Gabaygii: Ilbaxnimo
Gabaygan waxa tiriyey Alla ha u naxariistee Xasan Xayle, xilliyadii waxa ilbaxnimada la moodo inoogu horreysey 1929, dumarkuna bilaabeen socod xumada, ragguna bilaaabay Balwadda, , ayna soo baxeen Raadiyeyaashu, wuxu yidhi isagoo ku hal qabsanaya nin isaguna gabyaa ahaa oo Jaamac Maxamed Samakaab la odhan jirey,sidan :
Beryahan Jaamacow gabaygu waa iga jihaasnaaye.
Waa taan ka jeestaye wax igu jeediyaa yimiye
Qof jawaabay meel dheer beryuu juuq dhegeysadaye
Jibaal kula hadlaayaan qofkii joogey la arkaynin
Oo saacaddaa jaahisoo meesha kula jooga
Oo odhan Japan iyo dhul baan jaadhe ka hayaaye
Maxaa laga jeclaadaa qalbigu Jaamacow socoye
Wiil labaatan jira oo jigraar, waalidkii jalaya
Oo culimadii jaarka iyo ehelka jiidhaaya
Oo baarka laga jaaso iyo jooga meel karaha
Oo jiinka gaaladu cabtiyo biirka jebinaaya
Oo Magallo jaankeeda iyo Cadan ka jaacleeya
Allayelehe jidkii waa ka baxay jaaniska lahaaye
Maxaa laga jeclaadaa qalbigu Jaamacow socoye
Naagaha ku jiidhaaya aan jaaha qarinaynin
Oo weliba kugu joogsadoo kula jalbeebaaya
Oo ay jawaabtoodu tahay jaanta ila raaca
Shaydaamadii jahanamaa jeegadow lulaye
Allaylehe xilkii waa jareen jawharta ahaaye
Maxaa laga jeclaadaa qalbigu Jaamacow socoye…
Kaydintii: Murtiyosuugaan
Ururintii & tafatirkii: Mr: Cumar Ismaaciil Digeed