Gabayga: Nabad iyo Dulqaad
 
Gabaygaan waxaa tiriyey abwaan Maxamed Dhagaafe  Cilmi. Gabaygaan waxa uu soo baxay 25/4/2004 waxa uuna gabaygaan ka hadlayaa nabadda iyo dulqaadka iyo waliba darxumada ku habsatay dadka iyo dalka Soomaaliyeed. Gabagabadii gabayga, abwaanku wuxuu kusoo khatimayaa duco uu Allaah uga baryayo inuu asagaa awood lehe uu kaqaado umadda Soomaaliyeed dhibka ay maanta ku jirto iyo dowlad la aanta iyo jahliga.


Da`da maanso deelleyda gabay dulucda suugaanta
Ma diyaarin geeraarradaan daaddaheyn jiraye
Ka dalaafay waayadan haddaan deeqsi ku ahaaye
Diintaan u leexdiyo sharciga daba galkiisiiye
Ha yeeshee xalaytaan danbiday inaan daliilshaaye
Doobiga1u hoorsada murtaan idinku deeqsiine

Doodyahanka Soomaaliyeed nin iyo dookhiise
Danta uu rabuu ruux kastaba gabay ku doonaaye
Ha yeeshee mid dulinaa jiroo lagu danbaabaaye
Darbad kaliya duul nagi mar baa lagu dukheeyaaye
Anse kibir danteey maaha iyo inaan dab qiiqshaaye
Dib ayaan ka baqay naar inaan dalaq iraahdaaye
Diintaadu waxay diiddantahay dabagal waa hooge
Inkastood nin door tahay Allaan laga dulboodayne
Waxaad darajo mooddaba dib baad uga shaleeydaaye
 
 
Afartaas murtida diirran iyo arar daliisheed dheh
Cirkoo da’ay daruur curatay iyo mir iyo dooggii dheh
Afar kale dantii gabayga iyo dulucda maantaa dheh

Abwaan gabayga daayaan ahoo, uu kusoo duxaye
Dacwadiyo dhambaalkaan qoroo, diifta ka ilaashay
Halkaan ula danleeyahay haddaan, idin dareensiiyo
Waa danaha Soomaali iyo, doonis nabadeede
Waa dulqaad dadkaygow an rabo, samirku waa doore
Suugaantu waa darajo uu, Daa’ in bixiyaaye
Daal laguma helo iyo in eey dano ku dhaafaane
Waa deeq Illaah leeyahoon la iska doon doonin
Qof walbana damiirkiisa iyo waa dadnimadiise
Labo doodwadaagtana midbaa,dibirtu leeftaaye
Murtideeyda dahabkaa haddaan daaha ka iftiinsho
Iney nabaddu doortahay ayaan la isku diideeyne
Waa qodob daruuriya qofkii,daacadaa garane
Dagganaasho meeshii lehbaa,darajo taallaaye
Nabadbaa dagaal iyo ka wacan dirir colaadeede
Nabadbaa dalkeenniyo uroon danaha Soomaale
Nabadbaa ninkii doona uu dib ugu aayaaye
Nabadbaa dadkoo wada dhaqmiyo daris wanaagiis leh
Nabadbaad daraadeed dhib li’i Dabac kumaashaaye
Nabadbaa in ay noo dantahay la isku diideeyne
Iney qodob daruuriya tahana, waxow daliilkiiya
Haddii labo dal ay diridho oo daanno kala gaadho
Dabka iyo rasaastiyo haddii danabku qiiqaabo
Mid uun baa dikaamiye haddii qolo la daandaansho
Dadku waxay u yaacaan kob ay nabad u doontaane
Qofna daqarra gaariyo ma rabo daanno iyo hooge
Nabad iyo dulqaadbaa bulshadu damac ku gaaraane
Nabad iyo dulqaadbaa bulshadu dalag kubeertaane
Nabad iyo dulqaadbaa bulshadu door ku noqotaaye
Mar haddaan dulqaad jirin nabadi waa durdurisaaye
Laba darisa weeyoo haddana diintu wada sheegtay
La iskama darooriyo adoon daacad u hadleyne
Tusaalooyin dooroo jiraan idin durduursiine
Dib u eega taariikh dhacdaan idin dareensiine
 
Ma ogtahay Mandeelaba2 marbuu daakhil jeel galaye?
Muddo doora waa tuu xirnaa diifna soo maraye
Dacdarriyo qatooyada waxeey daris ahaadaanba
Adduun waa is daba-mare markii madaxda loo doortay
Ma dagdagin dadkina muusan layn soo darbeyn jiraye
Ma dallicin dareenkii wadiyo cuqado duugnaaye
Waayeelnimuu doorbidiyo cafis la doonaaye
Dunidaba siduu wax u dabbaray laga damaashaadye
Dulqaad iyo dadkeeygow maxaa samir inoo diiday?

Dalkayagu siduu beri ahaa nabaddu waa doore
Iyo haatan daqarrada ku yaal dandarro weeyaane
Soomaaliya marbey door aheyd laga danbeeyaaye
Inta diir madow waa ayaan ugu dalfiicneyne
Marbaan danab qabiil aasnayoo duugnay aan niriye
Marbaa nabad ka daan iyo kaddaan dirintu noo tiille
Dugsigiyo waxbarashadu marbey dahab ahaayeene
Marbaa calan samada dadan u egi naga dultaagnaaye
Marbaan ciidan daacadoo lahayn laga didaayaaye
Dadkayagu marbuu wada ahaa ul iyo diirkeede
Danta guud marbaa loo guntaday daacad fulinteede
Marbuu nabad kuwada daaqi jiray geelu dooxada’e
Maantana darxumadaan qabnuu daawan aadmiguye!!

Dadku waa inala yaaban yahay dunida guudkeede
Duurjoog sideedoo kalaan dibadda meernaaye
Waxaa dowladnimadii badalay dirir qabiileede
Dalkeenniina waa kaa bur buray dahabigaahaaye
Bal ineynu wada doorsannahay waxow daliilkiiya
Dubka iyo waxaa inaga dhexa diinta iyo luuqe
Sadexdaba dad aasoo colaad doortay baan nahaye
Aduunyadaba deyraan ka nahay cidi u doodeyne
Daalnaye dadkeygow bulshada nabad haloo dooro.
 
 
Danta guud haddaan laga shaqeyn waa damiir xumiye
Isku duubni iyo nabad ayaa lagu dadaalaaye
Daalnaye dadkeygoow bulshada nabad ha loo dooro

Doorki nabi Ayuub3 waagi uu cudurku daanneeyey
Dildilaaca oogada markii doogtu ku abaadday
Samirkiyo dulqaadkuu la yimid diinta lagu sheegye
Innagana danteen waa dulqaad daacadda Illaahe
Haddeynaan dadnimo muujin waan dabar go`aynaaye
Daalnaye dadkeygow bulshada nabad haloo dooro.

Nin dalkiis bur buray oo colaad doorisaan ahaye
Doondoonis nadadeed nin daal soo maraan ahaye
Afarkalana waa iga duciyo Eebe dalabkiise
Adaa dunida uumoo Rabboow daahay samadaase
Naf ku duugan buuraha adaa deeq kusiin kara`e
Ducadeeyda iga yeel Alloow deeqsi baad tahaye

Deyr curatay deegaanta iyo dirir guyoo hoorey
Daruuraha is dhaafiyo dhulkoo daadku soconaayo
Dalsanka iyo baadkaa nafluhu dan ugu guuraaye
Abaar lama dangiigsado adoon dani ku seeteeyne
Duunyadiyo waxaa kaaga luma dallaga xoolaade
Dad colaad dugsanayaan nahoo diiday nabaddiiye
Dulqaadkii ayaa naga dhumiyo daacadnimadiiye
Sida awr damaanoo kalaa qaarba meel dagaye
Allahayoow na daba qabo collaad darisnay waagaane
Allahayoow dariiq toosan iyo dowsan nagu aadi
 
1.Doobi waa kan geela caanaha looga maalo waxaa laga sameeyaa badanaa qabada 

2Mandela waa madaxweynihii hore ee dalka South Afirca,  waxaa jirtay inuu mudo badan xirnaa, kadib markii loo doortay madaxweynahana uu cafis u fidiyay dhammaan dadkii horay uga soo horjeeday.

3, Naxariis iyo nabad galyo korkiisa ha ahaato eh  nabi Ayuub waxa uu ahaa  nin aad u samir badan adduunkana xaalad adag lagu marsiiyay gaarayna heer jirkiisu goo go`o.                

Kaydintii: Murtiyosuugaan

Ururintii & Tafatirkii: Mr: Cumar Ismaaciil Digeed

By

"Abwaan Digeed waa Curiye Suugaaneed oo shaqadiisa ku saleeyay waayo-aragnimo qoto dheer oo uu u leeyahay Afka iyo Dhaqanka Soomaaliyeed. Waa Haystaha Shahaadada Labaad ee Jaamacadda (Master's Degree), taasoo u sahashay inuu suugaanta u dhex galo cilmi iyo falanqayn sare. Gabayadiisa waxaa lagu yaqaannaa xigmad, falsafad, iyo qaab-dhismeed aan caadi ahayn, taasoo ka dhigaysa mid ka mid ah abwaanada ugu tayada sarreeya ee isku daray dhaqan iyo aqoon casri ah."

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

error: Halkan kaga boggo