Gabaygii: Ramadaan
Raadraaca maansada ma tiring, Mana risaalayne
Ma raacdaynin maansooyinkan, Raacigood ahaye
Raadkeeda wa taan ka hadhay, kumana raad joogin
Rafaadna iguma ay ahee, Raalibaan ahaye
Aan rakibo maantoo kalay, Raasamaal tahaye
Afartaa rogaal celinta iyo, Raarki mansada dheh
Erey aan ku raad goosaniyo, Raatib iyo faalo
Soo dhawanta ramadaanta iyo, Raaxo iyo guul dheh
Ridadii ismaacil miriyo, Raage iyo dhuux dheh
Risaalooyinki carab tirshiyo, Samatar reenkii dheh
Rigaynti qamaan kadiye iyo, Reyfaklii dage dheh
Raadraaca balaan sii wadoo, Rayskana aan dajo-e
Inkastoo risaqa aad ka tagi, Ood rabi u jeesanayso
Ooy maalintii reeban tahay, Rootidiyo quud la cunaaye
Ruqsad ruuxa haystaan ku jiraan, oo wax laga reebin
Haraad ruuga ku laaba oo jiilna kugu reeba
Wixi reeban wixi raaliya iyo wixi la raad gooyo
Hadii aad rafaad maalinimo, Raali ku ahaato
Oo jidkii rasuulkeen na faray, Aad saxda Ku raacdayso
Ramadaantu wa shay rasmiyo, Raaxo iyo doog ku ahee
Wa bil rasuulkii nafarayoo, khayrna laga raadshaaye
Rabdad midha rucub iyo nimcaa, Laga raseystaaye
Raysiyo barwaaqiyo farxad, Bay kuu rakibaysaye
Waxay kugu ridaysaa halkii, Raashidki maraye
Caafimaad rabaaniya bay, Ruuxdaada galisaaye
Riyadad jeclaydiyo janay, Raafka ku xidhaaye
Raali galinta eebaa ku xidhan, Lagana raadshaaye
Rafiiq waxay kaaga dhigtaa, Raaski nabigeeniiye
Ramadaantu shay bilahayoo, Rasamaal ku ah weeye
Rabiga weyn baan usoomayaayo, Raali ku ahaye
Quraankod rafiiqi la tahay baa, Raasamaalka ahe
Rumaygiyo salaadiyo digriga, Raasamaalka ahe
Rubi aad sadqaysataa ah, Raasamaalka ahe
Rooti aad miskiin siisid baa, Raasamaalka ahe
Raxmadiyo wanaagod fashaa, Raasamaalka ahe
Xurmo raaligalin waalid baa, Raasamaalka ahe
Runtoo lagu nagaada ah, Raasamaalka ahe
Hadalkii rabaayada ayaa, Raasamaalka ahe
Rixinkood xidhiidhisa, Raasamaalka ahe
Aan radeebo gabaygayga oo, Ruugana u xidho-e
Mar hadii ibliis raafan yahayo, Xabsi ku raagaayo
Ramadaanta oo idil isaga, Laydha laga reebaye
Inaad raacdo shaydaanka, Ood raali galin siiso
Rabdad naara bay kugu ridaa, Hadaad raali ku tahaye
Raxmaanow raxiimkayow, Adigaan raajic ku nahaye
Adigaan rukuucdiyo tasbiix, kuugu rogaynaaye
Rabow nagu sin ramadanta oo, khayrka nala raadi
Rabow nagusin ramadaanta oo, Raaxadeeda na haleeshiiye
Rabow nagusin ramadanta oo, Jano na raaci
Raxmanow sharkana naga xijaab, Raacinimadeeda
Kaydintii: Murtiyosuugaan
Raacdayntii: Cumar Ismaaciil Digeed