Gabaygii:Turki Baan u Shoolaye Cidkale Shuufay Hadalkooda

Gabaygan Waxaa Tirshay Abwaan Saciid Qamax mudo hada laga joogo 170 sano ka hor inta lagu qiyaasayo gabaygan waxaad tuducda ugu danbaysa ka hadlaysa Abwaanku in Qabaa’ilada Soomalida ay kala xarago qaateen oo uu waxba iskaga tirinayn oo U hanjabayo Dowladii Cusmaaniyiinta ee Turkiga Akhris Wanaagsan:-
.
Waxaan ahay shamsada soo baxdiyo, shaaca waaberiye.
Shafka reer maguuraan ahay oo, ugu shadiidaaye.
Gobanimadu waxay noo shaf tidhi shaaca dirireede.

Shay caan ah baan ahay sidii shaahar soo qaadee
Meeshaan bah ceeshla ula shiraa shiiley taladiiye.
Bah-gareen shilootay iyo kuwaan shuban tolkoodiiye.

Nuur-Dhegay shalaa laga shirabay shalaxlahiiiye.
Naftana wuxuu ku sheelsheeliya calo shalleelaaye.
Waa loo shuhuud  noobir inay shaxi ka jeexnayde.

Badda shaqafka inaan soo darsaday sheegyay aadmiguye.
Warsangeligu ceelkaan shaf idhi iga kala sheexye.

Iidoorku waa midaan shiddiyo iyo midaan shideeyaaye.
Shan hadaad ka dillo waa anigoo neef shidho u qalaye.
Turki baan u shoolaye ninkale shuufay hadalkiise
.

Kaydintii: Muriyosuugaan

Raacdayntii & Tafatirkii: Cumar Ismaaciil Digeed

By

"Abwaan Digeed waa Curiye Suugaaneed oo shaqadiisa ku saleeyay waayo-aragnimo qoto dheer oo uu u leeyahay Afka iyo Dhaqanka Soomaaliyeed. Waa Haystaha Shahaadada Labaad ee Jaamacadda (Master's Degree), taasoo u sahashay inuu suugaanta u dhex galo cilmi iyo falanqayn sare. Gabayadiisa waxaa lagu yaqaannaa xigmad, falsafad, iyo qaab-dhismeed aan caadi ahayn, taasoo ka dhigaysa mid ka mid ah abwaanada ugu tayada sarreeya ee isku daray dhaqan iyo aqoon casri ah."

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

error: Halkan kaga boggo