Gabay: Xaajadaa
Markii uu Qamaan Bulxan go’aanka ku gaadhay inuu duulaan afkiisa laga habaabay ku kiciyo nimankii afadiisii, Barni Sheekh Cabdille, dhacay uuna u hub uruursanayey in marka roobku da’o reeruhuna isu soo noqdaan ee Banka Qoraxey laysugu yimaado uu rag iyo ciidanba inta uu dumo uu dagaal haweenaydiisii ku raadgoobo ayuu tixdan aan intan hoose ka hayno tiriyey: Wuxuu yidhi:-
Dadka maatada u kala tagtaan muran ka oognayne
Haddii haatan lays kala maljaday murug aduunkiiye
Muslinow bal maqal xaajadaa laysku malaq siiyey!
Ninba tuu miliilico haween maraq la weeyaane
Waa midig kataal dumar ninkii moodi tuu qabaye
Muslinow bal maqal xaajadaa laysku malaq siiyey!
Anoon marintideedii dayicin meel fogna aan joogin
Oo shalay minkeedii tagay oo gaadhi kara maanta
Muslinow bal maqal xaajadaa laysku malaq siiyey!
Iyadoo mandheeri cad qabta oo socod mushaaxaysa
Oo aanan maqnayn oon fadhiyo maqasha foofkeeda
Muslinow bal maqal xaajadaa laysku malaq siiyey!
Maadhiinka buuxa iyo intay midigtu laabmayso
Rabbi bow markhaati ah inay meer la dhici naagtu.
Kaydintii: Muriyosuugaan
Raacdayntii & Tafatirkii: Cumar Ismaaciil Digeed