Waxaad dhalisaa iftiinka
Adaa dhaadmada ishayda
Dhalaal u noqdoo qabooja

Dhulkeena dirkiisa jooga
Dhantaalka agtooda yaala
Dhugmoo u lahow dareen

Sidaad hore uga dhaqaaqday
Sidaad dhallanteedka maanta
Sidaad dhicisnimo u diiday
Hankaaga ka dhawro tooda
Dhitayso firkaaga tiisa
Dhageyso dardaarankeyga

Ha dheelin, ha dhaajin raacin
Ha dheeliyin aayahaaga
Ha dheegan dhalaal shisheeye
Ha dhoofin hankaaga dhowro
Dheehaa foosha xun ha raacin

Ku waar dhaqankeena Hooyo
Dhuuxiisa noqoo adkayso
Ha arag dhibka jira ishiisa
Ku dhowr, Weynuhu ku dhaqi

Waxaad tahay dhalad tilmaan-san
Dhagtiyo magaceeda oogta
Runtii sharaftaad dhiseysay
Dhiteysay ku dhowrtay maanka
Dhefteeda ha waayin maanta

Hadaan dhiman waan dhawaaqi
Dhamaan dunidaan u faani
Dhigaaga hurdaan u sheegi
Dhanbaalka tixdaan ku sheegi

Dharaaro guyaal la gaadhi
Dhawaan dhexe iyo danbeeto
Murtidu dhalan guurimeyso
Ogoow waa shay dhigmaaya

Murtida aan dheelmanaynin
Misana aan dhaawacmaynin

Murtida aan dhalan rogmaynin
Waliba dhidibkeen jabaynin
Murtida dhacdo iyo timaado
Murtida lagu dhawro kaydka

Ayaan ku dhig’dhigi ku dheegi
Sidaad dhaqankeena Hooyo
Sidaad dhaxalkeena Aabe
Sidaad dhalashada dirkeena
Sidaad dhuuxiyo hankeena
Sidad uga dhowrtay duuga
Dhaliilsha sidaad u diiday

In badan dhimirada dadkeena
In badan waad geli si dhaaban

In badan dhigashada aqoonta
Waad noqon dhito lagu hanuuno

In badan dhago jecel tixdayda
Dhamooy way maqal duxdaada

Dhooleey dhibicdii gu’gaay
Dhooleey dhaymihii xiskaay
Dhamays qurux lagu tidcaay
Dhabeel dumar laga xushaay
Dhaayaha tii doojisaay

Dhulkeena dalxiiska fiiri
Dhirtiisa dhalaalka deymo
Bal eeg dhabigiyo medheedhka
Bal eeg dheentiyo magoolka
Bal eeg dhamastaa israacday
Bal eeg dhererkiyo badkeeda
Maxaa dhafaruur bislaatey
Maxaa dhubuq iyo macaana
Maxaa ubax dhiina beeran
Dhamaan quruxdaan tilmaamay
Ishii dhowrtaa ma deyso
Dhayaha maanka jeclaysta
Dhabtii aragaa ku raaga

Xoolaha dhaqashada u baahan
Bal eeg dhogortiyo baruurta
Bal eeg dhaylada duxdeeda
Bal eeg dhaydiyo karuurka
Bal eeg dhiilaha gadhoodhka
Bal eeg subagaa dhiteysan

Bal eeg dhagaxiyo abuurka
Dhameyska siday u taalo
Dhadhaabkiyo buuraheeda
Bal eeg laagaha is-dhaafay

Bal eeg dhoobadiyo ciida
U nugul dhaqashada wax-beerka
Dhakhsaba u biqlaysa siidhka

Dhadeda dheelkiyo dhibkeeda
Malihin dhaxan iyo kul-toona

Neecaw dheeh caafimaadle’
Dhalaanka ku fulo u fiican
Dhamaan Aadmigu jeclaysto
Ilaahbaa dhigay dhulkeena

Dhiskeenaa lagu gam’aa
Dhexdeenaa lagu tarmaa
Dheefteenaa lagu koraa
Runtii waa lagu dhargaa

U dhaadhac, u dhaadhac hoos
Dhanbaalka tixdeen abuuray
Dhawaaqiyo qayladdeydu
Ka weyn dheel iyo is’yeele

Bal dhuux shaqalada bal dhuux
Bal dhuux dhumucdiyo sidkoo
Bal dhuux dhitadaan ku raray

Mudaan dhillid erey ka raagey
Mudaan dhisid xarafba daayay
Mudaan dhalashada alfaadda
Ka dhowray ka dhowray maanka

Runtii dhaqankaa i faray
Inaan dh’dan haba dhacleyda
Inaan dhidibada u seeso
Inaan dhaqankeena sheego
Inuu dhimashiyo ladnaanta
Inuu u dhexeeyo seeran

Is dheer isku dhigan dhamays
Dhud iyo duluc furan hal-hays
Dhaliil xaraf maran u jeed
Dhigdhigid dhisid erey digeed
Dhageyso dhugoo dhugsii..


Kaydintii: Akadimiyadda Afka iyo Suugaanta ee Murti

Curtintii & Tafatirkii: Abwaan Cumar Ismaaciil Digeed

By

"Abwaan Digeed waa Curiye Suugaaneed oo shaqadiisa ku saleeyay waayo-aragnimo qoto dheer oo uu u leeyahay Afka iyo Dhaqanka Soomaaliyeed. Waa Haystaha Shahaadada Labaad ee Jaamacadda (Master's Degree), taasoo u sahashay inuu suugaanta u dhex galo cilmi iyo falanqayn sare. Gabayadiisa waxaa lagu yaqaannaa xigmad, falsafad, iyo qaab-dhismeed aan caadi ahayn, taasoo ka dhigaysa mid ka mid ah abwaanada ugu tayada sarreeya ee isku daray dhaqan iyo aqoon casri ah."

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

error: Halkan kaga boggo