BAAL-BAAL
1848 kii Ayaa waxaa Beesha Majeerteen dhaceen Fardo Sunaariya oo tiradoodu ahayd 1200 neef oo ay lahaayeen sadex da bahood “Bah majeerteen, Bah Idoor, iyo Bah Ogayslabe” ee Warsangeli. Fardahan ayaa daaqayay waqtigii la dhacay waadiga Cawsane, Ka dib markii laga war helay in fardaha la dhacay ayaa ergo loo diray beesha Majeerteen si fardaha ay usoo ceshaan, ergadan ayaa dhamayd 24 nin oo uu ku jiray Abwaan Cabdi Faahiye Ahmed oo ku magac dheeraa Cabdi Faadh- Faadh Iyo Baxwal Maxamuud Cali, ergadan ayaa ku maqnayd Beesha Majeerteen muda ah 2 bilood kana soo laabtay iyagoo faro maran loona diiday in loo soo cesho Fardahaas.
Markii Ergadaasi ka soo laabatay beesha Majeerteen fardihiina la arkay inayan soo celinayn ayaa ciidan loo diray Xoog ku soo qaada, waxaana fardahaas Sunaariga ah ka dhacay deegaankii lagu hayay markii ciidanku gaaray dagaalkii Doorlaaye oo dib loogu soo ceshay fardahaas dhul daaqsimeedkoodi iyo beelihi lahaa.
Waxaa gabaygan soo socda tiriyay Abwaan Cabdi Faadh Faadh isagoo la hadlaaya ciidankaas u baxayay si ay fardahaa usoo ceshaan, wuxuuna ugu magac daray Baal baal.
Anna kuma bakhayloo tixdii waw bandhigayaay
Ba’dheh oo ma soo bawsado-e kuu Allay baray dheh
Baadh-baadhi maayo-e sidii baraha roobaad dheh
Butaacada hadii gabay gabay kalegalo baarka ka hillaacye
Badho iyo candhoolaa ba’shoon budul ka saarayne
Anse waw bal-daayeye dhul baa wax i barraahaane
Bilaash iyo dheh iiga fudud il iyo baalkeede
Bishmahaygu kay dihan jireen baahi dabadeed dheh
Midkaan idin ku beer-qaadayiyo beder horraantiis dheh
Billaawe iyo seef labo afliyo gabayga baal-baal dheh
Idoorka bogoxaa berrimey iyo bab-daayeerka
Ee badaha huurkooda iyo guban ku baayaalay
Iyaguba bankiyo waa rabeen bogiyo xay-waale
Xasammaley sidii loo balqaxay baarran naga daaye
Uma-boola-xooftayn karaan Baadi guur dagane
Bista kama didshaan xabawarkiyo muudal baal degeye
Baadidana way soo ceshaan oo bahal ma siiyaane
kabo-lagu-rar saan ugu bah-diley waa babbanayaane
Waxaan buurta oodda ugu rogay balowda hoohaare
Caynaba-Dhulbahantaha jiriyo bookh ilaa dhaxammo
Ee baasha hawd iyo Nugaal aayar lagu beeray
Iyagaa basaas jaan u qaba faras bidhiidhyoone
Marna buca-buciyo noo dhextahay bixiso duulaane
Bar-barkooda waa eegayoo ima banaanayne
Haday nagu balaarshaan dorraad kama bil kaadneene
Bisin lama sugneen oo ergood kuma bashiishteene
Baashaan subaxeed waxaan ahayn beelo nabadeede
Marna kama bishaarayn colkay nagu bilaabeene
Basarkiisa ruuxaad taqaan waad ka badisaaye
Bidix iyo gudeed wuxu yaqaan waad u bixisaaye
Hallkuu ka ballaynaayo baad baylah tirataaye
Hayeeshee ninaad badow ka tahay boobto kugu legedye
Anigana talaan ii bir-solin mar igu beegnayde
Horta inaan bartaa bay ahayd duulka reer bari e
Bahal waxad ka gaashaamataa soo banaaxiye e
Kanse kuu il-balac-laynayoo aamusaa ba’ane
Horta inaan bartaa bay ahayd duulka reer bari e
Baraarkiyo hadii uu yiqiin beerka maqashaada
Baqalyoow-babboohaad tidhaa beelyo kula tiile
Horta inaan bartaa bay ahayd duulka reer bari e
Hadii nabarka loo baaciyoon lagula soo boodin
Budhka kuma gagabo awr-wayuud boodyo roorsadaye
Horta inaan bartaa bay ahayd duulka reer bari e
Billis baa shalay lagu bartiyo baayakhii nugul e
Ayagaa barriiqada hibtoo ciilka biirsada e
Anna waa bilaashkay inaan barako moodaaye
Inkastaanay biidna u tarayn galabta boogtayda
Barkan maayo xaalkii jiroo waa bitinayaaye
Beerraqa xigaalay hodoon baal u leeyahaye
Baraarugaha duulkaan u qoray belo-xijaabkooda
Marna aan bulaashoo jeclaa baashenimadooda
Inay biraha ii tumanayaan beerka kuma hayne
Burka waan ka dey-deyi lahaa bahal horraantiiye
Bahnimiyo sokeeyiyo tolnimo haatan baalideye
Ballan iyo wixii xeer ahaa waa bar-kuma yaale
Bihin-biha nafluhu waa intuu baahi kuu qabo e
Maantaad dantiisa u bogtuu beyni-baxayaaye
Ku waan bixinay oo barinayoo bu ayey hiilkooda
Marna dhawrta baashaan ahaa oodda kaga beegan
Inay biraha ii tumanayeen beerka kuma hayne
Burka waan ka dey deyi lahaa bahal horaantiiye
Maanteey is buurtaan kuwaan kala bogsiinaayey
Kuwaan cali markeey bururiyeen aan bakhti afuufay
Marna baydadkoodii ugaadhn ururshey oo baantay
Oon kabayey buqontuu is jaro oo is bagacsiiyo
Inay biraha ii tumanayaan beerka kuma hayne
Burka waan ka dey deyi llahaa bahal horaantiiye
Kuwii aan badhookhdii hablood baro u geeynaayey
Biyo-yadhada jiilaal kuwaan maaxda uga baydhay
Marna baadi guur iyo sadcaal baahi ka ilaashey
Burcadkiyo kuwaan dheefin jirey sixin butaacaysa
Baaraho gadaan weeyn kuwaan xuuka uga buuxshey
Qumbayaal baruuriyo kuwaan badhi u miideeyey
Kuwii aan baskii geela iyo balaxa siinaayey
Inay biraha ii tumanayaan beerka ku ma hayne
Burka waan ka dey-deyi lahaa bahal horaantiiye
Kuwaan barar haday ii sintaan baray inaan siiyo
Iyagana dubaaqooyin badan aan ka beden waayey
Marna biri-ma-geydeeyey oo baal cad kala laabtay
Oon baar-qabkii xiirey oo baxay ku moogaaday
Oon bawkax goortuu makalay bile u nooleeyey
Oon boqolka reer waalli iri baylcun ku illaawa
Oon buro agoontuu ka tagay halo ku been-beenshey
Inay Biraha ii tumanayaan beerka kuma hayne
Burka waxaan ka dey-deyi lahaa bahal horaantiiye
Beden iyo calool xaadhan iyo beerraq-gacaltooyo
Bariidiyo dhoweeysiimo iyo boholyo dheeraada
Dadku baari kuuma noqiyo bog iyo ruuxaaye
Isagoo baadhaadh ku gu qabuu kuu bud qodayaaye
Aniguna abaalkaan badshoo bidanayoo taartay
Basaan basin buu ii noqdiyo wax I bal baalyayne
Ku wii aan bar ay igu muteen toogo kaga baaqan
Inay biraha ii tumanayaan beerka kuma hayne
Burka waan ka dey-deyi lahaa bahal horaantiiye
Bushise haw faleen ama xumaan ha u badheedheene
Bahayn tiyo nabaadiinadaan beeray hudhiwaayey
Goorteey wanaagii bacreen bagac ka siin waayey
Budh-la-duulladii weyraxoo burursanaa joojey
Bilaawaha bilaawaha udaa badhaq nuglaan moodey
Inay kugu bax oo kaabaxtahay baadilka usheegay
Midkastaaba guusha ha bursado labada beelloode
Burqashada colaadiyo fidmada bela madoow moodey
Dabadeed xalkaan baala galay balag u laad laadshey
Waxna igaga beegnayd ergoo waajibkaa boganey
Boqoshoon gu’ sooriyo ilaa bane u gaadiidey
Bidaar iyo cirroba keey ku tiil baaqa kula eebtay
Bey-beeysi labadaan arkaba beegay damacayga
Markii lay ged bixi waayey oo xaajo igu baahdey
Boqorkii jiroow mudanahay baafi ku hawoodey
Bug taa dhigatay bayla iyo xeeb damaca beenaystay
Bidhaantiisa berigii allaba bidix u jeedaashey
Bestiis weeye goortaan hubsaday beden madoobaadey
Barya Eebahay ugu gurmadey oo bogsi u tuugay
Burdihiyo ikhlaaska u akhriyey leeylka badhihiisa
Balse birirxdii loo dib dhigay dani u meelbeeshay
Baxsi guriyaduu celin ogaa bahlahdood noqotay
Markii maan bariyo maan bilaal xaal ka bixi waayey
Beri waxa imaan iyo hadhoow talo ka baayaashay
Anse boodo iyo baydad iyo bayr iska ilaashey
Baahida u garab dhiibiyoo ayda ugu baadey
Bisayl iyo gun gaadh aawadiis waano dheer badiyey
Beri iyo baxnaanaa u dhiman bil bil ii dhiibtey
Biciriiro iisoo dhishoo la ag bayuugnaaday
Bud-dhigeenku waa shirahaan baafis ku ogaadey
Bidhaan saday badhkii daahay oo dhir isku sii beegay
Intii anay xaalkooda bogan baasha kaga yeedhay
Bilawgii bal joog iyo buh iyo bus u garab dhiibshey
Anoo boobay kaan ula bukiyo baanahay tebiyey
Baabacada soo hoos dhigtoo boowayaalaystey
Intaan badhi aqoon noo ceshiyo booshina u gaadhey
Baxwal saas hayeeliyo Ergooy bin qasha u joogey
Bisin kee biyuu soo kabaday oo boga u laashay
Hayeeshee wixii aan baryiyo waxan u boodh xaadho
Iyagoon wax igu beegi hayn baabah kala weeshay
Boqshadii nabsiga aan ku sidey bari kusoo reebay
Barqa dheer markeey iga furteen bogox u soo jeestey
Boqolaha jidaashiyo cidlada baase oday moodey
.Badey iyo dhashii culima baar Eebe noo bixiyey
Boocda iyo cawsane dhacii nalaku boobteeyey
Baaran deg dheer iyo markaan baanji ugu guuley
Labadii bah goo tashigu iiga bixi waayey
Anoo biligu tuu igu jidhey waa tol uga baydhay
Goortaa dhegtaydii ba shoo aan barya ergoodey
Marhadii inaan biiqay iyo bolol la qaatay
Buro waxan u daayiyo waxaan beri ka yeel maagay
Boocii cadaa buu ka maray kaan u baan falaye
Bariiqada xigaalakaa habeen waa la bariyaaye
Beri iyo waxaa lagu simaa guurti baanjida e
Markaasaad ninkii kaa gar baxa kala bogsootaane
Isbad beedi ruuxii kibroo qooq la baaracaye
Ana baaji mooyee waqay belo ma aabayne
Hayeeshee buldiga aan buldiyey bari wixii yaaley
Marna baaray uurkooda iyo waxa kasoobuuran
Inaan begin colaadeed ridoo dan ugu boosaaso
Iyo buuka buukooy wareen wawga badin waayey
Wedka kama ban baan somo nimeey sharadi buuxdaaye
Bixisada haddiisa ah, waxbaa lagaga beegaaye
Awel baa badraanima kibir banyaallaaye
Malaha inaan birta u looshadoo bursho mooyaane
Baxanaaniyo ladqabo waa waxaan bar ugu oolaayne
Birmad raacdo baasaale guluf baarax helisteeda
Beegsiga wareemaha nimaad aano bidanayso
Bala-lowda tebinteeda iyo qayladiyo baaqa
Baxaan-baxa sadcaal oofsashada booqashiyo xaajo
Bulashada aroos iyo xushtiyo beela tamshleeyenta
Bili iyo buruud xoojintiyo beer u weheel yeelka
Iyo bara kaleetoo fardaha loogu wada baahdo
Oon anigu boosa u ahaa way balwanayaane
Baadida ku raagteey xalaal badawdu moodaaye
Waxba iga bulo ruux nafloo kaaya lays badaye
Nina kama badsado uumiyaha baahi noo dhex ahe
Intuu nabada beeraan in le,eg samaha baantaaye
Beladana in tuu ka xamilaan dhib u ba beeyaaye
Boqol iyo kun suunaariyoo gaada-balaxoobey
Oo aan bidaal loogu dhicin meero igu baaddey
Sadexdii baroo Eebbahay waa in loo bi’i-idheh
Bacaraar cad iyo qoobyartii sahalka loo boobay
Ee baqalka loo fuulay oo budulka loo jiidey
Ee seesinkoodi bus iyo boodhka la cabsiiyey
Marna baafin toodii ergiyo boowe lagu diidey
Bilaash kuma hantiyin odayadii soo ban- baansadaye
Bureeqaa dhashay oo waa dirkii baalasha lahaaye
Ma laa iigta beder soo degtaa keentay berigiiye
Bidhaantooda goortay arkeen bilina loo saaray
Badda iyo waxay uga gudbeen suun bahgooya ahe
Boqolaal awoowaa ku go’ay oo bilaahaya-e
Baac-baacinteey qabanayeen eersey badan koode
Beertooda waxa loogu tegey buurta jemel qaafe
Berigeena waxay soo tubeen qoor badh kood lumaye
Barkhad iyo labaad weeye iyo sheey burhaan adag-e
Buruud-shiile uunkii dhammaan baaqigii helaye
Dabadeed na boob iyo dhac iyo bahalba loo diidye
Bixin iyo warkeeda iska daa baadi iyo xaale
Biya booli loogama kaxayn beed calool ahe
Mana soo baxnaan sheen hadeey ba -an filaayaane
Billaa lay ga maray saalax garow baqal yihiisiiye
Cali shire haduu burin lahaa daadah duu barane
Bel bel iyo ma wado baale iyo xamarkii boodaane
Boosaas na qoor looga diid baydu weeyn tahaye
Idin koo buruud kaa leh iyo baaxaada cudduda
Marna bederka duulaanku yahay buura wax ku raacay
Hadaan buuxe loo keeni hayn baacid iyo dhiidh
Ordoo booda geen yooyikii beedal baa dileye
Haday bahala dilayaal jireen shalay to aan baajey
Maantana bulshaaloow fasaxay inan ba,naaneedde
Bidha horiyo oogta u hinqada beesha darafkeeda
Fuleygii berdedi oo ciyoon baqi hadhow reeba
Burqo iyo baqdhoos liid ah oo baadi noqon reeba
Baal gab wadaadoobey oo dhawris badan reeba
Oday baydhisoo gaabshey iyo wiil baxsi ahreeba
Madi hooyo dab booyi iyo inan biyood reeba
Bili caws arooskii ku jira iyo bukaan reeba
Bawd iyo agoon aan lahayn booldhay hadha reeba
Inta xaaja loo beeg sadiyo baashe talo reeba
Bariisada arooryaad colkii bixiya liibaanta
Goortaa fagaaga u baxdaan bidix u dooyaysta
Wax-bogliyo wax baabacoba lihi yaanay idin baajin
Fardihii bal gikiga loola tegey bag ku soo xooga
Haddey idinka baydhaan arkoo baal kasoo mariya
Haddiise ay balada ku xarbiyaan mur u baq beeneeya
Sida bahalka aarka u cartoo baa busha istaaja
Biixiyaha aad kiin mutoo boodh isku caseeya
Biciid iyo intii diir ah iyo goodir baabi iyo
Intaad baalal wada yeelataan buuba sida haadka
Ayax badan bilaashkiis tusoo sida tuke u booba
Burhaan tii rasuulkiyo huwada barakadii diinta
Xaqu baaqan maayee sidii beder ku aynshaada
Barqa dheer markaad libin heshaan baal cad wada qaata
Oo aan bilkhayreey dhehee igu bishaareeya
FURE:-
Baxwal baxwal garaad maxmuud
Bin saalax: bin Saalx garaw oday beeleedkii (Nabadoon) Bah-idoor talada ugooyn jirey Cali shire saalax garaw oo wakhtigaas raad dhaqaajis ahaa.
Bel bel, Baalle, Boodaan & Buuxe: magacyo singood kii qoodha ahaa
Ee ladhacay
Boosaas, baacis iyo dhiidhi : geen yoonikii dhaca ka baxsaday
Kaydintii: Murtiyosuugaan
Tixraac: Cali Shireh
Raadraacii: Cumar Ismaaciil Digeed