Gabaygii: Hindise
Haddii galinka maantii geed, hadh weyn aragto.
Hindisuhuna uu kaaga go, haantan yara seexo.
Oo qodax habaas iyo kud kude, lagugu hawsiiyo.
Sow inaad habaartoo maryaha, ka hurguftaa maaha.
Hogaankaan wacnayn awurta, waa laga hor turaaye.
Waa tay dad iga hoosiyeen, helaygii maantiiye.
Hooyadii dhalaankiyo intii, heelka wada taalay.
Ee uu halyeeygii ka goโay, hanadkii ay dhawrtay.
Hantiyo addunkii intay, gacan ku sii haysay.
Wiil hubin karaayay rabtiyo, kii hor joog wacan.
Waraabihii hilbaha lagu raray, ee hoos u sii qaaday.
Ee aan hanbayn baa u daran, hoog allaa badaye.
Maantanna hilaac baa u bixin, iyo hogol kaliileed.
Hubsadaay dad yahoow yaydan marin, meel habaas badane..
Kaydintii: Murtiyosuugaan
Raacdayntii & Tafatirkii: Cumar Ismaaciil Digeed