Gabay: Muusanoow


Waa gabaygii Muusanoow ee Cabdi saahid isagoo markaa la hadlaya reer tolkiis ayuu gabay u bidhaamiyey Abwaanku waxuu yidhi:-

Ogaadeen macaankiyo intii, dhiigii laga miirtay
Ma dhawayn mas’uulkiyo intay, madax la’aayeen e
Ma hurihii Qamaan iyo Xarbi baa, ciidda hoos maraye

Maxamud Cali iyo Raage, way midab qarsoomeen e
Haddaan Gilingil meel la isku dilay, faras majiiraynin
Gabalax ma yeeleen waddadan, la iska soo maro ee

Makhtal iyo haddii Kaahin Muran, xalayto ii muuqday
Marti kuma ahaadeen cakuye, maanta Dhagax Buur e
Dhoonya Cab nin maalkiisa dhacay, kuma ag maaleen e

Magan iyo Guraase oo ku nool, Muugo iyo Laago
Ninna ma hungureeyeen Qoraxeey, Muxumed Gaasoow e
Anna waxaan ka muusoon hayaa, tii Magaal Burro e

Mabda’ uu Xuseen Dalal wataan, maanka ku hayaaye
Cali Oday ma seexdeen haday, olosho Maandeeq e
Ciyaan meesha joogin ee Danood, cadow ma maageen e

Haddiise Muuse Cawl nool yihiyo, Nuur Ugaas Maganba
Mire iyo Hadduu Joofeey iyo, Cali Junuun muuqdo
Cabdhi Dhuux magli kama dhigeen, ciidan oo maqan e

Haddaan Fooleey mowd helin arladan, lama malaysteene
Muxumedkii Ina Suldaan iyo Raflaan, Doolo maamulin e
Daahir Nuur maroorsigan Wardheer, ma ogolaadeen e

Anna Muusanowgaygan iyo, meela qaban waaga
Awalbuu ragaygii madhaye, maba ilmeeyeen e
Macnahaa Makaytaa arkiyo, Macallin Dhoodaane

Waa gacan madow yahay ninkii, mayd u qayshada e
Masdilaagii baa soo hadhay iyo, naag la muran kiiye
Maararoowga igadaa Siyaadoow, tii Allay mudane
.

Kaydintii: Muriyosuugaan

Raacdayntii & Tafatirkii: Cumar Ismaaciil Digeed

By

"Abwaan Digeed waa Curiye Suugaaneed oo shaqadiisa ku saleeyay waayo-aragnimo qoto dheer oo uu u leeyahay Afka iyo Dhaqanka Soomaaliyeed. Waa Haystaha Shahaadada Labaad ee Jaamacadda (Master's Degree), taasoo u sahashay inuu suugaanta u dhex galo cilmi iyo falanqayn sare. Gabayadiisa waxaa lagu yaqaannaa xigmad, falsafad, iyo qaab-dhismeed aan caadi ahayn, taasoo ka dhigaysa mid ka mid ah abwaanada ugu tayada sarreeya ee isku daray dhaqan iyo aqoon casri ah."

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

error: Halkan kaga boggo