Gabaygii: Ardo


Abwaan Cabi Saahid oo hada gabay qiimo leh ka tiriyey Nolosha iyo waayaha Aduunka is badalaya iyo sida marba xaajiyin cusuu soo baxayaan waxuu yidhi.

Ustaad Maxamed iyo Weerar iyo, Aarkii Gabay Howle
Arnaa’uudkii Maxamed Cali iyo, inankii Maax Dheere
Akhyaartii Buraale iyo Qamaan, Aadan iyo Faarax
Ina Oday adeerkeen Cali iyo, erayaddii Raage
Xarbigii siddii illo biyo leh, uunka wada gaadhay
Anigoon awoodii lahayn, odayga Dhoodaan ah
Waa laygu aamini karaa erayadaydiiye
Nina haduu abwaan yahay wixii, lagu ogaa sheegye

Uumigiyo kulaylkiyo dadkii, oonka yaa galiyey?
Waatii ugbaad loo waday ee, yaa abaar mariyey?
Waatii iftiin lagu socdiyo, aragti maalmeed e
Aminkaa madow iyo maxaa ayda nagu reebay?
Yaa beenta aaminay runtana, aad isugu taagay?
Yaa abaydinkii seexiyey oo, igadhkii fiid maalay?
Ninkase ugubka geel oo ka maqan, adhiga raad qaaday
Ee ololka eyraadna yidhi, waa orgiga laaqin
Isagaaba eersiga watiyo, eel hadduu jirro e
Arinna ma aha Nabi Adaam baa, Oogle loo bixin e

Ogaadeenya maxaa loo inkiray, sow arlada ma aha?
Laa Ilaaha Ila laahu waa, erayga koobaad e
Iimaanka diintiyo sharciga, yaa amaah galiyey?
Yaa-ayuha-ladiina aamanuu, amarkii loo jeeday
Aayaddii qur’aankiyo Al-kahfi, yaa iskaga leexday?
Annisadaan aqaanay iyo maxaa, eraygii beeneeyay?
Yaasiinkii lama ilaawinee maxaa, sadarkii loo aasay?
Al-boqra iyo Idaajaa sideen, looba kala eegin?
Iqrana aakhir weeye maxaa, Awalka u geeyay?
Aanaanuun maxaa Alif-waxmaleh, looga hoos mariyey?
Afar sano iyo dheeraad ardadii, looxa dhiganaysay
Abjad dhaafi waydaye maxaa, ubadka loo laayey?

Urugadan i haysaayi waa, uur ku taalada e
Waxaanu geelu ololaa markii, oonku soo karo e
Owrkii cayilay iyo siddii, adhiga oo naaxay
Iib baaba lagu sii wadaa, wali Ogaadeen e
Inagaa is eednay ee cid kale ha u aftaagine ee

Wali aananuun baa hadhay iyo uur walaal guba e
Ma og tahay islaantii xun iyo, odayga aan dhaamin
Marka reerka adhigiisu lumo, amase awr fooftay
Intuu habarta aad ula murmo, oos eed dusha u saaro
Awowgeed intuu olol gasho, oos naarta ku afuufo
Ka aamusnaatee dagaal, loo indha cadeeye
Illamaa aroortuba gasho, oo waagu ka iftiimo
Aflagaadadeeda yaa khalqigu, ka ashahaataaye
Aagaynu joogniyo arladu waa u eg tahay saase
Waana sidan Absame haysata, ee yahay Ogaadeen e
Inagaa is eednaye cid kale, ha u aftaagin e

Walise Annanuun baa hadhay iyo, uur walaal gubba e
Gabadh ugub ah oon iin lahayn, oo aqoon sarre leh
Oo aabaheed fiican yahay, ama ayey hooyo
Hadday ina Ugaas tahay dadkuna, kala ayaan roon e
Afar iyo haday tobon jirto iyo, ina yar oo dayr ah
Iyadoo kugu ag noolayd haddii, aad u iman waydo
Uraago iyo haddii ay guursadaan, Oromo aan dhaamin
Uur ku taaladeeda baa indhaha, olol ka duulaa ye
Aagan aynu joogno iyo arladu, waa u eg tahay saase
Waana sidan Absame haysata ee yahay Ogaadeen e
Inagaa is eednaye cid kale ha u aftaagin e

Haddise aad indheer garad tahay iyo, oday la qiimeeyay
Afarta maal aduunyana hadday, adiga kaa foofto
Haday inamadaaduna sitaan, aarmi lagu faano
Arinta iyo hadday kaa xun tahay, Aadanoow taladu
Ayaantaad is haysaan rag waa, kaa il roon yahaye
Aagan aynu joogno iyo arladu waa u eg tahay saase
Waana sidan Absame haysata, ee yahay Ogaadeen e
Inagaa is eednaye cid kale, ha u aftaagin e
.

Kaydintii: Muriyosuugaan

Raacdayntii & Tafatirkii: Cumar Ismaaciil Digeed

By

"Abwaan Digeed waa Curiye Suugaaneed oo shaqadiisa ku saleeyay waayo-aragnimo qoto dheer oo uu u leeyahay Afka iyo Dhaqanka Soomaaliyeed. Waa Haystaha Shahaadada Labaad ee Jaamacadda (Master's Degree), taasoo u sahashay inuu suugaanta u dhex galo cilmi iyo falanqayn sare. Gabayadiisa waxaa lagu yaqaannaa xigmad, falsafad, iyo qaab-dhismeed aan caadi ahayn, taasoo ka dhigaysa mid ka mid ah abwaanada ugu tayada sarreeya ee isku daray dhaqan iyo aqoon casri ah."

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

error: Halkan kaga boggo