Dhamays Dumar waa Maanso runtii igu leh xusuus gooniya, kalkii aan curiyay, dulucdeeda iyo falcelinteedaba waxay lahaayeen saamayn.
Maansaddu waxay ka hadlaysaa humaag qeexaya gabadh Soomaaliyeed oo ku labisan hiddaheenii iyo dhaqankeenii suubanaa, oo wax ku cunaysa “isticmaalaysa agabkii dhaqanka” U hooyanaysa oo ku nool idil ahaanba wixii aynu lahayn ee dhaqankeenii Hooyo iyo dhaxalkeenii Aabe ahaa.
Dhab ahaan humaaga maansaddu wuxuu ahaa mid aan sawirtay habeen anigoo goob cidlo ah lugaynaya.
Aan dib u milicsano sanadkii 2014kii anigoo jooga meel jigjiga u dhow degaan ahaan, ayaa nin dhalinyaro ah oo aan saaxiibo ahayn ii casuumay si heer-sare ah.
Casuumad dhalinyaro waad garankartaayoo waa jawiyo badanlay iyo wakhti dil la sameeyo uun. Waxaan ka xusi karaa xafladda in maalintaas aad naloogu tumay kaban”Cuudka lagu heeso” Aad ayaan u xiisayn jiray dhagaysiga cuudka hortayda lagu tumayo, mudana waan ka maqnaa saaxad uu yaaloba, Anigoo qabba jeel dhegeysi kaban ayaan maalintaa ka jibo keenay.Hadaan kuu sheeko xado goobtii naloogu tumay waxaa joogay dhalinyaro qurxan oo aan ku milmin waayaha adag iyo marxalad qayirta midana.
Magan Eebee damaashaad, farax, iyo maamuus kadib goobtaas waxaan ka soo baxay xili danbe oo habeen ah, Anigoo kaligay ah ayaan soo lugeeyay wado dheer oo u dhexeysay hoygii aan degenaa iyo halkii aan ku xafladaysanaynay.
Jawigu waa jawi roobaad oo aan dhulka biyo ool laakiin uu cirku riman yahay lanna sugayo xiliga Weyne kor ahaaye uu soo fasaxayo raxmada dhibcihiisa biyahay ah, Cimiladu waxay ahayd mid aad u qaboow intii garashayda ah tii ugu qaboobayd een aan ku noolaado, waxaa dhacaysa dabayl yar oo ceeryaamo wadata, dhibcaha ceeryaamadu waxay garaacayaa ooga koodhka aan sito waanse ku raaxaysanayaayo waxaan ka soo baxay meel diiran.
Amintii aan lugaynayay wadada ayay igu dhalatay inaan baadho Qurux Dumar, dumarku xiliga ay ugu quruxda badan yihiin waxaanna ii soo baxday waa goorta ay gabadhu haysato ama ku labisan tahay hu’ ay aftaqaan xidhashadiisa iyadoo taasi dhalinayso kalsooni ruuxiya oo uu qofku si dadban u dareemo.
Waxaan taas u daliishanayaa adiga laftaadu maalintaad xidhato dhar kugu cusub sida suud cusub ama sad cusub waxaad moodaa in dadkoo dhami ogsoonyahay oo uu ku soo eegayo, mana aha oo cidi ku soo eegi maysee waa dareen ruuxiya kaliya oo kugu kooban adi, laga yaabee inaad qajisho taasina waxay dhalinaysaa hoos u dhac kalsooni. Laakiin hu’ aad aftaaqaan hadaad wadato waxay dhalisaa isu kalsoonaan aadan ogayn adigu, se kaa muuqata oo waxaad u howlo gudanaysaa/u soconaysaa si baraad leh.
Si kale hadaan u eegno gabadhu waxay ku qurux badan tahay dookhii Ayeeyadeed iyo Hooyadeed ee ay ku ababiyeen taasoo markay ku jirto marxaladaa iftiinta.
Tusaale gaaban hadii gabadh soomaaliyeed surwaal jeans ah loo xidho maku socon kartaa suuqyadeena dhexdiisa jawaabtu waa maya, waayo falcelinta indhaha dadka ayaa ku filan inay baahiyaan maskaxdeeda socodkuna ka lumo. Se hadii aysoo xidhato shay ay hore u isticmaali jirtay dadkuna la qabo, laafyaha xaragada ayey u tuurtaa sidii boqorad oo kale.
Hu’ga dhaqankeenu waa dookh soo jireen ah in kastoo waayadan uu u dhow yahay sida jeanska looga saso in loogu dhaygago, mucdaydu waa hadii gabadhu ku labisato dookhaa soo jireenka ah in quruxdeedu sii bilaanayso uun.
Aynu u soo noqono xanbaarkii maansaddee, maansaddu waxay aad u qaadaa dhigaysaa amaanta hanka gabadhaas ay kaga fogaatay wax kaste oo aan qiimo u soo kordhinayn, uguna dhegenaatay tabacii faca waynaa ee soo jiraanka ahaa mudooyinka qarniyaasha badan ah.
Maansadu waxay aad u tilmaamaysaa sida ay ugga mudhay dhalinyaradda “ugga dhex muuqatay dhalinyaradda” Iyadoo ku mutaysatay amaan iyo suugaan dhigaal noqonaysa inaan ugu abaalgudo gabadhaa, laabo fara badan oo soomaaliyeedna ay ku ahaato rukun iftiimiya qiimaha wayn ee dhaxalkeena, dhalinyaradunna ku dayato.
Sidoo kale maansadu waxay ka hadlaysaa quruxda nimcooyinka Eebe wayne ku manaystay dhulkeena, quruxda dhirta kala jaadka ah, buuraha kala bedkaa, laagaha kala jihada, togaga kala baaxada, ciidaha kala duwan iyo nimcoolayda kala dheeftaa ee ku nool guudka dhulkeena iyo intifaacooda.
Neecawda xiliyada, gobanimada Aadanaha ku nool iyo la noolaanshahiisa qiimaha badan. Waxay sidoo kale ka hadlaysaa ku tarankiisa badqabka leh waayo meel aad 20 caruura ku dhali karto oon lagugula xisaabtamayn deeqda Ilaah ku siiyay waa dhulkeena uun iyo wanaag tirro badan oo Eebe dhigay Oogadda Dalkeenna inagoon u gudbin waxa gudihiisa inoogu jira.
Iyadoo maansaddu sii socota waxay dul maraysaa lanna dardaarmaysaa daminadda dhalinyaradda wakhtigan iyo hawooyinkooda lumiyay dhaqankoodii iyo dhaxalkoodii, inay maanta is dabaqabtaan. Oo dad waxaa uggu khayr badan kuwa waxay isticmaalayaan samaysta, waxay cunayaana beertee bal inay dib u baadhaan kuna dhaqmaan cilmigii dhan walba qiimaha lahaa ee lagga dhaxlay awoowayaal.
Sidda ii caadada ah Suugaantaydu waxay leedahay shaanbad u gooniya oo tilmaanta qofkii tiriyay kuu ahaa, u jeedka uu u tiriyay iyo halbeega ay suugaanta ka tahay.
Halkaa waxaa ku badoolan muhiimadu inay tahay inaan yeesho shay aan kaga duwanahay halabuurayaasha kale iyo muujinta inaan anigu tiriyay.
Waxaana taas igu kaliftay in anigoo dayar lafyarna aan Suugaanta tirinteeda bilaabay oo markaan tirinayo la moodi jiray inaan soo qaybay oo kaliya.
Falcelin balaadhan oo halkaas igaga timi ayaa igu kaliftay inaan Suugaantayda u yeelo sumad baadi-sooc u ah.
Maansadda Dhamays Dumar cadad ahaan waa ku dhawaad 250 oo meeris tuduc kastanna aad ka muudsan doonto malab iyo wanaag aan jecelahay inaad ka hesho.
Aan idiin kala baneeyo Adiga iyo Weedhaha Maansadda:-
Magaca Maansadda: Dhamays Dumar:
Dhiskeeda odhaahda weedha
Dhawaaqa alfaada sooha
Dhigtiyo shaqalada xuruufta
Dhabaha dulucdiyo u jeedka
Dhalaal maansada duxdeeda
Waxaa igu dhaliyay dooca
Ogoow waa dhaqanka maanta
Dhamooy dheehiyo ilwaadka
Dhamayska jidhkaaga muuqa
Tilmaan dhidib sami hubqaadka
Ilaah u dhameeyay jooga
Waxaad dheer tahay haweenka
Ogoow waa dhaqanka suuban
Adaan dhaxalkaaga tuurin
Adaan dhaladkaaga xoorin
Adaan dhumin sowracaaga
Adaan dhigin saanaddaada
Adaa dhidibada u taaga
Adaa dhisa oo ilaasha
Adaa dhimashada u diida
Wuxuu dhaqay Aabahaa
Adaa dhigta iyo aloolka
Dhiskeeniyo agabka reerka
Dhabtii adigaa u hoyda
Adaa dharigiyo fandhaalka
Adaa dhiishiyo sibraarka
Dhamaan agabkeeni hoyga
Adaan dhoobada ku doorsan
Adaa dhaclihiyo garayska
Si aan dheerayn xishoodka
Dharkeena ku faana maanta
Adaan nicin dhalashadaada
Adaan dhalan rogin jidhkaaga
Adaan dhajis xidhan khafiifa
Adaa midabkiyo dhalaalka
Maariin dhuuxiyo korkaaga
Adaan dheehaaga doorin
Adaan dheeraadka yeelin
Adaan dhicisnimo ku faanin
Adaan dhalanteed run moodin
Adaan dhaldhalaal dan moodin
Qofkii dhaqankiisa doorshay
Midkii dhaxalkiisa tuuray
Adaa dhoohane ka fiican
Hankaagu inuu dhamaado
Amase dhuubtoo yaraado
Sidii dheehii idlaado
Adaa dhimashada ka doortay.
Akhriste Maansadda oo dhamaystiran sii raac Linkigan Dhamays Dumar. – Murti iyo Suugaan
Kaydintii: Academyada Suugaanta ee Murti
Curintii & Qalinkii: Mr. Cumar Ismaaciil Digeed