Gabayga:Guubaabo
Gabaygaan waxaa curiyay Abwaan maxamed dhagaafe cilmi, Waxa uuna gabaygan soo baxay 11,02,2006 da gabaygaan waxa Uu abwaanku uga hadlayaa gefkii loo gaystay Rasuulkeenii sharafta badnaa Nabad iyo naxariis korkiisa ha ahaatee oo asaga lagu caayay joornaallo badan Oo kazoo baxa dalalka reer yurub. Ayada oo waliba si ula kac ah arintaas loo sameeyay.Gabaygan oo lagu magacaabo Guubaabo waa gabay guubaabo ah oo uu abwaanku Kula hadlayo dhamaan muslimiinta dunidan ku nool… Wuxuuna ku bilaabanayaa sidan….
Inay dunidu goobaantahoo gabi dhaclaynayso
Nin garaadle waa garanayaa galinka maantaaye
Afarteeda gees haatan waa laysu goodiyine
Ka gadood islaamkii halkay gaartay sheekadu,e
Gafka uu kufrigu nagu wadiyo gacan toggaallaynta
Hadday naan ka guban iga walaal gaagna harahayne
Muslim-kow guntada maanta waa galin danbeedkiiye
Garaafada rasuulkeeni iyo muxamed loo gaystay
Guulguulka iyo cayda ay gaalo nagu hayso
Isgarsiinta kii galay xumaha lagu garaabbaayo
Haddaynaan ka guban iga walaal gaagna harahayne
Muslimkow guntada maanta waa galin danbeedkiiye.
Gardaraysigoodiyo fitnadu waa gad aan harine
Ardul shaam gabood baa ka dhaca goor iyo ayaane
Waagii guduudtana dadbaa lagu gumaaddaaye
Gurbood iyo dhalaan lama cisiyo gaabanow oday,e!!
Duul aan waxbana galabsan bay gowda ku hayaane
Waxaa loo gol-leeyahayna waa gaasir noqod keene
Muslimkow guntada maanta waa galin danbeedkiiye.
Kuwa qaraxa gaysanahayoo taas ka gubanaaya
Oo gudinta soofaystay oo gaalo la hortaagan
Inaan maanta garabsiino waa noo gudboontahaye
Gardaraysi ruux kuula yimid oo ku gacan dhaafay
Oo inuu ku googooyo iyo gowrac kula dooni
Haddii aadan ka guban jahanabaa lagugu geeyaaye
Muslimkow guntada maanta waa galin danbeedkiiye.
Geeliisi ruux laga dhacoo cadow ka guullaystay
Guluf iyo collaad waayo badan wuu gigsanayaaye
Geerina marbay wacan tohoon noloshu gaarrayne
Muslimkow guntada maanta waa galin danbeedkiiye.
Iiraanba geesigi u kacay geyfay oo haddalye
Garaafee israa`iilna yiri waan gubahayaaye
U gargaaryay falastiin inleen goodi waa xubine
Gacan dhowrna diid iyo inay niman gumaystaane
Gar Allee wadaadkaas u bogay goobta uu dagaye
Waxaa gayre iigaga socdaa waa guryaa kale,e
Garwadeennadii carabtu waa gaalo raac badi,e
Godka lagu cadaabyow kufray daba gucleeyaane
Garsoorkii Illaah iyo la diid gudasho diimeede
Waxaa Gaawe loo culanayaa gaalo dhaqan keede!!
Ganigiyo walee lacagta yurub wayna kala gayne
Muslimkow guntada maanta waa galin danbeedkiiye.
Gacmo wada jir iyo talo ayay gool ku dhaliyaane
Haddaynaan is garab taarin waa guul dariyo ceebe
Muslimkow guntada maanta waa galin danbeedkiiye
Guubaabadaydana ku xiray gaalo how baqina.
Kaydintii: Murtiyosuugaan
Ururintii & Tafatirkii: Mr: Cumar Ismaaciil Digeed