Gabay:Xabaalo

Gabaygan Abwaanku waxuu tiriyey 1981 isagoo abwaanku meelo badan taabanaya xikmad dheeri ahna ku jirto Waxuu yidhi:-

Haddii xaasid kula soo dago iyo, xeel ninkaa badiya
Xuduud lagu heshiiyiyo haddad, xeer la dhigan waydo
Maalin ay xaqiiqadu luntay oo ay, xagashu kaa daacday

Xanbaarada markuu kula helo ee uu, xabadka kaa fuulo
Is xaydxaydka iyo muranku, waa doqonta xaalkeed e
Ilaahii adduunka iyo xifdiyey dunidan xoogeeda
Ma xukumin adoomaha inaan ugu xumaanaaye

Laba xadhiga kala jiidata iyo xaasid bay heleye
Xaashaa Lilaahiye anaa, xaday naftaydiiye
Anna xaalka ii muuqda een xalayto soo jeeday
Nin weyn oo la xeela baan arkay, ooy niman xabaaleene

Xariifnimada badow loo qabta iyo, xadhigii loo qoolay
Xaataa hadduu garan hayana, kama xanaaqeene
Xanfafka iyo xanuunkii haddaan, Xaashiyoow aragnay

Ama aan xornimo doonayno oon calanka xiisaynay
Xaqiiqada xageedaba indhaha, kuma xagaysaane
Nin ku xoogay xeeshaa ka daran kana xanuun weyne
Xoolihii tasoobana tiraa, lagu xusuustaaye
Xawadaada lama iibsado iyo laba xiniiyood ee

Xamiidana xisaab jeer luntay bay, gogosha xaadhaaye
Xasanaadkii aan daadinaan, orod xaflaynaaye
Xaqiiqada fogaataan indhaha, Xamar ku taagnaaye

Ogaadeenya xeel kama baxdo iyo, laba xasuuqaase
Siddii xoolo yarad loo wado, oo xididna loo geeyay
Kolba xarun intay buuxiyaan, laga dul xaajooye

Inagoo xagii lagu socday iyo, xeesha garan waynay
Xafiisyadan Hargaysa iyo intaan, Xamar wareegayno
Wadan baan xoreeyay iyo anaa, xaadoow soo dhiciyey

Iyo Adari xoogbaan ku maray, hadal xumaanteeda
Ama xillo aan mehersanayn, reer la xididkiisa
Ama saacad aan xadhig lahayn, xidhasho doonkeeda

Ama xoolo aan reer lahayn, digo ka xaadhkooda
Xaydh xaydhi waa yaab xagaa, xoolo dhacar taane
Ogaadeen guryihii xays ku helay, hulo xumaantooda

Xayadaa madow iyo intaan, xodayga doog moodnay
Inaga oon xusuusnayn wadada, xaydashada oonka
Xumaan saaxiibkaagii waday iyo, Xaashi baa curiyey

Is xanaajinteenaan arkiyo, mala xumaanteena
Xabaaloobi maysaan intuu, xaalku saa yahay e
Iskana daa xornimo aan helno, oo laydhka loo xidho e
Arin xunneey nin xoog leh iyo, maxaad badow xambaaraysay

Kaydintii: Muriyosuugaan

Raacdayntii & Tafatirkii: Cumar Ismaaciil Digeed

By

"Abwaan Digeed waa Curiye Suugaaneed oo shaqadiisa ku saleeyay waayo-aragnimo qoto dheer oo uu u leeyahay Afka iyo Dhaqanka Soomaaliyeed. Waa Haystaha Shahaadada Labaad ee Jaamacadda (Master's Degree), taasoo u sahashay inuu suugaanta u dhex galo cilmi iyo falanqayn sare. Gabayadiisa waxaa lagu yaqaannaa xigmad, falsafad, iyo qaab-dhismeed aan caadi ahayn, taasoo ka dhigaysa mid ka mid ah abwaanada ugu tayada sarreeya ee isku daray dhaqan iyo aqoon casri ah."

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

error: Halkan kaga boggo