Nin la yidhaahdo Ducaale Cali Fagaase oo Reer Hagar, Hagar Aadan, Aadan Axmed, (Ararsame) Dhulbahante, ah ayaa Sayid Maxamed iyo Daraawiish gabay digasho ah usoo diray gabaygaas oo uu lee yahay car haddii aad rag tihiin geelanaga foofay agtiisa qori ka jabiya.  Sayid Maxmed oo lagu caraystay bal adigu si dheh!  Guuto hubaysan oo wada duub cad ayuu kusoo bixiyey Reer Hagar oo fallaago Ingiriiska xulufo la ah ahaa.  Geel wixii gacantooda ku jiray ayey Daraawiishi soo hantiday, rag badanna gudirada ayey Daraawiishi u loogtay.  Markaa ayuu Sayidku geeraar kaga jawaabay kii Fagaase.  Fagaase gabaygiisii iyo Geeraarkii Sayidka ayaan is daba dhigaynaa.

Wuxuu yidhi Fagaase:

Sayidkuba ka fiig geelayaga inuu faduushaaye

Fagaase iyo summaddaa nafluhu kaga fogaadaaye

Waa fiil nin lihi foofsadoon feleg ka yaabayne

Hadba mesha loo filo dal buu farow ka laacaaye

Farowga iyo baruurtiisu way kaa fajicisaaye

Faalaha iyo dhalankuu yahaa gobi ku faydaaye

Fiidkiyo aroortuu durduro ganafka fiiqaaye

Ma facaysta laangaabka iyo tuugga fiirsada e

Nimaan fuulin guutada hadhkii faal ka bixi waaye

Faataxa wadaad iyo burduhu fanax ma beerane

Faras xoog leh baa lagu dhaqay iyo geesi fool adage

Fulayada Daraawiish ah iyo Maxamed faankiisa

Hadduu faral jahaad iyo Islaam faro ku doonaayo

Ararsamaha faaray ee arlada culus ku soo foofshay

Muu foos la xulay iyo dagaal foore kaga qaado

Fiqiyada ku lumay xarunta muu fiixa ka hibaadsho

Oo foodhi laasimo sidii Ferenji Reer Loora.

Sayid Maxamedna markii Daraawiishi dagaalkii kasoo noqotay ee ay xaruntii yimaadeen ayuu wuxuu yidhi:

Ararsame futo argeeg, feleg baas ma ku dhacay

Fishtii ina gumeednimo, faydo maad ka qaadeen

Ma fallayd kolkaad tidhi, car ee foos usoo dira

Sow Fagaase nama odhan, foofshaye car weerara

Anna faraska inaan qaban, soo layma filahayn

Fulayahow nin kaa adag, ma wax laysku fiiqaa

Adigoo farraadho leh, futo xume ma dhacan tahay

Geelii farowga weynaa, soo kaama fara bixin

Fululleyda gaalaad, yaa kaa firfiirsaday

Faalkiyo ayuubkii, farrihii ma eeddeen

Fuxshigaad ku faanteen, ma anaaba kuu furay

Ileen Ferenji nimuu kuday, waa faasuq dooro leh.

Kaydintii: Academiyadda Afka iyo Suugaanta ee Murti
Raacdayntii & Tafatirkii: Mr. Cumar Ismaaciil Digeed

By

"Abwaan Digeed waa Curiye Suugaaneed oo shaqadiisa ku saleeyay waayo-aragnimo qoto dheer oo uu u leeyahay Afka iyo Dhaqanka Soomaaliyeed. Waa Haystaha Shahaadada Labaad ee Jaamacadda (Master's Degree), taasoo u sahashay inuu suugaanta u dhex galo cilmi iyo falanqayn sare. Gabayadiisa waxaa lagu yaqaannaa xigmad, falsafad, iyo qaab-dhismeed aan caadi ahayn, taasoo ka dhigaysa mid ka mid ah abwaanada ugu tayada sarreeya ee isku daray dhaqan iyo aqoon casri ah."

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

error: Halkan kaga boggo