Gabaygii:Β Ma ogtahay
Gabaygan wuxuu ka mid ahaa gabayadii lagu dhigi jirey Iskuulada dhexe iyo Sare ee Soomaaliya, gabaygan wuxuu tiriyey isagoo jooga Laasqoray wuxuuna u tiriyey wiil u adeer u ahaa Ibraahim Cagoof oo aha Cali tiriig oo ay isku qabsadeen Doon ka mid ah Doomo markaas uga gooshaayey gobolka Sanaag.
wuxuu yiri
Ma ogtahay in kaar waalid waa eeba kugu taale
Ma ogtahay ishiisaa ka daran ololka naareede
Ma ogtahay nin kii deerkii ka istixonwaaye
Ma ogtahay inuu aabihi ooda kaga guuro
ma ogtahay aroos waa nin kii oori dooraleh
ma ogtahay ardaa naag xun waa lagu idlaadaaye..
Kaydintii: Murtiyosuugaan
Ururintii & tafatirkii: Mr: Cumar Ismaaciil Digeed