Maansadda: Igraan Gaanni
Maansadan waxaa uu Maxamed Dhagaafe u diray gabar yar oo uu abti u yahay oo ayadu ku dhalatay magaalada Lusaka ee dalka Zambia waxaa gabadhaas lagu magacaabaa Igraan Gaanni . Maansadan oo xambaarsan farxad iyo ducoba ayaa abwaanku waxa uu kula dardaarmayaa haddiiba ay gaadho heer ay iskeed isku maamusho oo ay ka korto caruurnimada waa Igraane in ay noqoto sida eeddooyinkeed iyo habaryaro iyo hooyo iyo ayeeyo mid ku dayata oo u adeegta diinteena suuban kuna dhaqanta dhaqankeena wanaagsan oo ku salaysan diinta Islaamka waxa ay maansadu ku bilaabmaysaa sidan.
Ayaaneey Igraaneey
Igraaneey ugaasooy
Ugaasooy ilwaadeey
Afar magac u qalantoy
Ma`ogtahay Igraaney?
Araggaaga anigoon
Abtiyey an wali arag
Arladaad ku`dhalatana
Abiidkeyba aan tagin
Ayaa ubax lamoodyey
Iftiinkaagu iibaxay
Uurkiyo qalbiga iyo
Indhahaa idoogsaday
Ayaan dhalad inaad tahay
Aankuu ishaaree
Markaad timid aduunyada
Ehelkaagi oo idil
Eeddiyo adeer iyo
Ayeeyo iyo habar yaro
Abtiyaal kuley tahay
Qofwalbaba usoo orod
Araggaaga gabar yahay
Afar jaho aduun yada
Dhankastoo la eegaba
Aynigaa mid kula mida
Abti wali madhalannoo
Ilwaad quruxsan leeyey
Adaa ugu sarreeyee
Aniguna Igraaneey
Abti-gaa ku`jeceloo
Aanse wali ku aragoo
Kuu oomman baan ahay
Waxaan kaa ursanayaa
Maansadaan ammaantaa
Abti kuugu soo diray
Sucdi aawadeedoo
Waxaad tahay Igraaneey
Ilmihii walaasheey
Ifka taan ujecelaa
Ehelkana urooneyd
Adiguna Ugaasooy
Orod weeye duniduye
Aan erey ducaa iyo
Waano kugu iraahdee
Masiibada adduunyada
Alle kuguma beegoo
Aafaadka dhacayaa
Abti kuma haleelaan
Adduunyada dusheedana
Istareex kunooloow
Aakhira janada iyo
Albaabbadi fardowsaad
Alle kaaga yeel guri. (Aamiin)
Inkastood Igraaneey
Hadda ubad dhallaanoon
Orod baranin aad tahay
Istareex markii aad
Abti gaadho aayaha
Sida eeddadaa wacan
Ama habartaa udug
Ayeeyo iyo hooyaba
Adeec oo hasiideyn
Xaqa ololihiisoo
Islaam-nimada dhowroo
Abti diinta ku adkoow
Udub weeye dhaqankuye
Soomaali u ekoow
Afrikaad ku dhalatee
Eyl iyo Caseyr iyo
Dhulka udugga badan iyo
Ufeyn iyo Qandala iyo
Uusgoroyo iyo Bari
Durdurrada ordaayiyo
Ammaantii Nugaalleed
Afka Ceerigaabiyo
Burca iyo inta u dhow
Awdal iyo Hargeysiyo
Barbariyo inta u`dhow
Idilkeed Jabuutiyo
Ogaadeenya iyo Harar
Ishii Baydhabood iyo
Gedo iyo Afmadow iyo
Jubba iridda laga galo
Iliilaha Shabeelliyo
Afgooye iyo Xamar
Jawhar aqaladeediyo
Baladweyne aaggii
Abwaannadu u heeseen
dhulku kala ilwaad sane
Arligeennu waa Mudug
Astaanteennu waa geel
Iyo ari la maaloo
Islaam weeye diintuna
Adiguna Ikraaneey
Abti taa ogsoo now
Anna ereyadeeydii
Intaas baan kuxirayaa
Kaydintii: Murtiyosuugaan
Ururintii & Tafatirkii: Mr: Cumar Ismaaciil Digeed