Gabaygii: Cabasho laasqoray

Gabaygan Xasan Xayle wuxu tiriyey 1955kii, xilli uu ka maqnaa Laasqoray mudo dheer isagoo ogaa Laasqoray oo magaala maarso weyn ah, markii uu kusoo noqdayna wuxuu la kulmay magaaladii oo hoos u dhacday dadbadana ay ka guureen, wuxuna yidhi :

Cishadaan ka degey Laasqoray cabatay dhowr jeere
Waxan idhi maxaad la cartantoo kuugu culus maanta
Waxay tiri kuwii cid iigu xigey wayga carareene
Waxay tiri cirooliyo wadaad ima ciseeyaane
Waxay tiri caruurtaan dhalay Cadan u dhooofsheene
Waxay tiri haddii lay camiro waan abaal celine
Ciidayda keliyaan malyuun cadad la siisteene
Badda ceeligeediyo marsadu waa I caawiyine
Maruun bay maraakiib camiran caasha soo dhigane
Waxay tiri caddaan iyo madow coonka waa imane
Waxay tiri kuweer cararayow ceelkii waa aniye…

Kaydintii: Murtiyosuugaan

Ururintii & tafatirkii: Mr: Cumar Ismaaciil Digeed

By

"Abwaan Digeed waa Curiye Suugaaneed oo shaqadiisa ku saleeyay waayo-aragnimo qoto dheer oo uu u leeyahay Afka iyo Dhaqanka Soomaaliyeed. Waa Haystaha Shahaadada Labaad ee Jaamacadda (Master's Degree), taasoo u sahashay inuu suugaanta u dhex galo cilmi iyo falanqayn sare. Gabayadiisa waxaa lagu yaqaannaa xigmad, falsafad, iyo qaab-dhismeed aan caadi ahayn, taasoo ka dhigaysa mid ka mid ah abwaanada ugu tayada sarreeya ee isku daray dhaqan iyo aqoon casri ah."

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

error: Halkan kaga boggo