Gabayga: Sulub Gur
Waxaa tiriyay Abwaan Jaamac Cabdiqani Aadan “Jaamac Rain”
Goortii xilaada Miilaadigu maraysay 03-Jan-2023kii. Dulucdana waxaad ka dhadhansan doontaa Meerisyada Tixda.
Sengaa ururin hadal saari’waa same- garaadoowe,
Nin doraato seefaha ku daray shalayna soofeeyey,
Oo dhiiga saydhani u yahay subag lo’aadkiisa,
Inaad talada saaxada u marrin waa sidday tahaye,
Ha yeeshee inay solayso’bay kaaga soconlayde,
Ama sulub inoo gura kanbay saa’id ku heleene,
Oo saajaceedii xulloo saaddadka u qaybsha,
Oo guushu waa saaddanbee siiggo ha istaagto,
Ama aan gabdhahan saygu gabay sidan u sii eegno.
Afartaa su’aal bay ahayd surrin bannaannaaye,
Ninkii aan sinaba wax ogayn waa la sirayaaye,
Sumuc’buu ku deggey seeddigay soolashuu maro’E,
Sooryiyo intoo lala ballamay sarrarro geed’daysan,
Kursi loo salaxay’miis-hab’dhaqan sida la sheegaayo,
Sarriir loomma dhigginoo dabbeed seexo may dhicine,
Sikaawuu ku galay gaadhna waa kala sarreeyaaye,
Ha seerrayn waxay doonnaysaa saayirraad mallehe,
Sinnaan’tana ogoow kalla jirkaa saa inoo galaye.
Kaydintii: Academiyadda Murti “Mareegteeda Murtiyosuugaan”
Ururintii & Tafatirkii: Mr. Cumar Ismaaciil Digeed