Gabayga: Gobannimo
Gabaygaani wuxuu ka hadlayaa qiimaha gobanimadu leedahay iyo dhibka loo soo maray. Wuxuu tilmaamayaa sida habboon ee ay tahay in Soomaalidu dhibka haysta uga baxdo ee aysan dhib horle isu geysan. Waxaa gabaygaan tiriyey Cumar Cabdinuur Nuux Nabaddoon, wuxuuna ka tiriyey munaasabad la isugu yimid ee ku aaddaneyn xornimaddii goboladda waqooyi iyo midowgii labada gobol ee waqooyi iyo koonfur. Wuxuu Nabaddoon tixdaan tiriyey 01/07/2003, wuxuuna yidhi:
Gabaygaani waa waano iyo gacal walaaleyne
Gurgurshaa ku jecel iyo abwaan gogoldhigiise
Gurmad iyo dhawaaq weeye oo waydin garnansiine
Garaadkiina iyo dhagaha iyo galiya laabtiina.
Gobannimada lama soo baryine waase loo go`aye
Guyaal iyo guyaal baa rag badan goobayeen abide
Gabdho iyo cirroolaa ku baxay gaalo erigiiye
Giyigana kagees iyo kagees waa gurmanayeene .
Gobolada waqooyiga kolkii guushu hanaqaaday
Gii iyo raggiisii tagoo gacal walaaloobay
Gurmadkii kolkii waayagii gaaray Xamar weyne
Gelinkii kuxigay waayagii gacal mataanoobay.
Gacal kala maqnaayoo is helay waa gallad Ilaahe
Galalaaska waa tii mashxarad loo guddoon sadaye
Golo sare guddoon madaxa iyo maamul guud dhalaye
Gar ilaahay lama deyrsadee, sharaf ku geeraarnay.
Gacmihii maqnaabay mar kale geesh u kiciyeene
Ugaadeenya waa tii lagalay guulna laga keenay
Godankii Jabuutaad Faranjigii goostay ka carrawye
Keenyana anoon gacan u fidin bay ka guranleyde.
Golihii kacaankiyo raggii guulwadaha sheegtay
Garwadeenka duulkii ahaa goolkii may dhaline
Gaawihii laculay bay marqura gucinkii siibeene
Gobaadiyo hashii noo dhashay gaagaxsheen duhure.
.
Gabaygaani waa waano iyo gacal walaaleyne
Gurgurshaa ku jecel iyo abwaan gogoldhigiise
Gurmad iyo dhawaaq weeye oo waydin garnansiine
Garaadkiina iyo dhagaha iyo galiya laabtiina.
Nina uma garaaboo ninkale eed kamaan galo`e
Gafkii qaranka lagawada galaan soo gudbinayaaye
Gowsaha adkeystoo in yara gaabsha jabaqdiina
Gunta iyo ujeedada ka raac gabaygu waa saade.
Gocashadu xaq weeyoo dhib badan geysay taliskiiye
Gumaad iyo dhibaatana ku qabay goballo waaweyne
Guryo lagu nagaadiyo burburi ganacsigii maale
Hayeeshee inaad kala go`daan waa i gali weyday.
Guluf iyo colaad way dhacdoo lays afgaran waaye
Gacantaada waa lagu dayaa ruux gabood falaye
Godobtaada waa laga ritaa gaal iyo Islaame
Hayeeshee inaad kala go`daan waa i gali weyday.
Gogoshii inoo taallay baan wada gubeynaaye
Guryaheenna baa gaal madow naga gabraartaaye
Lixdankii halkii laga gurtaan dib uga guurnaaye
Gumeystaha inaan hoos tagnaa waa gunnimo weyne.
Goboleysigaan waayahaan ceynka lagu giijay
Gaaxdii horaad adi dhantiyo godoshaan aan maalo
Waxa loo golleeyahay haddeer waa gaddii hora`e
Waxba yaan gurbaannada la tumin waa dal kala goyne.
Dana gaara niman maagan baa geedigaan wada`e
Haddii shacabku uu kala go`rabo oon lakala geynin
Ama guun colaadihi jirtoo laysu gali waayey
Garbahaaray illamaa Berbara kalama goosheene.
Gabaygaani waa waano iyo gacal walaaleyne
Gurgurshaa ku jecel iyo abwaan gogoldhigiise
Gurmad iyo dhawaaq weeye oo waydin garnansiine
Garaadkiina iyo dhagaha iyo galiya laabtiina.
Ninkii godob tirsanayiyo ninkii gacantogaaleeyey
Ninkii guray hantida qaran ninkii calanka googooyey
Ninkii goostay gobalkiisa iyo kii ged kale maagan
Ninna guul masoo hoyn oo intuba waa gablan u jooge.
Intay goori goortahay haddaan cidi kasoo gaarin
Indheer-garad nadiifiyo haddaan geesi u istaagin
Garmaqaatayaashiyo laqaban gacan ku dhiigleyda
Geyigeenna waa loo baqaa gebi ahaantiise.
Gabdhaheenna oo uguba baa gaal hollinayaaye
Gayaankood ma aha oo cidlay goosan ka heleene
Geesiyaal hadday leeyihiin lama guhaadsheene
Axmed gurey raggiisii ayaan joogin gobalkaane.
Gaban iyo barbaar iyo waayeel guudka ka cireystay
Geela kii la joogiyo midkii guunyo adhi heystay
Magaalada midkii galay midkii falayey goofkiisa
Gacan qabad ayey sugahayaan gelinka maantaahe.
Afartooda gees qaaradaha kii ku galay tuugmo
Hurdo gama`masiiyoo intaas waa gocanayaane
Gadaal buu intaas eegayaa goor iyo ayaane
Guryo noqosho buu dhawrayaa geeri ka horowe.
Waxba gabaygu yuu ila gudbine waxaan ku soo gaabshay
Gacantii mindida qaadday ee goysay madaxeeda
Gacalow hanoqon oo adigu ha isdabar goyne
Goldalooladiiniyo arkiyo cadowga guushiisa.
Gobanimadii raadshoo dadyahow gacal walaalooba
Goballada mideeyoo dadyahow daaya kala goynta
Gacansiiya kuwa maqan intay gaarayaan hadafka
Guushana Ilaah baa hayee midnimo talo ku soo gooya
Kaydintii: Murtiyosuugaan
Ururintii & Tafatirkii: Mr: Cumar Ismaaciil Digeed