Alle weyne waxa uu yidhi “ Wax ku akhri Nebiyow magaca Eebbe ee abuuray
(khalqiga) (1), Dadkana ka abuuray calaq (2), akhri Eebbena waa kan sharafta lehe (3),
ee dadka baray sida qalinka wax loogu qoro (4), dadkana baray wax ayna aqoonin (5).
Aayadahan Quraanka ahi waxa ay ka mid yihiin Suurada (Al-Calaq) oo ah suuradii ugu horay
ee kusoo degtay Nebi Muxammed (NNKH) taasi oo la faray in uu wax akhriyo. Suuradani
waxa aan ka dhex arki karnaa in furaha guushu yahay wax akhris. Wax akhrisku waxa uu qofka
barayaa wax uusan aqoonin, dunida maanta waxa lagu tartamayaa waa aqoon. Aqoontuna waa
in qof ama dad garanayaan wax aysan kuwa kale aqoonin.
Dadka guulaystay ee dunida ku nool waa dadyow ku kala duwan diin, midab, dhaqan iyo
deegaan isla markaasna tabaha iyo farsamooyinka ay ku guulaysteen kala duwan yihiin- mid
ganacsi iyo maal ku guulaysta, mid siyaasad iyo aqoon ku guulaysta iyo mid si kaleba u
guulaysta waxaa jira hal wax oo ay dhammantood ka siman yihiin waana wax-akhriska.
Og Mandino waa nin aad u caan ah oo ahaan jiray askari duuliye Maraykan ah oo ka qayb
galay dagaalkii labaad ee adduunka, waxa uu duqaymo ka geystay Jarmalka. Markii uu
dagaalku dhamaaday waxa uu ku biiray addeegyada caymiska. Mandino waa ku fashilmay.
Subax ka mid ah maalmahaas waxa uu go’aansaday in uu is dilo, isaga oo ku socda meeshii uu
isku dili lahaa ayuu arkay maktabad wax akhris waa uu galay, ka dib waxa uu akhriyay buugta
dhiirigelinta gaar ahaan buuga uu qoray Napolean Hill ee la yidhaa “Think and grow rich”,
maalintaa ka dib waxa uu sii waday wax-akhriskii oo ka hakiyay in uu is dilo. Waxa uu qoray
buug badan oo uu ugu caansan yahay “The worlds greatest salesman” oo laga daabacay in ka
badan 50 malyuun oo lagu turjumay in ka badan 25 luuqadood.
Waxa aan ka baran karnaa in wax akhrisku kaa saari karo cidhiidhi kasta oo aad nolosha ka
dareemayso cagtana kuu saari karo toobiyaha guusha. Waa maxay faa’iidooyinka akhrisku?
1Sideen wax u akhriyaa? Shax side ah Ayaan dejistaa si aan wax u akhriyo? Maqaalkan kooban
ayaa ka jawaabaya weydiimahan
“Wax akhris- Wax akhris- Wax akhris-“
FAA’IIDOOYINKA AKHRISKA
1) Akhrisku wuxuu maskaxda ka daweeyaa dhibaatooyinka
In aad maskaxdaada geliso buug badan oo aad akhrido waxay dareenkaaga siinaysaa in
maskaxdu ka fogaato dhibaatooyinka kale ee ku xeeran isla markaana diirada saarto
waxyaabaha kale ee himilo iyo hiigsi ah ee ku qoran buugta. Akhrisku wuxuu ku tusayaa
dhaqano badan oo kala duwan kuwaas oo aanad hore uga warhaynin amase aanad ogayn inay
jiraanba.
Wuxuu maskaxdaada u furayaa qaab cusub oo aad u fikirto, wax u aragto ama aad u qabato
wax aad u malayn jirtay in aan la samayn karin ama la gaari karin.
Murti ayaa waxay leedahay “Qofka aan wax akhrin waxba ma faa’iido dhaamo qofka aan
wax akhrin karin” waxaa yidhi Mark Twain.
22) Wax akhrisku waxa uu quudiya maskaxda
Maskaxdeenu waa wax aad u awood badan hadba inta xog la geliyo ayay soo saartaa. Xubin
kaste oo ka mid ah jidhka bini Aadamka ah waxay ubaahan tahay in shaqo loo diro. Calooshu
waxay u baahan tahay cunno lagu quudiyo, jidhku wuxuu u baahan yahay jimicsi lagu quudiyo
sidoo kale maskaxdu waxay u baahan tahay quudin taasi oo ah in ay wax akhrido.
Wax akhrisku waxay baahi tirtaa maanka gaajaysan iyadoo siisa aqoon iyo waayo aragnimo
aan dhamaad lahayn. Akhrisku wuxuu inaga caawiyaa in ay maskaxdeenu balaadhato oo
xaddiga qaadisteedu aad iyo aad u weynaado.
3) Akhrisku wuxuu horumariyaa xiriirka iyo qaabka qofku u hadlo
Aqoon badan oo aad akhriska ku kasbataa waxay kaa caawin kartaa in aad si weyn
uga qayb qaadan kartaa doodaha, waxaad awood u yeelanaysaa inaad bilowdo
dOodo wax ku ool ah. In aad hayso xog ka badan kuwa kale, waxay faa’iido kuugu
tahay inaad dhinacooga dhulka dhigto waayo waxaad si qoto dheer u haysaa xoggo
badan oo la xiriira mawduuca markaas taagan.
4) Wax akhrisku wuxuu koriyaa maskaxdaada
Buugta sheekooyinku waxay ku gaynayaan adduunyo aad iyo aad kaaga fog taasi
oo aad ka dhex arki karto waxa ka dhacaya nolosha dadkaas isla markaana aad
suuraysan doonto. Marka aad yeelato maskax wax qaabilaysa waxaad dhaxli
doontaa oo aad waayo aragnimo u yeelan doontaa xilkasnimo, xeel dheeri iyo
dhiiranaan.
35) Dhamaan hogaamiyayaasha iyo kuwa guulaystay waa akhristayaal
Buugtu waa wax aad u awood badan oo badala nolosha aadanaha. Dhamaan dadka
guulaystay waxay sheegaan in buug ay akhristeen inta badan badalay noloshoodii
kuna hogaamiyay guulaha ay gaareen.
Xogta iyo aqoontu waa awood taasi oo ah toobiyaha guusha, haddii aad aqoonta
saxda ah ku daabaasho noloshaada waxay kugu hagaysaa guul midho dhal ah.
7) Wax akhrisku wuxuu dhiirigeliyaa hal-abbuurnimada
Talaabada ugu weyn ee aqoon lagu korodhsado waa akhriska. Waxyaabaha ugu
awoodda badan ee aanay dadku badanaa ogayn ee loo addeegsado horumarinta
naftu waa akhriska.
Wax akhrisku wuxuu kaa caawinayaa inaad noqoto qof maskax furan. Mid ka mid
ah faa’iidooyinka akhrinta buugta, warsidaha ama maqaalladu waa inay kuu koriso
maskax ahaan iyo ruux ahaanba, akhrisku wuxuu kor u qaadaa qaabka uu qofku u
fikirayo, inuu wax diirada saarto taasi oo qofka ka dhigaysa mid xikmad leh isla
markaana la jecel yahay.
8) Wax akhrisku wuxuu kor u qaadaa caafimaadkaaga
Dad badan waxay ogsoon yihiin in akhrisku uu leeyahay nafis iyo raaxo lagu
dareemo wakhtiga habeenkii, wuxuu si aayar ah kuugu keeni karaa hurdo, waayo
waxa uu kaa saarayaa dhibtaadii howlaha adduunyo ee maalinta dhan qofku soo
maray isla markaana maskaxda ayuu u furayaa bog cusub oo lagaga nasto
hagardaamadii maalinkaas.
4TABAHA AKHRISKA
Sideen wax u akhrinaa?
SQ3R or SQRRR.
_______________________________
Inta aanan u guda-gelin faah-faahinta qaab aqriseedkan, waxaa muhiim ah in aan
ogaano deg-degsiiyaha aqrisku waxaa u ku xiran yahay awoodaada dabiiciga ah,
nooca buuga ama macluumaadka aad aqrinayso, afka aad wax ku aqrinayso,
xiisaha aad u qabto iyo qodobo kale oo fara badan.
Xogta aad ka hayso dhiganaha aad aqrinayso ayey ku xiran tahay sida aad ku
aqrinayso dhiganahaasi.
Qaabkan waxaan loo adeegsan dhiganayaasha madadaalada loo aqristo, sida
sheekooyinka, gabayada, riwaayadaha iyo dhamaan wixii la xiriira madadaalo ee u
baahan inaad wax wada aqriso.
Inta aan mawduucayga u gada-galin waxaan ku sheegaya aqristaha aan guusha
gaarin ee waqtigiisa badan ee uu aqriska galiyo aan miro u dhigma ka keenin, waa
aqristaha aqriya dhamaan xarafyada iyo weedhaha ku qoran dhiganaha uu
markaasi aqrinaayo, muhiimad ma lahan inaad xaraf walba aqrido hadaanay ahayn
riwaayadaha iyo wixii madadaalo ah ee la halmaala.
Qaabkan SQ3R oo loo soogaabshay ereyada, SURVEY/SKIMING, QUESTION,
READING, RECITE iyo REVIEW. Waxaa markii u horeysay so bandhigay
Francis Pleasant Robinson sanadii 1946kii kunasoo bandhigay buugiisa Effective
Study.
5Hadaba aan sharaxo shantan qodob ee ay ka kooban tahay nidaamkan wax aqris
ee SQ3R.
1.SURVEY/SKIMING. ( DULMAR).
Dulmarka buugu waa inaad soo qabato buuga meel degan oo aqris ku haboona la
tagto, war bixin fiicana ka hayso qoraaga buuga, aqrido magaca buugga, labada
dahaar ee buuga, taxanaha cinwaanada buuga ee contants ama fahras afafka qalaad
lagu dheho,cutubyada uu buugu ka kooban yahay adoo aqrinaaya cinwaanada
waaweyn iyo kuwa yar-yar ee uu cutub walbaahi ka kooban yahay, jadwalada iyo
sawirada buuga ku dhex jira, hordhaca iyo gunaanadka buuga.
Intaasi waxay kaa qaadanaysaa waqti gaaraya 5 ilaa 8 daqiiqo, waxayna ka
saacidaysaa inaad faham guud ka qaadato mawduucyada uu qoraagu dhiganahan
ku qaadaa dhigaayo waxaadna ku go’aansan meelaha aad muhiimada siin doonto
iyo meelaha aan muhiimada weyn kuu lahayn.
2. QUESTION ( WEYDIIMO).
waxaad diyaarsanaysaa weydiimaha aad jawaabahooda xiisaynayso inaad ka hesho
buuga, adoo cutub walba su’aalo gooniya u diyaarsanaaya. U rog cinwaanada
waaweyn iyo kuwa cinwaan hoosaadyada ah weydiimo, sida kuma, goorma, xagee,
sidee iyo sabatee?
Waxay ka qaadanaysaa ilaa 10 daqiiqo, waxayna ka saacidaysaa inaad aqriskaaga
hadaf u yeesho oo aad xiiso u qaado inaad hesho jawaabahaas waxayna kor u
qaadaysaa inaadan ilaawin jawaabahaasi.
63. READ (AKHRI).
Waxaad bilaabaysaa aqriska dhiganaha adiga oo cutub walba ka baaraya
jawaabaha weydiimaha aad horey uga diyaarsatay oo kaliya, hadafkaaguna wuxuu
noqonayaa inaad jawaabahaas baarto oo kaliya.
Waxay ka qaadanaysaa ilaa 30-40 daqiiqo. Waxayna ka caawinaysaa in aqriskaagu
noqdo mid deg-deg ah oo ka taga sadaro badan oo aan micna weyni ku jirin.
Qaybtan jawaabaha qori aad maysid, laakiin haddii aad haysato qalin
calaamadeed waad calaamadsan kartaa meelaha aad jawaabaha ka heshid.
4. RECITE ( ISKA-DHAGAYSI).
Qodobka afraad waa inaad dib uga jawaabtaa weydiimihii aad horey u
diyaarsatay adigoo uga baxaaya qof buugan isna aqriyey ama aad adigu hoos isaga
dhagaysato cod hoose, aadna diiwaan galiso jawaabahaga wixii aad xasuusatay iyo
wixii aadan xasuusanba adigoo ku cabiraaya ereyadaada gaarka ah. Markaas kadib
dib ugu laabo buuga kana fiiri wixii aad hilmaantay.
Waxay ka qaadan ilaa 30 daqiiqo.
5. REVIEW. (MURAAJACO).
Dib u muraajacee weydiimahaagii iyo jawaabahoodii oo aad diiwaan gashatay
saacado badan ama ayaaamo kadib, waxay ka saacidaysaa. Inaadan hilmaamin,
waxayna ka qaadanaysaa waqti yar oo ilaa 20 daqiiqo ku siman.
78
FG. Wax walbaahi bilowga waa adagyihiin, ku cel-celin kadibse waxay ku
noqotaa mid fudud, qaabkan waxaa aad u adeegsada ardada iskuulada iyo qofkii
raba buug aan takhasus kiisa ahayn inuu aqriyo, cilmi baarisyo badan oo la
sameeyey waxaa kasoo baxday in qofka qaabkan u aqriya buug iyo kan sida
caadada ah u aqriya ee sadar walba aqriya uu ka faa’ido bato kagana sareeyo
imtixaaka ay ku wada galaan buugas qofka qaabkan wax u aqriya.
Turjumaada ereyada aan macneeyey kama turjumayso macnihii ereyga oo sax ah
ee waa fahamka qodobkaasi oo dhan.
CELCELISKA DEDAJINTA AKHRISKA (READING SPEED)
Markii la sameeyay tijaabooyin badan oo heer caalami ah, waxaa la ogaaday in
akhristeyaashu ay ku kala duwan yihiin xawaaraha akhriska. Waxaa kasoo baxay
tijaabooyinkaas in celceliska akhrisku yahay:
·
200-250 oo eray daqiiqaddiiba; waa akhriska da’da 12 sanno jirka ah.
·
300-600 oo eray daqiiqaddiiba; waa akhriska ardayga heer jaamacadeed ah.
·
600-700 oo eray daqiiqaddiiba; waa akhriska qofka aqoonyahanka ah,
dhugashaduna waa 75%.
·
1000 eray daqiiqaddiiba; waa akhriska ay sameeyaan akhristeyaasha ka qayb
gala tartanka caalamiga ah ee akhriska, dhugashaduna waa ay liidataa.9
Sidee loo ogaan karaa celceliska xawaaraha akhriska? (Reading Speed)
Akhristuhu waxa uu ogaan karaa celceliska akhriskiisa isaga oo raacaya qaab
xisaabeedkan soo socda:
Hab Xisaabeedka Lagu Soo Saaro Xawaaraha Akhriska
1.
Soo xulo bug fudud oo aad xiisaynayso,
2.
Soo qaado saacadda orodka (Stop Watch), akhriso muddo 2 daqiiqo ah,
i. Tiri sadarrada aad akhriday
ii. Tiri eryada ay ka kooban yihiin 3-da sadar ee ugu horeeya,
iii. Soo saar celceliska erayada 3-da sadar ee aad akhriday: tirade ereyada/3-da sadar,
iv. Isku dhufo tirada sadarrada iyo celceliska ereyada ee 3-da sadar: (I * III).
v. Tirada kuu soo baxda u qaybi 2: (I*III)/2
3.
Waxa aad helaysaa tirade ereyada aad akhrin karto daqiiqadiiba: waana
celceliska xawaarahha.10
Waxaan dib Qormadan uga soo dari doonaa Shaxda Xogta Akhriska. oo kaa caawin doonta habsami u socodka Akhriskaaga.
Kaydintii: Akadimiyada Afka iyo Suugaanta ee Murti
Raacdayntii: Mr. Cumar Ismaacii Digeed
Tixraac Zaki Bade