Gabayga:Qaasinoow ha murugoon
Gabaygaan waxaa curiyay Maxamed Dhagaafe Cilmi, waxa uuna tiriyay mar asaga iyo rag kale oo saaxiibbadiis ah lagu xiray magaalada Voi ee dalka Kenya, kadib markii lagu soo eedeeyay howlo argagixiso. Gabaygaan waxa uu Maxamed kula dardaarmayaa saaxiibkiis Qaasin Cabdi Aadan oo ka mid ahaa raggii lala xiray.
Malliibaanihii baa nahelay madaxa buurnaaye
Maciin iyo wanaag nooma galin jeelna nagu miisye
Maxkamaddoodu eexbay naqdoo maamulkow darane
Waa niman khamrada miista uun maanka laga qaadye
Adigoo miskiinoo an hayn Money dhamaan teedba
Ayey mihindisaayaan inay muluq ku siiyaane
Malyan iyo kun bay doonayaan inay maroojaane
Minja gaabanow oday xunbaa Maambadow qoraye
Wuxuu nagu makiinaday kufaar muumin aan rabine
Ilaahbaase moorada cakiran maabkalow rogiye
Maqaawiir ragaan leenahoon naga maqnaanayne
Xasan Maxamed baa soo socdiyo mudanayaashiiye
Mardhow bay imaan wiilashii magaca dheeraaye
Qaasinow ha murugoon walaal maalin baad bixine
Kaydintii: Murtiyosuugaan
Ururintii & Tafatirkii: Mr: Cumar Ismaaciil Digeed