Gabaygii: Deyrtu
Samatar baxnaan oo reer Hagar ahaa ayaa, ujawaabay Yowle. Wuxuuna u sheegayaa in isaga aan gabayga Yowle ee uu ugu hiilinayo Habarjeclada oon gabyaa lahayn macno badan u samaynay mar hadii og yahay in Habaryoonis geyigii ay awelba maganta ku daaqayeen loo dacareeyey!” Maaxdii reer sahal uu og yahay Yowle meesha lagu laayey,oo hadda aanay laan ka jabsanay,Yowlena yahay nin gabay faan ah tiriyey, isagoo tusaya, inuusan waxba aheyn, waxaana uu uga digayey inuu deelqaafka iska ilaaliyo, Samatar Baxnaan waxuu yidhi:-
Mooradu ma fiicniyo nin maal,lagu majeertaaye
Anse macallin diin laan ahoo, dhigayan mawliide
Sida shiikh mufti ahoo cilmiga,madal ka sheegaaya
Bal aan mariyi maaweeladaan,maahirkeed ahaye
Nin hadduu malluugada yaqaan, mooradiyo faalka
Isagiyo Fircoon baysku mida, maalin aakhiro e
Adow maraga oo shaacir waa,inuu mushteegaaye
Inuu gabaygi kaa yare mergedo,laguma moodayn
Marka hore hadday laba qabiil,kala maqnaan weydo.
Miyir lagu walaaliyo hadday,maarsi kala weydo
Mindiyo laysku dooxiyo hadday,maradu dhiigoodo
Mirta iyo dharaartuba dagaal,kama maqnaadaane
Mutux waxaa ka xoog badan sirtii, laysku mowtiye e
Waxba Habar jeclada aan makalay,haw makaabbirine
Shan qolaa mataanaha ka jaban,Maxamedkiinniiye.
Madmadoobayaal oo dhan baan,loo muraad qumine
Waa muusanoow iyo baroor,maansadaad tidhiye
Maadhiinka nimankaan la dhacay, miida Habaryonis.
Magta geedquwaax lagu xukumay,waa rag kaa maqane
Ma mardaadi baa ka jiraan,muuqan mahayaane?
Mise waa kuwii lagu mudmuday,maqasha daaqeeda? .
Afrataa madkeeyeye miyaan,meelna ka habowshe
Madhoodhooyin iiguma baxee, marin ma qaadsiiye
Micne kalena waa eray yaroo, Maxamed loo sheegay.
Adoo macawis iyo shaal sitoo, muunadii boqor leh
Maajeenta ceelkii lahaa, amase maygaagle
Muusiyo Quddayr iyo jafkaad, nala mushaaxaysay
Aduun bays maqiiqaye dhulkaad magan ku daaqaysay
Maantaad cabbaysay biyuhu,magac lahaayeene
Imminkay mariid kula noqdeen,mur iyo deebaaqe.
Muslin meel xun laga qaatay waa,inuu mastuuraaye.
Madfac iyo rasaas bay noqdeen,mahadnaqaagiiye
Ma munaafaq baad tahay abaal,waa ku moog yahaye?
Afartaa madkeeyeye miyaan, meelna ka habowshe
Madhoodhooyin iiguma baxee, marin ma qaadsiiye
Micne kalena waa eray yaroo, Maxamed loo sheegay.
Makhribkii hadaan duulay,waa mid an ku dheerahaye
Muunida aroortiyo hadhkii,kuma macaashteene
Waa taan makaartii Goleed, kaa mullaaxsadaye
Maydkii Isaaq lagala hadhay,moodharaa guraye
Waa kii waraabuhu ku mamay, maaxdii reer sahale
Haddii deyrtu waa mudan hartiye,nala mihiibsiiyo.
Meeshaad taqaanneen haddii,mayeyga loo diido
Meermeerka Gubaddood haddii,lagu maqnaan waayo
Sida maylka geeddigu hadduu,mudh isa soo siiyo.
Manqax iyo haddii xiditinnimo, la isku muuneeyo
Hadday muusayaal nala dersaan,nagama maarmaane
Dad ninkii manaabo la’ haddii midigta loo dhiibo
Maqligaad afaysaa ku goyn, muruqa Yowloowe
Maatada xaggee reer cismaan, madaxa loo saari?
Mas baa kaga tufaye laaska yaa, mar uga soo dhaamin?.
Kaydintii: Murtiyosuugaan
Raacdayntii: Cumar Ismaaciil Digeed