Gabay:Masaare


Masaare abwaanku wuxuu ka tiriyey dagaal dhexmaray Habar Yoonis iyo Abraahiin. Loolan soo jireen ah ayaa labadan qoys ka dhaxeeyey hase yeeshe sababta gabaygani waxay ahayd dagaal ay Habar Yoonis soo qaaday maalin Ciid ahayd oo ku aadan billowgii sideetamaadkii.
Waxay Habar Yoonis beegsatay xilliggii salaada Ciida lagu jiray oo ay is yidhaahdeen markaa iyada ah ayuu raggu tukanayaa salabkuna uusan u midigaysnayn ee gaada. Xaalkuse sidaa ma noqon oo inkasta oo ragga badankiisu tukunayey haddana weerarkii bogga ayuu Abraahiin u dhigay Habar Yoonisna aad ayey u baqa-eryeen. Cabdi Saahid isagoo ku faanaya guushaa fariinna u diraya Ogaadeenka kale ayuu yidhi

Ogaadeen mabdaโ€™a uu watiyo, muranka Iidoorka
Ismaan dhaafka iyo qayladanu, maanta ma ahayne
Ilaa maytideenii horuu, murugsanaa xaalku

Muslinka oo israaciyo haddii, codowga la is maago
Murtadkiyo ninkii macatab leh, bay midigta siiyaane
Maslaxada Islaamkiyo sharciga, ma ogolaadaane

Munaafiqiintii Habar Yoonis, ee Maxamed caayeysay(scw)
Masaare iyo dagaal nagu dhexmaray, Ararsan meesheeda
Oo maalintii ciida dhacay, maqalyey Daarood e

Ogaadeenku waa mowd, haday niman ismaagaane
Mahadayda aakeyga iyo, maarihii sebenka
Majiiraha dagaalka halkaan, marinay Guutaale
Muusanaabe Iidoor siddii, muxubo naageed e

Madheedhkii ay ku xaareen waxaan, maydhi karin roob e
Meel uu libaax taagan yahay, weer ma soo maro e
Allay lehe tolkay maalintaa, magac san ii reebye

Meeshanse maydka badan yaalo, iyo madaxdii Caynaanshe
Ma qarsoona nimankii la dhigay, labadii maygaage
Minjaxaabadii Reer Wacays, foolashaa maqane

Iyaga iyo haweenkaa isku mid ah, muranka Reer Weyd e
Reer Maxamed Ciisana Dannood, kama midhaystaane
Cumarkii idaha maali jiray, meella qaban waaye

Madaxdii Reer Amaan iyo Gunbuur, ma hindisoodaane
Iidoor majiiraha dagaal, ma hungureeyaane
Iyagoo mataanihii tagay iyo, Allabla meesheeda
Oo madaxa shaydaanka iyo, muruqyo daanyeer leh
Mar labaadna Habar Yooniseey, waa inoo Moholin e

Farriina Muxumed Gaas iyo ugee, Magan Warfaa oo dhan
Cabdillaha makala maaranee, mariya sowdkayga
Makaahiilku meeshuu fadhiyo, kama majiirmaan dheh

Guushii Masaare bay dalkii, magac ku joogaane
Waxaa mooga lugu foofiyaa, maalintii Sabuye
Kor jooguhu wuxuu soo maraa, miirtii Ceel Baxaye

Mandharaari weyne baa tolkiin, maanka ku hayaaye
Hadaadse maydalkii iibiseen, iyo faraska Maan Deeq ah
Oo aad maslaxo kala hesheen, waa midaan rabaye e

Marsin iyo dhulkaan maamulnay een, wada magaalaynay
Baraagtaan malyuun siinay iyo, lacag la miisaamay
Dhaba Rooble kama maaranee, mar uun ku haasaawa
Tusmadiinii way madhan tahee, rag iyo maal keena
Warhooy meesha naga owda, yaan tuugtu soo marine
.

Kaydintii: Muriyosuugaan

Raacdayntii & Tafatirkii: Cumar Ismaaciil Digeed

By

"Abwaan Digeed waa Curiye Suugaaneed oo shaqadiisa ku saleeyay waayo-aragnimo qoto dheer oo uu u leeyahay Afka iyo Dhaqanka Soomaaliyeed. Waa Haystaha Shahaadada Labaad ee Jaamacadda (Master's Degree), taasoo u sahashay inuu suugaanta u dhex galo cilmi iyo falanqayn sare. Gabayadiisa waxaa lagu yaqaannaa xigmad, falsafad, iyo qaab-dhismeed aan caadi ahayn, taasoo ka dhigaysa mid ka mid ah abwaanada ugu tayada sarreeya ee isku daray dhaqan iyo aqoon casri ah."

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

error: Halkan kaga boggo