Abwaan Ducaale Dheere wuxuu ahaa gabayaa ay maansadda isku hujuumi jireen Salaan Carabey. Gabayo badan oo is daba socda ooy isu tiriyeen ayaa jiray, midkan aan dhawrka beyd een wada saxnayn ka haynana kuwaa ayuu kamid ahaa. Meel laga heli karo haddii aad og tahay kan iyo kuwa kalaba nala soo socodsii. Wuxuu yidhi:
- Soofoow sarkaalkuba marbuu, sahayda waayaaye
- Saabaanka waa laga tirshaa, suudi-daarrada e
- Inaan waayo saranseer ahaa, saa anaa faraye
- Samri waa Salaankii wax badan, layga saamaxaye
- Sawdkii horeetiyo Cawaan, kaga sariigtaaye
- Suryadaan fadhiistaba qolaan, summad ku duugaaye
- Oo lagaga soocaa naflaha suunta wada yaalle
- Saableyda meeshaan u dhigay, Saahid baa garanne
- …
Cid walba oo heli karta Suugaanta Abwaankan Fadlan Cinwaanadda hoose hanagala soo xidhiidho.
Kaydintii: Akadimiyadda Afka iyo Suugaante ee Murti
Raacdayntii & Tafatirkii: Mr. Cumar Ismaaciil Digeed