Magaca maansaddu waa Baante-maan oo hadii aan sii manqaxo noqonaysa kii maanka-quudinayay sida ka muuqata dulucda magaca maansadda, Magaca maansaddu wuxuu tilmaamayaa qof koriya, kobciya ama dhisa, Maanka “Maskaxda” qofkaas magaca kale ee aan ku timaami karo waa Bare “Macalin”.
Macalinku sida xaqiiqada ah waa ruuxa koriya garashadda qof kasta oo garaad leh bilowga noloshiisa, Macalinku wuxuu noqon karaa kow Waalidkaa, Walaal kaa wayn, ama qof kale oo aad agtiisa ku soo barbaartay. Macalinka dhabta ahise waa kan khadka iyo qalinka kuu darra cilmigiisa si uu ugu quudiya
Garashada yar curinka ah.
Run ahaan macalinku wuxuu inagu joogaa qiimo aad u sareeya, waayo la’aantii bal qiyaas sida aad kaligaa noqon lahayd Macalin la’aan.!
Anigoon aad ugu raagayn qeexista micnaha, muga, miisaanka iyo maqaanka uu macalinku leeyahay waxaan orod ugu geli dooonaa Maansaddii aan maaganayn warkeeda inaan wadaagno adiga iyo anigu.
Maansaddan waxaa igu dhaliyay aragti balaadhan oo aan ka helay qiimaha macalinku ku leeyahay nolosha “Ahaansha maanta iyo noqoshada berriba” Maansaddan waxaan curiyay hilaadii miilaadiga sanadkii 2014kii sanadkaasi wuxuu ahaa sanad aan kansho” wakhti” u helay inaan Suugaan badan oo gudahayga ku hilnayn inaan qalin-geliyo “qoro”.
Maansaddanina waxay ka mid ahayd kuwa ugu muga wayn Suugaantaa kala jaanta iyo kala jaadka ahayd ee aan diiwaan-geliyay.
Bilowga maansaddan waxaan ku soo halqabsanayaa Halabuuro “Abwaano” badan oo aanu Suugaan wadaag dhow iyo mid dheerba lahayn. Abwaanadu way tiro badan yihiin laakiinse waxaan u hormeeyay qayb waliba nooca halabuurkii ay caanka ku ahayd Sida. Kuwii wadaniga u badnaa, Qaar iyaguna ku suntanaa Arimaha bulshada toosinteeda iyo wacyi-gelintooda, iyo kuwii maaweelada ugu hagar baxay Suugaantooda sida haasaawinta Lamaanahayaasha iyo arimaha dhexdooda mara kalgacal iyo kurbaba.
Isla bilowga maansadda waxaan aad ula hadlayaa dhalinyarda hibodoodii Suugaaneed ku koobay inay ku faaleeyaan arimaha Jacaylka oo kaliya. Waxaan aad ugu boorinayaa inay gabeen qodobo badan oo ay umaddu u baahantahay, in ay joojiyaan suugaanta jacaylka ah ee lagu madadaalinayo Bulshadan dhaawacan ee u baahan dhaymaha iyo tilmaamida.
Waayo waa bulsho burbur xoogani ku yimi oo u baahan ka soo kabasho iyo baxnaanin in loogu tixoodo hadiiba wax la tirinayo. Suugaantuna waxay qiimo ku leedahay markay wax hagaajinayso oo kaliya sidaan qabo. Sidoo kale waxaan halabuurka ku guubaabiyaa inay wax umadda u fiican Suugaantooda ku xanbaaraan wakhtiyada adag ee taladda iyo wax isku sheegu qiimaha leeyhiin.
Intaa dabadeed waxaan u galayaa saafidii iyo sife-sheegistii macalinka anigoo ku soo kooobaya xataa Waxyiga Eebe wayne inuu macalin leeyahay, cid macalin la’aan waxbarataana ayan jirin ama cilmigaasi noqonayo mid aan wax dheefin oo dhanka baas wax u jiheeya.
Waxaan si baaxad leh u dhex maquurayaa hirarka cilmiga noocayadiisa kala duwan iyo aroorkiisa ugu danbeeya, ee ashyaada dunida taalaa ku kala ururto “Abtirsato”. Ujeedkayguna waa cilmiyada badaas ah in macalin la’aan aanay faa’ido lahayn.
Macquul ma noqonayso inaan tiraabtan kuugu soo koobo micnaha macailnka iyo sidka meerisyada Maansaddan, waan ku arkaa oo waxaad aad ii dhaafsan tahay dhanka Maansadda bal aan isku kiin daayo adiga iyo meerisyadda mudaan idiin kala dab qaadayaye.
Magaca Maansadda: Baante-Maan
Bislayn ereyada wax-tara
Buruud nuxur iyo sir wada
Barbaartii qeexaysiyo
Balwada ehel keediyoow
Bilaahi warkaan sidiyo
Baaqeygiyo sey ahayd
Bishaariyo faalo sugan
Bulshadan ku dhaqoo u fura
Buugii caashaqa xidh-xidha
Ku baajiya dhiilo maqan
Balaayo ku tira sharkeed
Ku beera dan aan dhamaan.
Ku buuxiya boos la tabo
Ku baadha sirtii cilmiga.
Ba’deyda tixdaan il-furay
Bu’deeda hadaan sar-saro
Waxaan ku bilaabayaa
Afkii bare helay tacliin
Afkii boqor dhalay tilmaan
Afkii badde faray wanaag
Baraan ahay aadmi bara
Bineeya aqoon u dhiga
Barbaar garashada u hura
Billoo dhaqankeena sida
Waxaan ahay billi wax-tara
Baahida suuliya tir-tira
Waxaan ahay buug dhux-dhala
Waxaan ahay Baante-maan
Bukaanka jahliga massaxa.
Maansadda oo dhamaystiran guji halkan:- Baante-Maan. – Murti iyo Suugaan
Kaydintii: Murtiyosuugaan
Qalinkii & Curintii: Abwaan Cumar Ismaaciil Digeed