Gabayga: Aniga iyo Qabiil
Gabaygaan waxaa tiriyey Cumar Cabdinuur Nuux (Nabaddoon) taariikhdu markay ahayd 19/10/2003. Gabaygu waa dood dhexmartay Nabaddoon iyo Qabiilka(Qabyaaladda). Wuxuu dacwad ku soo oogayaa qabyaaladda, isagoo caddeynaya dhibka ay u geysatay qarankii Soomaaliyeed iyo jiritaankii ummadnimo. Dhanna wuxuu tusaaleynayaa sidii hagar la`aanta ahayd ee qabiilka loogu hagar baxay iyo sidaan wax looga dheefin. Waxaadse mooddaa in dooddu ay laba geesood tahay oo la ismari layahay. Gabyaagu Aniga wuxuu ula jeedaa qofkasta oo Soomaali ah oo qabyaaladda u hagar baxay waxse aan ka dheefin.
Anigiyo qabiil baa dacwiyey, oo isqoonsadaye
Qaran li`i, jabbaad geysatiyo, qax iyo aafaade
Qaruumaha halkaan uga jirnaa, qaawan sababtaaye
Qarni iyo bar baan dibu noqdaye, saw ma qiraneysid?
Qalin iyo tacliin baa ummadi, qaran ku taagtaaye
Qoraal iyo xisaab waa horaa, qiimahood tagaye
Qori baa baddalay oo ma helin, qalin caruurtiiye
Qarni iyo bar baan dibu noqdaye, saw ma qiraneysid?
Dhaqaalahii markaad wiiqdayoo, qiimihiis jabisay
Qol markaad ku ooddee dadkii, qaarba dhinac aaday
Qaran hawshii uu qaban lahaa, adigu aad qaadday
Qarni iyo bar baan dibu noqdaye, saw ma qiraneysid?
Magaalooyinkii qurux badnaa, dhowr qarniyo saa`id
Qaar adigu aad dumisay iyo, qaar darxuma liita
Qalbigeygu wuxuu diidayaan, qeex u tabiyaaye
Qabri iyo shaneemays dhexyaal, baa lasoo qoraye
Qaanuun magaaliyo ma jiro, qabasho hawleede
Qashinkiyo muddaan laga sifayn, qurunka awsaakhe
Qaaxiyo tifoow baa ku dhacay, qumman xariirtiiye
Qarni iyo bar baan dibu noqdaye, saw ma qiraneysid?
Qaraabiyo xigaalaa is nacay, Qabiiloow owgaaye
Qoys nabad ku seexdaa dartaa, loo qarxinayaaye
Qolo aan cidnaba eed ka galin, baa laqalayaaye
Qiyaamaha miyaan kugu aflixin, waaban kaa qadaye
Qabiil yiri qabiiljecel anaa, qaatay hadalkiiye
Qadaf uma muraadee runtaan, kuu qabbirayaaye
Qardajeex adaa lalahayoo, qodaya hoobaale
Qarankii intaad dumisay baad, igu qarweysaaye
Qaladkaaga aan kuu sharxee, qaado taladeyda.
Qabiilkaaga waxaan ahayn, adaa qoonsadoo nacaye
Qoriga iyo banbaanada adaa, qaadayoo sidaye
Qabqablaha adaa dabasocdoo, qaatay taladiise
Qabiilkaba inaad adigu tahay, saw ma qiraneysid?
Qur lagooyo qurbaa loo jaraa, waana qowl dhabahe
Qur`aankay ku taallaa oo ma aha, hadal qabiileede
Qaanuunkii Ilaah adaa diidayoo, qaab kalow maraye
Qisaas bay aheyd inaan kuu baxshoon, qoorta kaa jaro e
Qurbaha iyo adaa aadayiyo, qurun shisheeyaahe
Qabqablaha adaa taabayoo, quud usoo diro e
Qaaraankana adaa soo wadoo, qasaya deebaaqe
Qabiilkaba inaad adigu tahay, saw ma qiraneysid?
Qarankaan hoggaan adag lahayn, qolana eexeysan
Qawaaniin hagtana loo astayn, waa qadhoodhabo e
Mar haddaad ku qanacdeen middaas, qaabdariyo ciilka
Maxaan kuu qabtaa saw adigu, xumo ma qoondeysan?
Qabiiljecel haddaan ahay dadow, iga qiyaas qaado
Qabiilkayga waataan u shubay, dhiig qabow badane
Qorfo aan cid joogin iyo u maray, kaymo qoofalane
Qofkastoon quwaax iyo aheyn, qolada aan sheegto
Qarqarsiga ku jabi baan lahaa, qoon xun weeyaane
Hadii maalka qaran leeyahoo, talo la ii qeybsho
Qobka iyo dushaan uga ekaa, qaa`im araggiise
Qofkii anigu aan wadiyo qofkii, igu qabiil sheegta
Qurqurada uddaa baan lahaa, yaan lagaa qabane
Haddii labo qoloon deris aheyn, qow isaga saarto
Halkii aan masloxo qaaliyiyo, qaban lahaa kheyrka
Qori qiiq leh baan dhinaca kale, uga qabtaa cowse
Intii ay qitaal ba`an wadaan, waan qoslahayaaye
Intaasoo qariyo buur xuniyo, qac iyo baaruuda
Qabiilkayga awgiis haddaan, qaran u naafeeyey
Tub kastoo qalloocana umaray, qolada aan sheegto
Qaxar iyo dhib baa iga qabsaday, waana qirayaaye.
Qamuunyoodayeey yaa mar qura, qarankii ii ceynsha
Qarqaryada i haysana mar qura, iga qayoodsiiya
Qabiil waa dhibaatee yaa bulshada, uga quraan saara
Qaladkiiyo xumihii aan galnana, qariya oon sheegin
Qoladaan difaacnoo in badan, qaran u miineeynay
Qarni iyo bar qoladaan darteed, dibugu saan qaadnay
Wax kastoo qurxoon iyo wixii, ummadi qiimeyso
Qabiikaan daraaddiis xumaha, samanno qoosheynay
Qofkii iga dambeeyow murtidan, qaado waa dhaxale
Qaran iyo qabiil kala duwoo, haysku hoos qarina
Qalad iyo xumaan kala saxoo, hays qaddoodilina
Qorraxdiyo mugdiga yaan midkeen, qiil isugu keenin
Qawlkii Ilaah raaca oo, nabadda qiimeeya
Abuu qaasim xeerkuu dhigiyo, qaata taladiisa
Qufraan Eebbe weydiista oo, jooja qalalaaska
Qiyaamaha xisaab baa jirtiyo, qamaci naareede
Qof walboow naftaadaa qabriga, kali laguu qaadin
Qosol iyo baroor baa mid uun, qowlalada jeexin
Kaydintii: Murtiyosuugaan
Ururintii & Tafatirkii: Mr: Cumar Ismaaciil Digeed