Maanadii:Qadaf

QOYS-DUMEY IYO QABUURAHA BAR-BAARTA.

Cabdillaahi Bootaan Xasan (Kur-Weyne), waa Hal-Abuure, leh suugaan aad u qaro weyn. Halkan waxaan ku qeexaynaa, maanso dheer oo mageceeda la yidhaahdo QOYS Dumey. Maansadani waxay markii hore ku soo baxday, buug uu abwaanku qoray, oo magiciisa la yidhaahdo QOYS-DUMEY IYO QABUURAHA BAR-BAARTA. Buuggaas oo sheekadiisu dheertahay, halkan kuma soo wada qaadan karno, balse maansada QOYS Dumey, ayeynu halkan ku xusaynaa. Waa maanso aad iyo aad u qiima badan, oo wacyi-gelin ah.

Haddaba Abwaan:- Cabdillaahi-Kurweyne, oo faahfaahin yar oo iftiimin ah ka bixinaya maansada QOYS Dumey wuxuu yidhi sidan:- Qoys-dumey waa odey aabbe ah, dhalayna afar carruur ah oo ka kooban saddex wiil iyo gabar. Kuwaasoo magacyadoodu kala yihiiN sidan:-.
1 – Qadaf
2 – Qalanjo
3 – Qorrax-ku-dhawr
4 – Qaflan-baaban.


Afartan carruurta ah, oo wada ilma Qoys Dumey ahi, waxay ku wada dhasheen Dhicis. Mid kastaa 7 bilood ayuu ku dhashay, wuxuuna mid kastaa caloosha hooyadii ka soo baxay, isagoo maansoonaya ama gabyaya. Islaantii hooyadood ahayd hadda uur bay leedahay oo dhawaan ayaa wax laga filayaa. Annagoo u rajeynayna inuu ilmahaasi noqdo mid dhammays ah – (aan dhicis ahayn), isla markaasna dib u dhisa qoyskii dumey, wax kheyr lehna ku hadla markuu dhasho.
Waxaa kale oo la-yaab leh, odayga reerka, ee la yidhaahdo Qoys-dumey, isagu ma gabyo, balse wuxuu ballan qaaday inuu tirin doono gabayga ugu danbeeya ee lagu soo gunaanadayo maansadan, taas oo uu tirin doono marka qoyskan dumey dib loo dhiso.

Haddaba:- inkastoo sheekada buugga aan halkan lagu soo koobi karin, hadda waxaan soo bandhigayaa maansada la magac baxday Qoys-dumey, oo aan is leeyahay dadku wey ku fahmi karaan sheekada buuggu xanbaarsan yahay, iyadoo Qabuuraha bar-baartana aan mar kale soo gudbin doono hadduu Alle idmo.



Maansada QOYS DUMEY oo ah fariin dhulkii uu soo diray, waxay u bilaabanaysaa sidan:-


1 – QADAF:

Soomaalaay qarribaneey
Soomaalaay qafilaneey
Qasaariyo dhib-jeceleey
Qaantooda kuwa qaba &
cid kalaba ma qadaftee
isu qoorro weyneey

Qaaddirkii abuurtiyo
Xaqa’ wada qireysaay
Quumuu salaadiyo
Weyso qaadad badaneey
Misa kuma qushuucdee
Qab-qablaha cidoo-diyo
Qabiil soo hor marisaay.

Dhulkii waa qaracanoo
Dhanbaal qiiqayaa yimid
Lagu qoray qalfoof-oo
Qadduna ay xinjiro tahay

Hadday qiiro kuu qaban
Haba qaro xumaatoo
Qaddarkeed ha liitee
Qiso weeye murugo leh
Aan ka qaado daahee
Qof-walowba iga qabo.

Qaran dumey dal-qaybsamay
Qaanuunku qolo yahay
Qabiil walina calan qabo
Qorshahooda tirakoob
Khamsadey ku sheegeen (5m)
Saddex qayb ahaanteed (1.5m)
Qurbe ay ku noo shahay.


Qaybaha labada haray &
Qaruumaha la noolina
Hadday qaabilaad heli
Qoy-sanaaya farahoo

Qanacweyn ku qaba dhoof

Qumbulaa dunyaagiyo
Nukliyeerka qaraxa leh
Qiiqiyo suntii haray
Qashinkii aduunyada
Miyaa laygu soo qubay?

Quwaax iyo dhir xodaxliyo
Qarni geedihii jiray
Qurac iyo galoolkii
Qoryo laan qalalan iyo
Wixii dogob qotomey &
Keymihii qurxoonaa
Waa qarax banaanoo
Dabayshaa ku qaadiye!

Goddin layma qaadane
Mashiin baygu qabateen
Deedna waa la qiiqshoo (dhuxul)
Qaliijkaad u qaadeen.

Baddii qarada weyneyd
Qayraadku buuxaye
Adoon qaadan shabakada
Kaluun laga qab-qaban jiray
Qab-qab laha dagaalkaa
Qaddaadiic ka qaatoo
Ku qalacay maraakiib
Oo waa khaawi maranoo
Qubo lagama heli karo

Qorshayntiyo dhaqaallaha
Qaaraddaha aduunyada
Dalwaliba wax loo qoray
Qaarmadoobe sumalkiyo
Orgi-gaas qalaadaa
Yaan ku qayb galaayaye
Haddaad qaadday ceesaan
Maxaan qiime leeyahay?.

Anoo qaar i maqan yahay
Duul qindhicil leh hoos taga
Misna qaybi baa timid

Inaan quusto wey qaban
Qolofweynta buurtiyo
Markey daafi qurunley
Igu soo qamaameen
Qaylo dhaanti aan diray
Qaraabiyo tol waxan nahay
Qof kalaba ha joogee
Kii shalay I qalibay iyo
Ma qadaafi baan helay?!

Qaadashada tusaalaha
Abwaanadii qarnigi hore
Suugaanti laga qoray
Qaarba meel iftiimiye
Qalax aadi-diisii
Qormo aad u qaro culus
Ayax waxan u qiray qodob (Ayax dhowre)
intuu qiime leeyahay

Qab-qab dhaafey

bay labo qabiil
Qaran ku weydaaye
Qaabiilba haabiil
Markuu qoon saduu dilaye
Qoo-qii Suryare loo dilaa
qooro goys dhigay

Qaranimadi weeye e
Qunbe subag ahoo qudha
Qoom dhan ay wadaagaan
Qaybintiisu adagtahay
Anaa qaadan may socon.

Sida tanina waa qalad

Oo taasbaa la qaatoo

Runtii qaaya rooneyd

Sidatani war waa qalad
Kud ka qaylinteenii
Ma’qanjaa sahanki lagu furay !.

Qalad weeye sida tani
Qubashada haruub dhacay
Lama sii qalaabee
Hanbadaa la qaban jiray

Inkastoo wax qoran iyo
Qaddar kaa da’weyn tahay
Qaaddir waa raxmaanee
Ha ka quusan naxariis.


2 – QALANJO:

Qalanjaa waxay odhan
Inan qurux sanbaan ahay
Misna qaniya baan ahay
Qalooc saban ah baan ahay (7 map ka somaliya)

Qaro xeebta ugu dheer
Qaaradaan ku noolahay
Qofka qudha ayaan ahay

Webiyada qul-qula iyo
Qudaarteeda mooska leh
Qof ku qayb galaan ahay

Inkastoodan weli qodan
Macdan bay dhex quustoo
Shidaal bay qotoma oo
Bikro qodobsan baan ahay

Geella dunidan qoodeyn
Labo qayb midbaan helay
Qanamkana warkiisdaa
Qolaa been ka sheegtoo
Austaraliyoo qura
Baa kaa qaaday bay tiri

Anigoo weli qisiinoo
Qowlkiiba aan jarin
Layga qaadyey maradi-oo
Qaawanaan mudh-baan ahay

Ee haddaad I qalateen
Qab-qabloow I shiideen
Qeyraadki igu jiray
Qof ahaan u gadateen
Qolo kale u miisteen

Qaarba qaar ku layseen
Qixiseen dadkeygii
Miyeydaan qaboobeyn?! (qaboobi-ba maysaane)

Qalfoof keyga soo haray
Miyaad qaybineysaan?
Qaramadda midoobiyo
Qiristeydi waagii (1960)
Dowladnimadi lay qoray
Qariidadii la ii dhigey
Miyaad quusineysaan?

Wax qumani ma laabnee
Hadeydaan idaba qaban
Nabsigeygu idin qabay
Qiyaamana cadaab gala!!!!

Qori tuurki saanyada
Dadka quban aduunyada
Qaarba meel ku nool yahay
Kuwii qaybta ii helay
Qolo badanba maahoo
Waxa qaada beled qura
Haddaan qeexo eraygaas
Qaahirow tusaalaa (13m)                                     

Qani nimada aan qabo
Hadday qaab uyeelaan
Qorshe ay sameeyaan
Qof waliba halkiisuu
Ku qaboobi laayoo
Quddaam iyo shaqaaliyo
Dad u quma dantii suu
Qaaradaha u jirinlaa


Qiimeynta nololeed
Qof ahaan markey tahay
Jarmal meesha lagu qoray
Waan ka qaadi laayoo
Qaddar-na waan ka socon laa

Qallad weeye sida tani
Qubashada haruub dhacay
Lama sii qalaabee
Hanbadaa la qaban jiray

Inkastoo wax qoran iyo
Qaddari kaa da’weyn tahay
Qaaddir waa raxmaanee
Ha ka quusan naxariis.



 

3 – QORRAX-KU-DHOWR:

Qoys dumey dhashiisii
Midba qowl ku hadal yaye
Anigu waxaan qumaatiyey
Qidadaha qarsoonoo
Gumeysigu uu qooloo
La qorsheeyey waa hore
Soomaali loo qorey
Dhaqankoo la qaadiyo
Qaribaad salkood yahay
Si qabow u fidayoo
Dadka qaarki garaneyn
Oo ay qarash ku bixiyaan

Waana duul qadimanoo
Qaadka ruuga abidoo
Howl-baas qabyaa yoo
Laga quusan abidkeed
Misna aan la qabaneyn
Ku qanciya garaadkoo

Qurbahaan la joogiyo
Qaab xumada qaadkana
Haddaan qaar ka sheegana

Niman baa khamsiin sano
Qudha sare u dhaafoo
Tintu qaar cadaatoo
Isu qaba caruur weli
Qoorta xiiranaayee

Qado iyo quraac iyo
Maalin quud ka soomoo
Qabsinadu xirmeenoo
Qalayl rooti qolof adag
Qooshta buunshe gaaleed

Kolka laba la qaatoo
La qaraarsho fiidkoo
La qalaco war daahnaa
Qabiilkana la gudo galo
Qof waliba wuxuu qabo
Qaamuuska laga baar

Qablankii saqdii dhaxe
Waa qaar-go’aygii
Igu qabo qamaanow
Noo qaybi laamaha

Qamaan dayro badanana
Qowlkiisu wuxuu yahay
Wax la qaybsho mahayee
Qaarr yar baan rog rogayaa
Naf-teydaa qandhey-sane
Qaddaadiicda biirshoo
Soo qaada qaad badan
Qoraxda aan ku dhowree!!

Qaaddirkii raxmaan kuna
Qowlkiisa nagu yiri
Qabatima cibaadada
Maalintii qaraab-taga
Qur-quriya wixii qoran
Qalinku idiinku dhacay beri
Qalalayoon mar kale qorin
Qaddar eebe weeyee


Habeen kii qabow sada
Hurdo qiimaheed gala
Haddaad qaar awoodaan
U qushuuca eeboo
U qumaay salaad leyl

Qamaan xaaladiisuna
Waa khilaaf mas-a’ladaas

Ninkii oori wacan qaba
Xilkuu qaaday qaban kara
Islaamkaa qadariyoo
Wax qilaafay maan arag

Waxse qiil ka joogaa
Markuu qaadku kula tago
Kheyr mas’uulna kaa dhigo

Qayladiyo dhibaatada
Inta reer is qabataye
Qaar badani kala tegey
Qaarna quus ku wada nool
Qaad kaa u sababoo
Waa qaybta ugu weyn
Haddii lays-la qirayee

Qalad weeye sida tani


Qofkii qabatin cunayooow
Qiyaas taada qaadoo
Qabso howla haagana

Qalbigana la hadaloo

Qatartiisa gelinsii

Inuu qaato la arkee.

Inkastoo wax qoran iyo
Qaddarna kaa da’weyn tahay
Qaaddir waa raxmaanee
Ha ka quusan naxariis.

 

4 – QAFLAN-BAABAN:

Qaran dumey qixii dhacay
Qabtu maalintey timid
Qoysba qoys dhegaha jaray
Qaan-gaar, saqiir iyo
Qawaar iyo mid boqol jira
Lays quutey duhurkii

Qaraabadu is dhuganoo
Is qooraan saneynoo
Qofkii ruux yaqaanaa
Midka kale ka qowfoo

Hooyadu qaran tayoo
Qalbi rogantay goortaas
Asoo qaylinaayana
Ubadkeedi aan qaban
Qadaad jeedisoo tiri
Qof waliba naftiisee
Qaaddirow imagan geli

Qoodhey iyo xeraday
Qiyaamana ma oran karo
Qiyaastana ma garan karo!

Mid qabsaday mid uga qaxay
Mid qabowsi doonoo
Qiiq olola neef saday
Qaddarey u joogtaba
Xumaantuu qabiil dhalay
Qof waliba quddaha daray
Ee qaflan baa-ban habar shiish
Ninkii qaatay waa halis!

Qaariyaal qur’aanada
U qumaayey diintoo
Ilaahey qaddariyoo
Dadka Qeyrka farayee
Ninka soo qabsadee
Qudha seefta kaga qoray
Kan qabiilka aaminey
U qadimey naftiisii
Qumanaha ninkii rabay
Qaska kii abuuraa
La qaddarin markey timid
Allahayow maxaa qoran
Taarikhduna qaribanaa

Qarnigaan la qaad qaad
Qoraal baaris loo noqoy
Kitaabada la kala qabay
Qaalluu waxay tiri
Qoom dhan bays ku raacoo
Qorshahaan horteenaa
Qariib weeye sabankani

Qiil waxay u qaateen
Qabrigaa ninkaas geli
Aakhiro qabtoo tegey &
Midka qoriga heystee
Ku qufaaya baas qarax
Qiiriyo qamuunyo leh
Haddii loo su’aal qumay
Qasaaraha dhibkaas yimid
Midna qeexi kari waa

Kan qalalay bud qaba timay
Kama uu qisoon karo
Qiimigiyo naftiisii
Wax kan kale ku qoon saday

Midkan qaatil kaayee
Qalbigiisu guban yahay
Isuqaba halyey qiran
Isna waa qudhiiyoo
Laga waa qanee-caad
Qorshe iyo wax qiimo leh
Wayska qoon saduu yiri
Qaarajiyey rag quusiyey
Qatar weeye lay yiri

Khalad weeye sida tani
Qubashada haruub dhacay
Lama sii qalaabee
Hanbadaa la qaba jiray

Inkastoo wax qoran &
Qaddari kaa da’weyn tahay
Qaaddir waa raxmaanee
Ha ka quusan naxariis



 


FIIRO GAAR AH:

Maansadanina, iyadoo maqal ahna, waannu ku soo dari doonnaa halkan – haddii Eebbe ka dhigo. Waxaa kale oo jira meelo yaryar, oo qaybtan qoraalka ah aan dhammays tirnayn ama yara khaldanba. Meelahaasna dib ayaannu ka sixi doonnaa – INSHA ALLAAH.

FARRIINTA ABWAANKA:-
Walaalayaal wixii dhaliil ah ee aad maansadan Qoys dumey ku aragtaan ama guud ahaan buugga Qoys-dumey & Xabaalaha Barbaarta, diyaar ayaan u ahay inaan wada saxno.

Kaydintii: Murtiyosuugaan

Raacdayntii: Cumar Ismaaciil Digeed

By

"Abwaan Digeed waa Curiye Suugaaneed oo shaqadiisa ku saleeyay waayo-aragnimo qoto dheer oo uu u leeyahay Afka iyo Dhaqanka Soomaaliyeed. Waa Haystaha Shahaadada Labaad ee Jaamacadda (Master's Degree), taasoo u sahashay inuu suugaanta u dhex galo cilmi iyo falanqayn sare. Gabayadiisa waxaa lagu yaqaannaa xigmad, falsafad, iyo qaab-dhismeed aan caadi ahayn, taasoo ka dhigaysa mid ka mid ah abwaanada ugu tayada sarreeya ee isku daray dhaqan iyo aqoon casri ah."

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

error: Halkan kaga boggo