Gabayga: Canaan

Waxaa tiriyay Gabaygan Abwaan Maxamed Dhagaafe Cilmi


Gabayga Canaan wuxuu ka mid yahay suugaanta faraha badan ee uu curiyay suugaanyanka da’da yar ee Maxamed Dhagaafe Cilmi, wuxuuna soo baxay taariikhdu markay ahayd 20kii bishii 7aad ee 2005ta. Maxamed isagoo aad uga gubanaya kana welwelsan xaaladda uu maanta dadkiisii ku saganyahay ayuu suugaan ku cabbirayaa dareenkiisa. Maxamed wuxuu gabaygan u diray kuna halqabsanayaa saaxiibkiis Maxamed Cali Cibaar oo degganaa magaalada Delft ee Waddanka Holland.
Wuxu ku bilaabmayaa gabaygu:

Ca’da gabay Maxamedow beryahan curin ma dooneyne
Caaway dantii ila gashoo ciirsi baan bidaye
Mar haddaan col guutooyiniyo ciidan dumaheynin
Oo aanan qaar ceymineyn shacabkan ceyroobay
Oo caallayaashaas kibroo cabaya dhiiggeena
Cagta aanan marineyn wanaag maleh Cibaarowe

Waa inaan canaan lama huree gabay cukeeyaaye.
Soomaali caradey qabtiyo ciilka nagu raagay
Caqabadda nasoo gaartay iyo ciribxummaanteenna
Nabaddii la ciideeyey iyo taliyo caalwaaga
Caasimadda ololkeedi iyo cararki fiiggeena
Culumo iyo caamaba dadkaan cidi ciseyneynin
Curdankii la laayiyo hablihi lagu ciyaaraayey
Casiiskii Ilaahey qofkuu caynsho mooyaane

Cid badbaadineysiyo dadkaan caawintaba heysan
Curyaan iyo cagoolaba dadkii cawda laga gooyey
Cibaarooyin iyo lagama dhigan ciil la soo maraye
Cashadii timaaddaba dagaal baa la curiyaaye.
Culuun iyo tacliin looma dhigo curadyadeenniiye
Waxaa lagu canqariyaa rasaas iney cabbeeyaane
Curdankaa waxaa lagu baraa qoriga ceyntiise
Caqligana waxaa laga gashaa qolo colaaddeede!
Aduunyada cisiyo nooma taal ceesimaad badane
Dadcun iyo waxaa nala dhahaa ceyr dadqalataaye
Caqlilaaweyaal baa khalqigu inaku caayaaye

Ma cirkaan uguurnaa dhulkii nalaku ceebeeye?!
Ciiddeenu waa dihintahoo waa cuseyb waliye
Canbihiyo babaygaas ka baxa wabiga ciinkiisa
Canabka iyo mooskiyo khudraa ceynba ceyn yahaye
Mowjado cartamayiyo kalluun badaha ceegaaga
Cood noo dhalaayiyo karreeb caano laga maalo
Batrool ciidda hoosteed ku jira caawinse u baahan
Haddeynaan cawaan wada aheyn kuma ciyaarneene
Cagta maalin lama wada marsheen cuurki soo kacaye
Ceyr gaalo bixisiyo qurbaha looma carareene.
Gabdhihii cuddoonaan jirood canabka moodeysay
Caweyskiyo kalaabyada kufaar lama cayaareene
Nimaan diin ciseyneynin oon camalfal yeeleynin
Oo aan caqiidaba laheyn caraqi mooyaane!
Oo sida canbaar Eey gashana madaxi coodcootay!

Yaa John casabo nooga dhigay waan cajabayaaye?!
Gabdhihii lawada cawryi jiray cadawga yowloogay?!
Yaa yiri Amxaar calaq lahaa Cadar haloo guursho?!
Carrabkeyga kuma koobi karo ceebahoo idile
Boqollaal calaamoo kalaan la cajabaayaaye
Adigaan cilmiyo kugu ogaa camalfal diimeede
Halqabsiga Cibaarow waxaan calanka kuu saaray
Curinteeda waa taad tiqiin ceynka maansadaye
Coodkuba haddaan la isla celin waa u cararaaye
Codwadaagta waa taan aheyn tan iyo coorcoore
Nabad caama jeer aan helloo Daawad curaneyso
Caatada dadkaan wada ahood culayga moodeyso

Curdankiyo dhallaankaan intaan darar cabsiineyno
Cashigiyo intey baxa-hayaan cayrta nagu raagtay
Waa la caasiyoobee intuu xaqu caddaanaayo
Cududdeen intay muuqanoo cadowgu fiigaayo
Cirbiyaay fardaha oo col duma sharafti soo celiya
Caqligiinna oo wada jirana caajiska u diida
Caddaaladda dugsada oo qabiil ciid ka hoosmariya
Casiiskaana guul noo hayee Caadil aan barinno.

Kaydintii: Murtiyosuugaan

Ururintii & Tafatirkii: Mr: Cumar Ismaaciil Digeed

By

"Abwaan Digeed waa Curiye Suugaaneed oo shaqadiisa ku saleeyay waayo-aragnimo qoto dheer oo uu u leeyahay Afka iyo Dhaqanka Soomaaliyeed. Waa Haystaha Shahaadada Labaad ee Jaamacadda (Master's Degree), taasoo u sahashay inuu suugaanta u dhex galo cilmi iyo falanqayn sare. Gabayadiisa waxaa lagu yaqaannaa xigmad, falsafad, iyo qaab-dhismeed aan caadi ahayn, taasoo ka dhigaysa mid ka mid ah abwaanada ugu tayada sarreeya ee isku daray dhaqan iyo aqoon casri ah."

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

error: Halkan kaga boggo