Gabayga: Ceelkii Hargaysaad
Gabaygan waxaa Curiyay Abwaan Maxamed Dhagaafe Cilmi oo iminka ku sugan Magaalada Nairobi hase ahaatee Dagan Wadanka Uganda taariikhdu markay ahayd 08/10/2006 ka
Gabaygan waxa uu Abwaanku uga hadlayaa Arintii argagaxa lahayd Ee ka dhacday Xabsi ku yaal Magaalada Hargaysa waqooyiga Somaliya.Arintaas oo ahayd mid aad looga xumaaday laguna jirdilay wadaad ka mid ah Culimadii laga faa`iidi jiray faafinta diinteena sharafta badan.Wadaadkan oo lagu magacaabo Shiikh Maxamed Ismaaciil ayaa waxaa si xun U garaacay kuwo damiir laawe yaal ah oo diintoodii dhaafsaday dhaandaban gale.
Abwaanku waxa uu ku halqabsanayaa isla markaasna gabayga ugu xogwaramayaa Saaxiibkii Cumar C/nuur Nuux Nabaddoon oo ah Abwaan ka mid ah suugaan yahana Soomaalida ee qurba joogta ah. Waxa uu ku bilaabanayaa gabaygu sidan
Ceelkii Hargaysaad
Cumarow calaamaa dhacdoo waan cajabayaaye
Camaasiir ayaa dhalatay iyo caalayaal falane
Ceelkii Hargaysaad haddaan cododyar kaasiiyo
Culimadi dhibbaa lagu hayaa caadil soo diraye
Ninkii Gaalo caayana xabsaa lagu cameeyaaye
Maxaad Xabash u ceebaysaybaa lagu cisaarraaye
Cirbahaa silsilad laga gashaa lagu ciqaabaaye
Cadownimo darted korontadaa lagu cadaabaaye.!!
Caalimkii ismaaciil dhaloo cadowga loo loogay
Ee duub cajilad lagu lahaa gaalana ha caayin
Oo feer celcelisiyo canaan cududa loo sheegtay
Carigoo dhan sheekadan gubtoo ceelkastaba gaartay
Anigana calool yowga iyo ciilka igu beertay
In cawaaqib xumi daba socdaan kuu cabirayaaye
Casho hore kuwii xamar guboo calan walaynaayay
Nimankii cadaan uu siroo coodka badan siiyay
Culimada kuwii iibsadoo qaranki ceebbeeyay
Waxay cudud lahaayeen barqay nooga cararreene
Calafkood wuxuu go`ay markii shacabku ciidmeene
Carro ay jiraan qaar ayaan caawa la aqoone
Ninkastoo casiis jabinayaa waana cariyaaye
Casha dhowna waad maqal war kale caadil idankiise.
Caqli malaha Somaliland caalahaas wadaye
Waa nimaan casiiskii Aliyo caadil garanayne
Waa nimaan cibaadaysanoo gaal cawaansadaye
Ciiddiisi buu iibsadiyo culimadiisiiye
Waa caadaqaataan aqoon calafka quurreede
Cadowgii ilaahbuu u jabin cududwalaalkiise
Codnin wayn masheegee caruurtuu la cayn yahaye
Waa wuxuu cashadi hore u xiray curadi reerroode
Hadal noo cuntama iyo haddaan cododkasoo yeerin
Oo aan ciqaabtood la marin labadi coomaadi
Cooflow Riyaalaa u dhiman ina Ismaaciile
Casha dhowna waad maqal warkale caadil idankiise.
Xaqii aad cufaysaba marbuu daaha ka cadaane
Shan ninbaa caburisee shacbigu malaha ceebaale
Caloolyowga waa nala qabaan carada maantaaye
Cishihii xaq loo dooddayiyo Nabadda ciideena
Adigiyo cibaar waydinkii caaranaan jiraye
Cumarow haddaan soo cabiray xaaladdahan ciirsan
Codkiinaan sugaynaye mar qura curiya caynlayda...
Kaydintii: Murtiyosuugaan
Ururintii & Tafatirkii: Mr: Cumar Ismaaciil Digeed