Gabaygii:Β Lix iyo toban hal
Nimanyahow danboow lam hadlo daa’imaan ahaye
Ma da’wayni waayelna waa la idani hayaaye
Casho nool wax noo dalac bay ila duljogaan’e
Hadaa maanso ii dooxiseen inaan idiin deexdo
Dag dagsiiyahedii lix iyo toban hal oo deel ah
Oo aan danbaab lagu ogeen waan isaga daayay
Dalkayaga ninkii duunyo leh bay door u baxiyaan.
Wadaad diin leh iyo caaqil waa laag duleeyaaye
In aan darajo laga aqoon baan iskaga daayey.
Bunka niman dubtaa waa sidii duul karamo leh
Aduun kuma digeyaan waxay bila ku daaheen
In cayuuni shaygeeda dili yaan iskaga daayay
Ninkii dirac ah waa lag dogtaa malin dirireed’e
Nin waliba armuu kuu dagtaa yuu daninnahayaa
In’aan eeda laga heynaheen yaan iskaga daayey
Dorkii walalkii ah nin xuni waa u danleeyahay ‘e
Arrinkuu ka dufaa markuu daacad ugu sheego
Wax damiinku moodaa inuu daw ka ridayaaye
Kukaloo ku diireynin buu dacalka saaraaye
Dabadeed waxay wadmaraan laala duur dhab ahee
Axmaq inuu dadkeenii ka haray baan iskaga daayae
Daliil gabay diin iyo xigmo daacad iyo waano
Doraad iyo shalay midaan lahaa duug haday noqotay
Inaan dhagaba hadl hadal deeqaheen yaan iskaga daayaye
Shinbir duulid badanoo dhulkii dagi aqoon waayey
Mar unbuu libaax labadii daan dalaq yiraahdaayee
Inay edebtu shay doorra tahay yaan iskaga daayay
Diradiro iyo waa heli karaan dulan islaamed’e
Umad nabad ah waan galin karaa dab iyo qiqiis
In nabiib cadaab dalaq lasiin waan iskaga daayay
Hadaan doono waan oran karaa diigasho iyo faan,e
Anoon daririn baan ridan karaa daqaro waa wayn’e
Dadka Eebahay caabudkiis yaan iskaga daayay
Rag ismaan dhaafkii iyo xaajadii diirka kacadaatay
Ninkii ii danleh iyo kii kalgacal laabta iga deeqo
Docba waan ula maamulan aqaan labada daarood’e
Inaan eeda lagu sii dag dagin baan iskaga daayay
Garku deeb nimuuyahay haduu doqonimo ku waynaado
Koluu waalidnimo dugsado waa la darajayn
Inaan wiil duqnimo loo cizayn baan iskaga dayay
Darood dhexdiisa iyo hawiye, dir iyo somali
Doqon niman kalaheen laba dad mooyee inaan
Inaan laiga daandansaneen yaan isga daayay
Dulaan hadii aanan galayn Donyo laba qayb
Oo aan libin ku diigdiganeen dil iyo geerar leh
Asii aanuhal gabay door aheen baan iskaga daayay
Adba daa, in ma ahoo aduun dib u salaami waye
Diinkii alla lagu hayaa in intuu dumaayaaye,
Samaan aakhir inuu haatan yahay baan iskaga daayay.
Duqaydaan ka soo firay aduun kuma darbaysnayn
Gobanimo haday dabin wadeen yaa ilaah dilay
Nabsi inuu dad,daydaan u haro baan iskaga daayay
Hadii dooro waynow kufrigu ina dulaynayo
Meeshhii inuu diro hadan diidi kari waynay
Inay diintu nabi baylah tahay yaan iskaga daayay
Ninkii mayrax laguduuboo caano lagudadshay
Dirham beesa lacageed haduu inagu doonaayo
In kumni duqawdeenu tahay waan isga daayay
Reerha direed iyo hawiye boqorka darood ah
Adoon daqaya wayn iyo xantaa yibir dagestaa ah
Intaan dowga towxiid lahayn wax isma doorshaan
Daariyo waxay uumayaan daabad iyo xoolo
Haday gaalka ugu diiqayaqaan diinta lacoloobay
In’ay talada naga daahantahay baan iskaga dayay ‘
Daraawish dil iyo togadikii duudsigii Maxamed
Kuwaan malkumawda udamqin waa ka digayeen’e
In dariqyadii nag xirmeen yaan isga dayay
Dixda ceelcad Doollo iyo war dheer deginka Buuhodle
Docmo iyo Walwaal iyo intii doh iyo ciideeda ah
Dariiqyad Nugaleed Hobyo iyo daarihii xarare
Dukaamad cadmeed iyo barbaro dagaldii saaxil
Halkuu Nuur Cismaan dagi jiray iyo dahabka miikoole
Kufrir diir madoow shawi iyo adri daanteeda
Dululasikaas bay intii gado iyo daqeed ah
Docda midigo doloow xagiyo dawadaas bidixo
Dalka karanle doxad bunka leh iyo dabtadii booran
Darafta waamo dooy iyo galbeed tan iyo reer diinle
Darood hadii lag xukumo waan isga dayay..
Kaydintii: Murtiyosuugaan
Raacdayntii & Tafatirkii: Cumar Ismaaciil Digeed