Gabaygaan waxaa tirshay Faarax Xuseen Sharmaake ilaah naxaristii jano haka warabshee Waxuu abwaanku tirshay gabaygaan mar uu Safar ku tagay magaalada Siyeloow ee dalka Knya Sanadku markuu ahaa 1952 Waxuu yiri

Nimanyaho caqliga kama damani daa’in ii qoraye
Rabi igama daahin nin loo daalacaan ahay’e
Hayeshee damiin baan ka bixin shaygii daaqil’e
Dacwad gaban ah baan oranayaa oo danteyda ah
Waxaan ula dan leayahay Hartiga dagay bilaadkaan
Waa iga dardaarane bal aan idin darensiiyo

Nimanyahow dil iyo gawrac waa digasho waayeele
Cagta laga durbaan tumay sidii geel la didinaayo
Dhaarta iyo dagaalka iyo indhaha diirka laga qaaday
Usha dabada godan oo jifada hoose laga duubay
Oo la’ila dul yimid aniga oo duuban gogoshayda
Oo hadan ceeb aan dalbad daahir noqon wayday
Oo diifta mantaa ragoow la ila soo doontay

Dalba nimaan aqoon baan ahaa oo dan gabsi’ ah
Dulmi nin aan ku maagay iyo majirin dood nimaan iri
Nin aan dil iyo dhiig iyo ka qabay duunyo ma’ogeen
Turkaanada Illaah doorshay oo duurka guraneeysa
Oo diinta laga saaray oo sida dugaagii ah!!!
Hadeer maad dishaan wayadeey idin darbeyeene’
Dilkeedu waa xaq oo waa kufaar dooro wayne ah
Ninkii garabkii deeqaa nafluhu dan uga leexdaay’e
Waxa dagaalku igu gaaray waa doorka aan ahay’e

Nin la dilay walaalkii danbuu aar kadoon yahay’e
Duug iyo sabeen baa maslaxo lagaga donaay’e
Diyo iyo qasaas baa midkood lagu damiintaay’e
Daarood waxuu xerkii yahay daalac baa udhigan’e
Ninkaan dani ku qaban ceeb inuu daysto laga waaye
Nin la dilay asaan laga dul tagin digasho weeyaane
Hadaan dunida cawaa la rogin lagu dul qooqaayo
Dam hadeysan oran wiilashii Diini iyo Faarax

Oo Ciise dareen xumi ku dhicin iyo Maxamed Daa’uud
Darsihii gaal Shiredle iyo hadaan Sadeba duugoobin
Asaan aniga dood iyo dagaal nin i darbayneynin
In aan duudsi galin baan maleen damac ilaheey’e
Nina aanadii kama damana Dir iyo Daarood’e
Dulmi qaadan mayee fir ceeb diidan baan ahay’e
Ninkii aniga iga dooranoow hay dakanadayda

Nabsi waa dabreyaa rabina waa xaq daahira’e
Dalkuna waa isku yaalaa lugana waa dawaafaan’e
Daris iyo abti iyo seedinimo waa isu daganaay’e
Daarood dagaal iyo xarago waa isku deeqaay’e
Hadaad adinku door noo bideen dil iyo geraarkii
Nin waliba ha’doogsado markeey deeqdo gacantiisu

Idishe ee Hartoow waran ka siib yaa inoo dan ah
Nin kuma daa’imo libin rag waa isaga danbeeyaa
Igu digta maantaa qalbigu diir idiin yahay’e
Dadkana magac yaa wada maray waan kal daafe
Majeerteen dubaha ilama helin iyo dirirta ceebeed’e
Wax idilay oo iduudsiyey waa duul Shirshoora ah!!

Dabin aad arkeen maalin waa kula dawafaa
Duflaalna waa laga helaa dawr ninkii badan’e
Dal intaad baran baad sidii doqon habawdaa
Hadaan duug la’ii qodin intaan joogo dariskiina
Dayax in aan ahaa iyo in aan dan u hababayay
Dabkii aan shidaa baa la garan dawladaan ahaye

Dumar la isa siiyo iyo tolnimo duuf ineey noqotay
Darayo iyo in eey xidnimo dadab u aafowday
Daris iyo wallaalnimo ineey galcaldeen duushay
Magantii la dilo in aan hadhoow loo damqaneynin
Dab in aan lakala qaadaneynin dunida guudkeeda

Bal dareema waa taan Hartiyoow daawada lahayn’e
Ee dacwadaan marag la heen baa nin xuni xan u diqeyaay’e
Daarood kaleeto iyo isaaq duulka wada jooga
Dalka nimanka yaaloow buruuf doora ka ahaada!
!!

Kaydintii: Murtiyosuugaan

Tixraac: Omar Mohamud Hirsi

Raadraacii & Tafatirkii: Cumar Ismaaciil Digeed

By

"Abwaan Digeed waa Curiye Suugaaneed oo shaqadiisa ku saleeyay waayo-aragnimo qoto dheer oo uu u leeyahay Afka iyo Dhaqanka Soomaaliyeed. Waa Haystaha Shahaadada Labaad ee Jaamacadda (Master's Degree), taasoo u sahashay inuu suugaanta u dhex galo cilmi iyo falanqayn sare. Gabayadiisa waxaa lagu yaqaannaa xigmad, falsafad, iyo qaab-dhismeed aan caadi ahayn, taasoo ka dhigaysa mid ka mid ah abwaanada ugu tayada sarreeya ee isku daray dhaqan iyo aqoon casri ah."

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

error: Halkan kaga boggo