Gabayga: Wadajir

Gabaygaan lamagac baxay Wadajir waxaa curiyey Abwaan Maxamed Dhagaafe Cilmi wuxuuna soo baxay  21/7/2005 ta. Gabaygaan oo ah gabay ka xogwarramaya Xaaladda dhabta ah ee ay maanta umadda soomaaliyeed kusugantahay ayaa abwaanku waxa uu kusoo halqab sanayaa Gabaygii Waajib ee uu curiyay Inj. Maxamed Cali Cibaar oo ka warramayay xaqiiqooyinka  iyo marxaladda dhabta ah ee maanta taagan.

                  
Walaal Maxamed Caliyow tixdaad Waajib ugu yeertey
Weedhii i soo gaadhay iyo gabaygi Wiiwaawe
Ninkastoo waxgaradey murtidu waanadiis tahaye
Naxwe iyo wanaag buu lahaa laga wabxaayeeye
Sida waqalka roob oo curtuu waray xareeddiiye
Wadnihiyo bogguu dagay hadduu hadal wax daaweyne
Anna aan markey kuu warramo wadajirkaa roone

Soomaali wahankey qabtiyo wiirsigiyo ciilka
Wacdaraha nasoo gaaray iyo nabadda aan wayney
Waddankii burburay iyo dadkii weerku ku casheeyey
Wixii aad ka sheekeeysay iyo wii’ da iyo waa`da
Waalidkii isdhalay iyo ilmihi wiiftu kala geeysay
Waddadii xumeyd lagama harin wali colaaddiiye
Waagii beryaba weerer baa la isku waabaaye!

Daris iyo wanaag kama dhex jiro wadarta Soomaale
Seef iyo waxey wada tunteen waramo waaweyne
Wiil iyo abtigi baan lahayn gacaladii waaye
Xididnimo warkeed laga tagyoo geedo lagu waabye
Wadaad lama ciseeyiyo akhyaar diinta wehelkeede
Weeso qaad midaan baranin bey daba wareegaane!
Walamsade curaafeysta oon diinba warineeynin
Oo wiido wiido ugu jiriyo reero wan u looga
Ayuun bay intey daba wirxaan wali ku sheegaane
Warna uma hayaan jaahilnimo iney ka meel wayday!

Ummaddaan an waanwaanta iyo waanadaba qaadan
Ummaddaan wadkii dili lahaa wehelka moodaysa
Wayraxa dadkaan wada ahoon wax isku reebeynin
Waddadii Ibliiskiyo dadkaan maraya waabeyda
Waxkastoo adsheegtaba dadkaan kaaba warinneynin
Oo kii wanjalay dabasocdoo walina aan daalin
Waxbayahay iney wada yihiin waa wax la hubaaye.

Waaxidkii abuurtiyo midaan Weynaha ciseeynin
Oo gaal wakiishaday ayey daba wareegaane
Talo aan wadaag lagu dhammeyn waa wax kumataale
Ruux laba wajiilaa ayey wacad marsiiyaane
Asna weerar iyo buuq ayuu wehe bilaabaaye!
Soomaali waxa wiida baday niman waraabaaye

Wiifoow sidiisaa dadkii loo wirfinayaaye
Waxaa shacabka loo waalayaa weedha yey garanne
Haddii weyl la gowraco dibuu galay wadkiisiiye
Wadaaddada waxaa loogu kacay waa wax bey garane
Illaah baase xaaladaha wada waaba say noqonne
Wahsi yaan innaga nala ku arag amase weecweecad
Ilaa uumiyuhu ay wabxaan gabayna yuu waaban
Wax magaratadiyo cadawgu waa duul wax aan maqale
Inta wadajirkiyo nabadda jecel weedha ugu deeqa

Kaydintii: Murtiyosuugaan

Ururintii & Tafatirkii: Mr: Cumar Ismaaciil Digeed

By

"Abwaan Digeed waa Curiye Suugaaneed oo shaqadiisa ku saleeyay waayo-aragnimo qoto dheer oo uu u leeyahay Afka iyo Dhaqanka Soomaaliyeed. Waa Haystaha Shahaadada Labaad ee Jaamacadda (Master's Degree), taasoo u sahashay inuu suugaanta u dhex galo cilmi iyo falanqayn sare. Gabayadiisa waxaa lagu yaqaannaa xigmad, falsafad, iyo qaab-dhismeed aan caadi ahayn, taasoo ka dhigaysa mid ka mid ah abwaanada ugu tayada sarreeya ee isku daray dhaqan iyo aqoon casri ah."

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

error: Halkan kaga boggo