Gabay:Labo Guu


Gabay waxaa tiriyey Cabdi saahid Isagoo meelo badan taabanaya waxuu yidhi:-

Odaygii gablamay iyo duqii, geela badan haystay
Ee gaano oomiyo horwayn, ceelka soo galiyey
Gaankii Garlow Gube markii, Gooha lagu ooday
Garab waynta naaxdiyo markay, Gaydho soo oroday
Ee gaanho maale darkii, garatay ee reentay??
Ee uu wax garab taaganoo, geela shuba waayey
Isagaba Guhaadoow da iyo, oohintaa u gar ahe
Aniguna gadiisii intaan, gorodda laalaadshay
Gurxankayga Nuuroow ninkii, gacal ahaa toosye

Xidhaalada ninkii loo gartay iyo, geela inuu raaco
Ee gaadaha iyo aarka gudda, geeddan u ahaaday
Galabtii caraabaha wuxuu, gaado ka ilaashay
Gabadanada jiilaal wuxuu, geed isugu keenay
Maalintii gugeedii da’ay, ees guryaha geeyay
Ee geela odaygii lahaa yaraha guulguulay
Isna geesta uga leexday baan, galabta joogaaye
Aniguna gadiisii intaan, gorodda laalaadshay
Gurxankayga Nuuroow ninkii, gacal ahaa toosye

Gabadhii gayaankeeda iyo, Gaani la cayaarta
Ee gogosha kula seexata een, gacanta diidaynin
Ee garaca uurkeeda galay, gooni loo mariyey
Ee guriga ooy soo gashiyo, gogossha loo diiday
Ee geedka ciil ugu go’daan, galabta joogaaye
Aniguna gadeedii intaan, gorodda laalaadshay
Gurxankayga Nuuroow ninkii, gacal ahaa toosye

Waxba hadalku yuu ila gudbine, waxaan ku soo gaabshay
Anna goonida aan marahayiyo, guuraha iyo ciilka
Guuguulihii iyo intaan, galow la haasaaway
Garanuugta yaacdiyo waxaan, goodirka u raacay
Ileen maba gu’weyniye, ciradan madaxa gaashaysay
Waa nasiibkan iga gaagixiyo, gocosho owgeed e
Goboladii Ogaadeenya oon, talo ka meel gaadhin
Inagoon go’aanka iyo sharciga, meel isugu gaynin
Inagoon wadadii gali lahayd, garanin ceelkeena
Inagoon xaqeenii gudhnaa, gorof u aabaynin
Boqol ganacsanaysaa intay, sheeko soo galisay

Oo wiilal geeljira ah galbeed, tababar loo geeyay
Iyagoo gabriyo lagu badalay, gowlalo iyo jeerin
Oo gudimo oodeed si kale, daabka loo galiyey
Iyagoo hangool loo gatiyo, gaydin lagu riixo
Oo geerash lagu qaybsadiyo, goobo kala jaad ah
Iyagoo gudoonshaha sariyo, gaasas loo bixiyey
Ooy guuto taliye hayaan, badow gafuur weyn leh
Waa tay dagaal naga gu’ wayn, guuragaliyeene
Malyan baa ku go’ay goobta Herer, gacan toglayntiiye
Taariikhda iima galin wiilashii, haadka loo gagey e
Gooyihii Hawaas iyo kuwii, Goray ku naafoobay
Iyana waa u galgaladkaa kuway, midigta gooyeene
Goosankeenan soo hadhay na waa u, guuldaro iyo ceeb e

Iskuse gees ahaantiyo waxaa, garasho noo diiday
Garbaduub waxaa noo xidhay oo, noo gadbix waayey
Gudbantaa waxaa i galiyey iyo, leyla gobolayda
Gaandhada haday niman cabaan, libin ma gaadhaane
Garaadaha kuwii lagu khaldiyo, Aadan Gabiyoow ba
Intaanse towradii gadanay oon, geesaha qabanay
Waataan galley siisaneed, Xamar u gayseene
Geed ay ka guurtay shinidu, ooy awlalkii guratay
Galoolkay dorraad garab martay, doqontu gooysaaye
Anna gooxan aan yuururaa, waaba xero guule e

Waligayna waa ii gabidhac iyo, ii galgaladkaase
Waa ii gacanta oo la i hayiyo, gaar u sacabeeye
Waa ii aar i gaadiyo dawaco, taarka loo galo e
Waa ii suunkan igu giigsan iyo, golongolkaa oon e
Waa ii geedigaa foolxun iyo, lama daga u guur e

Gobonimooy hadaan kaa gabado, orodna kaa gaabsho
Gablanka iyo haddaan kaaga baqo, geeri laga yaabo
Guud ahaanna uurka iyo hadaanan, laabta kuu galinin
Siddi gaban yar oon dhalay haddaanan, gacanta kuu haynin
Xornimada guddootaay haddaanan, geedo kuu karinin
Gidigiiba qur’aankiyo haddaanan, diinta kugu goynin
Geela iyo haddaanan kugu khatimin, tobon jir awr gaadhay
Haddii aanan galbeedkaa badalin, laysla garan waayey

Gobolada Ogaadeen haddii aanan, gooni kuu odhanin
Haddii aanan go ii kaa dhiciyo, shaadhka kuu galinin
Gafka iyo xumaan taay haddaan, gacanta kaa laabto
Markiise uu rageedii gabay, ee kaalin gali waayey
Garteed weeye ciidani inay, gamashi ooydaaye
Intay goobtu saa tahay ee, niyadu ii galgalanayso
Labadaada goonyood aniga oon, dhacanta gaadhsiinin
Nasab kaygii baan gaday haddaan, geesna la heshiiyo
.

Kaydintii: Muriyosuugaan

Raacdayntii & Tafatirkii: Cumar Ismaaciil Digeed

By

"Abwaan Digeed waa Curiye Suugaaneed oo shaqadiisa ku saleeyay waayo-aragnimo qoto dheer oo uu u leeyahay Afka iyo Dhaqanka Soomaaliyeed. Waa Haystaha Shahaadada Labaad ee Jaamacadda (Master's Degree), taasoo u sahashay inuu suugaanta u dhex galo cilmi iyo falanqayn sare. Gabayadiisa waxaa lagu yaqaannaa xigmad, falsafad, iyo qaab-dhismeed aan caadi ahayn, taasoo ka dhigaysa mid ka mid ah abwaanada ugu tayada sarreeya ee isku daray dhaqan iyo aqoon casri ah."

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

error: Halkan kaga boggo