Gabaygii: Hawo been ah
Hawada been ah Nuur Faaraxow hadaf Ogaaddeene
Doqontaan xigaalkeed hagayn waa hawirantaaye
Habi laawe maantana ka bayr hilinkii toosnaaye
Waa kaas hillaacii u baxay hoday Majeerteene
Harti waa lunshaa duul hadduu hoos ka la` yahaye
Dhaaxay habawsheen damiin soo hambaabaraye
Teer iyo hagoogane raggii haystay godobtooda
Heellada Isaaq tumahayey hor Alle moodeene
La halmaan Hargeysiyo Burciyo hawlgalkii Muduge
Hawiyaha dagaallamahayee heegan diriraaya
Aan hilibka Daarood Cismaan kala hambaynaynin
Hadammaha Tayeeglow hadduu hiil ka sugayaaye
Sidii geel horweynee abaar hawdka lagu foofshay
Ee meel habaasliyo qaniin lagu horaynaayo
Ee hogobbaduu daaqi jiray hir uga laacaayo
Hanfaraar ma daayiyo inuu kawla hallaabaaye
Waa kaa(s)Axmaarkii hantiyey hadimmadoodiiye
Waa kaas hareeraha Goday looga heel dhigaye
Hoolaa Wajeer qaar degoo hawlkaraa badane
Hawaalaaha adduunyadu mar bay kugu hawaaraane
Huwiskiyo mar bay dhacaan Hibo Ilaahaye
Hodankaaba degoo baddaa hoos u caaridaye
Hayinkiyo mar kaa didaan hebed ka maalaaye
Horaadkii la nuugaba kol bay hooyo gurisaaye
Hiladaaba jiilaashatiyo Webiga Hiiraane
Habar- aridu waa baaqataa hogo` kaliileede
Nimankaan hankoodiyo ogaa Haybad socodkooda
Hubsan waaye heshiiga gu`giyo hawda karameede
Hungurow ba` sow kaa(s)Absame hawdka xulay maaha.
Kaydintii: Murtiysuugaan
Raacdayntii & Tafatirkii: Cumar Ismaaciil Digeed