Gabaygan Ayax maxamed dhawre waxuu marshay mar wiil u dhalay sac lug ka jabshay dabadeedna qolyo cumar maxamuud reer Khalaf mag u qabsadeen Sacii,reerku qasheen maadaama sacu aanu socon karin, gabaygan oo arimo badan ka hadlaya aan saca kaliya ku koobnayn Akhris wanaagsan
Indhowaydba waataanan qirin, qaaradii gabaye
Oon ka qatanaa haatan iyo, qubadkii dayreede.
Sida Qawdhan iyo Gooni baan, uga qiseeyaaye
Qammaam iyo sidii Weerar baan, ugu qurxeeyaaye
Marka addinka qaarkiin gam’aa, laygu soo qubaye
Qaraabooy i maqal caawa waan, soo qaddimayaaye
Qubi waa qormada Reer Xasan ah, qawl aan maqashiiyey
Qodob kalena waa dunida iyo, qab aan ka faalleeyey
Qiso kalena waa aniga iyo, qun iska sheeggayga
Nimanyohow qumani iyo qalooc, kala qiyaas roone
Waxba lama qarshee hadal rag waa, la isu qeexaaye
Dadku weligi ways qoonsan jirey, tan iyo Qaabiile
Waa qaydar law kaaga jabay, hadalka qaarkiise
Qalbi ma lihid shaydaan hadduu, qaalib kaa yahaye
Qawaaniintu waynuu nin ragi, kula quwoodaaye
Qooraha waxaa looga simay, waysu wada qayre
Wuxuu qoonsimaadkeen ka dhacay, qaadistii saca’e
Naftaa laga qurjaray ruux yamiin, qoorta loo suraye
Qarankeen wuxuu jabay kolkii, qaalli lays badaye
Qardoofiyo nin aan qaadan bay, qaci ka joogtaaye
Qaalmo iyo maal aadan qabin, adigu ii qaabbil
Dabadeedna ii kala qorshee, waa qiso adduune
Haddaan geela Qaawiyo idiin, la iga qaadaynin
Oon Yuusuf-Dhuux ina qasbayn, ina qisaasaynin
Amaan Xaashi qool igu ridayn, qaaddirow mahade
Qolo yari ninkii ii damcaba, wow quluub xumo’e
Haddii talo rag waa wada qabsee, mid iska qoontaysto
Oo qaydka wiil yari dhifsado, lagu qasaarowye
Wuxuu qumiyey Maxamuud hadduu, qoomamays yahaye
Waa kaa qamuunyada dibnaha, qooni kaga taale
Quruun buu awooygiin lahaa, qoon u raaci ahe
Qolkiinna nimankii ku jirey qoysna, laga waaye
Qaansheegashuu kaaga tegey, qoon reer Amare
Wuxuu Wadalmoggana kaaga qumay, wuu ku qoonsadaye
Qayaad iyo bah Hararsame horaad, mar isu qoonteene
Gabdhihiinna nimankii qabaad, kala qatawdeene
Qabkaad Mudug la joogtaan rag ways, ku qatalmaysaane
Qodob kalena waa dunida iyo, qab aan ka falleeyey
Majeerteen qaraabiyo tol iyo, qiimi kala waaye
Cali-Gerina maal iyo qab iyo, waaye quruxdiiye
Qabaalkii furee bay lahayd, wuu yar qawraraye
Qaashkii ku dhacay Aadan buu, qaaxadii jaraye
Gumasoor shalaa laga qurjaray, qalanjohoodiiye
Qardhacna lagama siin kulay ku tahay, qaalin moordi ahe
Qooqii Suryare loo dilaa, qoorogoys dhigaye
Qurux iyo wixii Cali ka dhace, qabax dharaareede
Salaasiin qur go’ay lagama simin, qayd Maraykan ahe
Qarka ina Balluun baa lafaha, qalax la moodaaye
Qoonkii wadaadkakaba beryuu, Eebbe qooqsadaye
Afartaa qiblood iyo mar bay, dunida qaateene
Kunan qoorta goo iyo farday, col qalqaaleene
Dad tawxiid wada qirahayey, ka qarjafsiiyeene
Qorrax saacad joogtiyo barquu, qoomadkood galaye
Cirkaa lagaga soo qeyey rasaas, gaal ku soo qubaye
Dabadeedna qoys lagama arag, toban qof mooyaane
Qiso kalena waa aniga iyo, qun iska sheeggayga
Qab qab dhaafay bay labo qabiil, qaran ku weydaaye
Haabiilba Qaabiil intuu, qoonsaduu dilaye
Quluubtii dad oo kala go’daa, waysu quruntaaye
Labadii la kala qaadayaa, qurux ma yeeshaane
Qoomaari orodkay sidii, qumanyo roortaaye
Qalax iyo haddaan Aricad dego, la ima qoomeene
Markaan qolalka reer Diini tago, qaali baan ahaye
Degmo kula qajaariyo ciddoo, kula qaraamaad ah
Xeeryaha qusaarta leh barnida, lagu qadaynaayo
Arigoo quruuruxa dharkoo, qaadasho u hoo ah
Qunba subag ah geel qiimi liyo, qadow la heenseeyey
Waayeelka taladuu qasharay, geedka lagu qaybsho
Qaatoyda dirireed kolkay, qaylo soo dhigato
Dhallinyaro qamaam waalan oo, qalabka boobaysa
Waxaan adiga kugu quudin jirey, qolo kalaan siine
Qalanjaha maroodiga ninkii, waayo lagu qaybshey
Oo toban haruub oo qar jaran, Eebe kaga quudshey
Tolankiyo qamuunyada ninkii, labadaba u quuray
Oo qaar dambeedkiyo candhada, feerka kaga qaaday
Oo caanahuu qubay ilmadu, qoysay baad noqone
Xaajada qumaatiga ayaa, la igu qaataaye
Mar hadduu qalooc hadalku galo, waa qaraarahaye
Qabkii ina Xariiboo kalaa, layga qodayaaye
Ninkii qeyrki loo qiiray oo, qoystey baan ahaye
Fardo kala quluub bay nin rag ah, qar uga tuuraane
Kolka awrka maan soo qabsado, quusashaan ahaye
Walleese niman qabiilooyinaan, qoonsi kala waayin
Wallee geel nin laga qaaday baan, orod qashlayn waayin
Wallee qodaxi nimay saydhay baan, qoombin laga waayin
Wallee nimuu Illaah quudiyaan, cidi ka qaadaynin
Wallee Eebbahay nimuu qadshaan, qolo wax siinaynin
Wallee naag qab weyn iyo rag baan, qiro heshiinaynin
Wallee qoys basari leedahaan, waana qurux yeelan
Wallee milicdu nimay qabatay baan, dhididku qoyn waayin
Wallee nimaan quraan dhiganin baan, qaalli noqonaynin
Wallee qaaxo nimay hayso baan, soo qufaci waayin
Wallee reer qorfiyo hawd degaan, oonku qaban waayin
Wallee naag qabow kaa heshaan, qabasho kaa deynin
Wallee tuug la daba qayliyaan, qoobka rogi waayin
Nin qasaare galay baan wallee, qoomamo ilaawin
Wallee nimaan is qabanoow wanaag, igama sii qaadid
Qabiltiyo nikaax naagahaa, qaata meherkiiye
Qabaanimo ninkii iga damciyo, ii qasaal marada
Allaylehe Illaah iguma qaban, qoorye xeradaye
Waaryaan aniga xaajo aan i qaban, la ila soo qaadin
Kaydintii: Murtiysuugaan
Raacdayntii & Tafatirkii: Cumar Ismaaciil Digeed