Gabaygii: Heeryo Diid.
Abwaan Jaamaca Cabdiqani Aadan wuxuu gabaygan tiriyay 13-Feb-2023 Xiligaas oo ku beegnaa maraaxil adag iyo guulo isku dhafan amin ayka bilowdeen Gobaladda SSC. Nuxurka siyo sidka gabaygana waxaad ka dheehan doontaa meerisyadda Abwaanku noo soo gudbiyay.
HEERYO_DIID
Adoo horor ku cunayoo hadana habacsanoo jiifa,
Hogga uu ka soo baxo adoon helli aqoonaynin,
Xogta kala hufkeedii adoon xoog isugu hawlin
Halkii loo dacwoonlaa addoon ulla haggaag quudhin,
Waxkastaba la hoggo oo addoo wadda harreerraysan,
Wiilkii hurrdada kaa jafee heeryo nacab diidday,
Hanadkii dhinbiillaha murtidu lagu hanaanneeyey,
Ee hiilka diintaa sharfoon ehela waa hoose,
Midna wax u hanbaynoow runtaad hooyo u ahayde,
Inta lagu hubsaday miidhiyaha huggunku noo yeedhye,
Bal’aan “talada guushaad hantiday” weedh higaadsado’E,
Hubka qaata waa kii ku yidhi oo hanbada gaadhe,
Habeenkoo labbo u teggey waxaa haddalkan ii geeyey,
Halka ay wax.marrayaan ayaa hogga tuskiisiiya,
Afartaa ha’dii dirirta iyo- hillimad- deeddii dheh,
Halyeeygii ku kaca yidhi xinjirro huriba maysaane,
Hanbalyo aan usoo qaatay iyo haybintii duco dheh,
Geessiggu ma hoydee midduu hello ogaa ii dheh,
Bulshadana halbaan leeyahaye hiil allaa jira’E
Hogaammada jamaahiirtaneey horiyo taa joogta,
Labadubba halkaa ay marreen harradu weeyaane,
Haka haaggi waayinna danbaa loo hishiis galaye,
Waxa heelka ina dhigay bannaan waa khillaaf hore,
Hadaynaan is haynoo muraad cadow hamuumaynin,
Oo aan hayba hayb lagu balamin inay halaakayso,
nina ma hungurreeyyeen xeryaha haybad loo dhigaye,
Haddal laga tegyoo waadiga huuno baacsadaye,
Marba HEBEL waxa kuuggu xigga ruuxda kii hure’E,
Inta hiillin karaysaa ka badan hooska geedaha’E,
Hawraar sidii lagu qorree laga abwaan hoorshey,
Isagaa harraadane fullaha how habsaamina’E,
Mudo suuxisadu hayso buu kaa hogseeg yahaye,
Ha hiifine ka guddub waadanbuu ku hubsan’doonaaye,
Gullufkii ku kala horrorsan jiray waa halkii weliye,
Hillibkaagu qaybida ku wadhay waw hundhurayaaye,
Hoggobkuu ka soo gelli lahaa hooya igga awda,
Xornimadaa intaad haysteen haaka da is gaadhey,
Halkanbaan ka garan waydinkaa heeso soo tumaye,
Hadalqaadka dunnidaa ku fillan hawl wixii dhacaye,
Afartaa halyeeyada tolkay waano loo helay dheh,
Halgankeena caan’baxay halkay marayso guushii dheh,
Ma hanbeeya nimanbeen huwaday hooto loo diray dheh,
Markuu awr hayina laastay iyo halo wixii jooggey,
Hoggaankii waxay soo sudheen diinka hawd mara’E,
Isaaq maalintuu heellanaa haada ku casheeye,
Iyakaa ku haasaawayoo kaaddi hoor sadaye,
Inkastaannan kulla heer dhigayn maakub waa habawe,
Oo aan la haab’haaban karrin waa hantoo kacaye,
Misna waxay hantida uga qaxeen yaan la hadi waayin,
Haweenkiyo carruurruhu ma oga inay hulleelleene,
Bal’aan kuu hulaab tiro darbaan haynin sheekada’E,
Iyagoo dalkaba ugu hu’roon dahabna hays haysta,
Haatufbaa u yimi goordadkii kala hoyaadeene,
Wuxuu yidhi daliyo calan hantiya oo hurgumo beere,
Qarankii hawada gaadhayee aan la hella haynin
Hanfaqiyo wershedo ama dekedo hormarkuu keenay,
Iyagaa u horreeyaye eblays kala habboowsiiye,
Hillinkuu u jeexaa ku gurray haabbadaa shidane
Hawsarkaa la riddayaa ma karo baaski uu horaye,
ILeen hooyadeenbaa ahayd hiilla kaa mudane,
Bal inay haggaagaan midnimo laggu hanuun qaato
Aan haadkale u baadhno oo talo hallaanbayno
Shiikhaal qurraan ku harqissiyo hurin fogba u doona.
Kaydintii: Academiyadda Murti “Mareegteeda Murtiyosuugaan”
Ururintii & Tafatirkii: Mr. Cumar Ismaaciil Digeed